Haddaba waa maxay cudurkan? Maxaase keena ama sababa? Dawo ma Leeyahay? Sidee looga hortagi karaa? Faylkan Hoose ayaad ka bogan kartaan jawaabaha weydiimahaas iyo macluumaad kaleba. Waxyaabaha tusaale ahaan aad ka heli doonto dokumentigan waxaa ka mid ah:
Cudurka macaanku waa cudur daran, kaasoo, haddii laa daaweyn waayo keeni kara cudur wadne, indha la’aan, xumaanshaha kelyaha iyo dhibaatooyin kaloo nafta khatar gelinaya. Dad badan oo qaba cudurka macaanka ee Nooca 2 (diabetes type 2) waxuu iyaga soo hayey muddo u dhexeysa sagaal iyo 12 sano ka hor intii aanan laga helin. Waqtigaas dad badan oo kuwaas ka mid ah waxaa ku bilaabmay dhibaatooyinka uu cudurku keeno qaarkood. Laakiin waxaa war fiican ah haddii cudurka macaanka goor hore la soo ogaado si fiicanna loo maamulo, in aad aad isaga yarayn karto halista dhibaatooyin daran oo caafimaadkaaga gaara.
Cudurka macaanku waa cudur tilmaamaya marka caddadka gulukooska (sonkorta) ee dhiiggaagu uu aad u sarreeyo maxaa yeelay jirku si fiican uma isticmaali karo. Waxaa taas sabab u ah beeryaradaada (pancreas) oo aanan soo saarin insuliin haba yaraatee, ama in aanan ku filnayn, si gulukooska looga caawiyo in uu galo unugyada jirkaaga – ama insuliinta la soo saaro ayaanan si fiican u shaqaynayn (taasoo loo yaqaanno u adkaysiga insuliinta).
Haddaba akhriste si aad uga bogato arrimahaas oo dhan, fadlan guji (click) labada fayl ee hoos ku dhaggan.