Warsidaha Kilil5.com oo Hawada Ka Baxay: Maxaad ku Xasuusan Doontaa?

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Waxaa Illaa maanta hawada ka maqan Website-ka Kilil5.com oo ka mid ahaa kuwa ugu firfircoon ee kasoo warama Deegaanka Soomaalida siiba Jigjiga, Raaso iyo Xafiisyada dowladda. Waxaa kuu soo baxaya markaad gasho www.kilil5.com jawaabtan: This site has been disabled by the site administrators oo micnaheedu yahay Boggan waxaa howl gab ka dhigay maamulayaasha. Ciwaanka bogguna wuxuu isku baddalayaa sidan: http://smd.koumbit.net/hosting/disabled/kilil5.com. Mar aan isku daynay inaan la xidhiidhno maamulka bogga ayay noo suurto gali wayday. Website-kan ayaa wuxuu adeegsan jiray software-ka loo yaqaan Drupal kaasoo ah mid aad loogu kalsoonaan karo ooyna yartahay inuu website isticmaala si fudud hawada uga baxo cillad farsamo awgeed.

Dadka ku taxan boggan ayaa dareensanaa in tan iyo intii heshiiska laga gaadhay arrintii Raaso oo uu boggani aad ugu ololayn jiray ay wax iska baddaleen qaabkii looga bartay wararka boggan. Tusaale ahaan waxaa meesha ka baxay gabi ahaanba qoraaladii ka hadlayay Deegaanka iyadoo wariyayaashii bogga oo ku saxeexi jiray wararka magacyada Shugri Xarago iyo Shamso Cumar ayna dhawaanahan wax war ah soo galin bogga Kilil5.com halka taas baddalkeeda ay maamulka sare ee bogga ee iyagu ku sugan North America ay soo galinayeen warar guud oo Itoobiya iyo Federaalka ku saabsan sida shirkii World Economic Forum ee Addis lagu qabtay dhawaantan.

Haddii uu boggani sidaas hawada uga baxo waxaa lagu xusuusan doonaa qiimayntii uu ku samayn jiray xafiisyada Deegaanka walow la dhihi karo dhalliilo ayaa jiray haddana taasi waxay ahayd tallaabo ku cusub Deegaanka Soomaalida. Sidoo kale wuxuu ahaa warside uu ruuxaankiisu wanaagsanyahay dhanka Deegaanka oo wararka qaar heli jiray intayna sooba bixin.

Dhanka kale waxaa lagu dhalliili jiray boggan inuu ka badbadin jiray Siyaasadda Raaso dadka arrinkaas ku eedeeyana waxay cuskan jireen qoraallada kusoo baxa bogga qaarkood iyo maamulayaasha bogga oo kasoo jeeday Beelaha Raaso. Sidoo kale waxaa jirtay in dhowr jeer lagu faafiyay warar aan dhab ahayn bogga oo mindhaa kuwa loogu xasuusta badanyahay loogu hanweynaa uu ka mid ahaa warkii ay ku sheegeen in Madaxweynaha Deegaanka Cabdi M Cumar laga xayuubiyay xilka, kaas oo dabcan dib ka beenoobay.

Gabagabadii waxaan jecelnahay bal iny dadweynuhu nala wadaagaan sida ay u arkaan arrinkan iyo waxay kuxusuusan doonaan warsidahaas Kilil5.com

17 comments on “Warsidaha Kilil5.com oo Hawada Ka Baxay: Maxaad ku Xasuusan Doontaa?

  1. Mohamed bashir on said:

    Asc kadib ciid mubaarak ciid mubaarak kulu caam wa wantum bikhyr kadib walal yaal hadu hawada ka baxo ayu hadu hawada ku so labto wax ba logama bahno waxana lagu xasusan qab yalad iyo isir nacayb isku dir war xuma ta shil iyo dad ki is dhalay oo la kala geyo marka alla ha utobad kenan xumantana sa ha kaga baxan tan kale waxan ushega ya walaladay in dagmada la siyay in ayna u cun tami donin siya sada wadankana is badali doonto dad ki dhul ka lahana nol yahin oo ayna baa bi in marka waxan kula talin haya in ay sinabad galya ah ugu labtan melahi ay ka so ka guren dad kodana la noladan waxna la qayb sadan waxkastana iska iloban ok

  2. Gulwade on said:

    War webkan ma xumo ha iska so labto

  3. dalmat on said:

    Runtii anigu waan xiisayn jiray kilil5 waxayna ahayd warvaahinta
    Jahawlgasha kilika kuwooda ugu dhow dhow xaga xaqiiqda waxayna
    Warka usoo tabinjireeen wariyeyaashu si xaqiiqada udhow intabadan waxyabo badan
    Oo markaa la odhankaro waa qaladad way jireen laakiin mabadnayn waxyaabaha aan
    Kusoo xasuusankaro waxaa kamid ahaa markii wax aad layaabto ookale webka lasoo galiyo
    Sida war aan jirin ama macquul ahayn hadii aad udirto fariin ama email runtii
    Waxay ahaayeen kuwo kasoo jawaaba iskuna daya inay macamiisha qanciyaan
    Iyagoo ku ixtiraamaya

  4. C.xamiid on said:

    Asc. Runtii webkan waxaa lagu xasuusta in uu ahaa web ugu dhow dhexdhexaadnimada waayo dhacdoyin badan oo xaqiiqa aha ayuu so bandhigay oo si hagar la,aan aha oga hadlay waxa kamid aha oo webku ku guuleystay in uu kahadlay dhibaatada ay ugaysteen liyuu bolisku deeganka iyo xasuuqa waxaa kamid aha in uu so tabinjiray dagaalada qaarkood e ka dhaca gobolka waxaa uu wdaku ka halay mowqifka dhaq dhaqaaqa o n l f ee cadaalada aha waad mahadsantihiin boqolkiba 50%

  5. Sayid ahmed on said:

    Asc. Runtii webkan waxaa lagu xasuusta in uu ahaa web ugu dhow dhexdhexaadnimada waayo dhacdoyin badan oo xaqiiqa aha ayuu so bandhigay oo si hagar la,aan aha oga hadlay waxa kamid aha oo webku ku guuleystay in uu kahadlay dhibaatada ay ugaysteen liyuu bolisku deeganka iyo xasuuqa waxaa kamid aha in uu so tabinjiray dagaalada qaarkood e ka dhaca gobolka waxaa uu wdaku ka halay mowqifka dhaq dhaqaaqa o n l f ee cadaalada aha waad mahadsantihiin boqolkiba 50%

  6. Cismaan on said:

    Waxaan salaamayaa dhamaan muslimiinta bisha rabadaan sooman gaar ahaan soomaaliya halaga rabi swt oo ninwalboow danbi yareyso oo alle kabaq anigu sidaas ayaan inigula dardaarmayaa

  7. mahamed ukraine on said:

    waxaan ku xusuustaa buun buuninta xadka baxa ah ee ay ku wadeen beesha ree fiqi cumar ama sheekhaas aniga waa ree abtigay lkn dee way ka bad badiyeen lkn wax la’aanta way dhaameen hawada ha iskaga soo laabtaan

  8. Sayid ahmed on said:

    Asc.dhamaan umad somalida.dagan ogadenia ama s/galbeed ani waxaan ku xasusta in uu ahaa web aan aad u shidnayn lakin u dhawaa xaga xaqiiqada in kastoo aad ku jiften xaq u dirirka jwxo lakin su’aal xaged kala aaden maxad qadka uga baxden

  9. Sayid ahmed on said:

    Asc ani waxaan ka xasuusta in ahaa webku weeb u dhaw xaga dhax dhaxaadka iyo cadaalada in kastoo uu ku yara jiifay dhaqdhaqaaqa onlf ee cadaalad u dirirka aha

  10. khaliil on said:

    waxay ila tahay in kilil5.com uu ahaa warside kashaqeeya arimo qabyaaladed, isla markaana wariyeyashiisu malahayn mihnadda wariye nimo ee ay sheeganayeen, waxaa xusuus mudan in qabyaaladii marki danbe ay lagashay in ay ukala qabyaaladeeyaan beesha ay u adeegayeen…..
    si kastaba ha’ahaatee waxaan leenahay wuu kumahadsanyahay faalo.com ra’yi uruurintan uu sameynayo..

  11. abdi haybe on said:

    raga website kan kilil5 waxsogalin jiray waxay ahaa yeen umalaynayaa ===== cuqdadnafsi qaba markaa intay been faafiyena ilahay ayaa kalaxisabtami dibna yeyna ugusoqon hawada dib udhac kashaqayn jiray marka ilahay idinkumasoceliyo beentiini laga raysane

  12. Kkkkkkkkkkkkkkk ilahay amarkiisa badanaa , iga raali ahaada aad ayaan u qoslay ee, ani ahaan tay waxaan ku xasuusan karaa in ay uqdadii ka baxdey kadib na ay been tii is ka dhafeen oo toobad keen wada galeen ileen beenta ay sheegi jireen akhara waalawaydiin eeee

  13. Raaso on said:

    Asc ugu horen waxan salamayaa umad kilalka kadib raga kahadlaya webka kilil5 e kushegay cuqdad iyo iskudir horta wa jahiliin an udhuundalolin siyaasada kajirta kililka waxana kuxasusana warar lagu kalsonyahay iyo qiimeynt xafiisyada kilalka on wesite kafaloda jirin takale qabyaalad hadii ladiidi yakaqabyaalad badan cakaara xaajo ogadeen dhanaan qoraxeey iyo dhaman websiteyada kasobaxa kililka midkasta deganku kaso jido qoraga aya lagu faniyaa marka xayawanimada iyo cuqdada iskadaya o an alle kaliya an kabaqno

  14. rashiid on said:

    gabi ahaanba ma uusan ahayn hadaf iyo aragti waxtar uleh umada gobolka. Waxa lagu xusuustaa Qabyaalad, Xiqdi, xasad, iyo been iyo bakhti, hawo been ah. Umadda allah kuma sooceliyo Aamiin

  15. maxamednuur on said:

    wuxuu ahaa midka kaliya ee dhamaan gobalada dagaanka kasoo warama in kasta oo uu baryihii danbe unacamleen jiray ina ilay uun iyo siyaasadihiisa iyo xayay siin tiisa

  16. cali on said:

    ree baadiye ayaad tihiin maxaad khadka uga baxdeen khadka ma **** ayaa garanwayday waxay wabka soo galiso oo macuqdadii ayaa kabaxday

  17. Ducaysane on said:

    Ani ahaan waxaan ku xasuusan doonaaa web-kudhisnaa nidaam khaldan oo waliba mar-marka qaar adeegsan jiray warar nacayb isku kicinta qoysaska somaliyeed ee walaalaha ah iyo shakhsi weerar iyo buuninta dagmada raaso oo katirsan ogaden region

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.