OO HADDAAN ETOOBIYA KA GO’NO YAA MIISAANIYAD NA SIIN !!!
Madax isaga danbaysay deegaanka soomalida ayaa shacabka ku hanuuniya haddaynu etoobiya ka go’no yaa miisaaniyad ina siini bal eega waxba ma soo saarree waxa nagu qulqulayo. Runtii waxaan odhan karaa uun waa Yihaadhig oo ku guulaysatay ,madaxdii ay naga xulatay ee ay talada deegaanka u dhiibtay, wax intaas ka baxsan maba fakari karaan oo haday garan karaan meel ay miisaaniyaddu ka imaani marka horeba shruudaha Yihaadhig maysan buuxiyeen oo xilka umaysan doorateen.
Aan dadkii warkaas maqlay dhagahooda sifaynee wax maamulkeennu illoobay khayraadka ceegaaga ee maamul uun nooga baahan een xitaa xoog nooga baahnayn laakiin waarune miyaynu ismaqli haddii laynaga dhex boxo?
Maxaase qorshe ah oo inoo diyaarsan? Waa dood daba furan oo u taalla akhristayaasha. Wax Ka Dhaha.
Madaxwaynaha oo Socdaalkiisii Gobollada Odayaasha Qorraxay ugu Qaybiyey Toban Toban kun
Miisaaniyadda itoobiya lafteeda dawirsi ayay ku keentaa ma dal wax qabsadaa haddii dal waxqabsada tahay umaddan dawirsiga dariiqyada jigjiga lataagan ha nadhaafiyaan, ta kale jilib looma dagaallamayee ninka sidaa yidhiyow kor u fikir. Dhanka miisaaniyadda saw tan ninkii ugu xumaa uu maamulo ma aha, waxaa qaata militariga uu ina iley ku taaganyahay.
Waxaa noo diyaarsan xoogga ONLF oo maamuli doonta khayraadka dabiiciga ah ee gayigeena ceegaagan ETHIOPIANA way iska tagi awalba xoog iyo kiinna oogu xun uguna wadaniyad xun ha idin maamulo qasabna kuraaca unbay nagu haysatay
NO QABÍIL heerka dagan baasha FEER-FEER iyo kan dagan WAJAALE kan dagan XAY-SUUFTA iyo heerka dagan DHANBAL iyo DAWANLE intuba waa walaalo oo makala soocaan diin,dhaqan,iyo af midna marka ducadaydu waa heeryada ethiopia allaha dul-qaado
itoobiya hadaan ka go’no sida somalia ayaynu is layni oo jilib jilib u kala jabi, inagoo itoobiya ka tirsan aan ku fikirno sidii aan nabad u keeni lahayn khyraadkana uga faa’iidaysan lahayn…