Sida aad ogsoontihiin waxaa DDS ka jira waxa loogu yeedhay dib u curasho (dib u gurasho) oo kolba qaada talaabooyin ay ku waxyeelaynayaan shacabka deegaanka meelkastoy joogaan.
Maamulkan ayaa shacabka saaray culays ayna kasoo kaban karin sida inay maal\hanti aan caadi ahayn kasoo ururiyaan tuulooyinka hoosyimaada degmooyinka iyaga oo ugu magac daraya dhaamka (biyoxidheennka) ABAAY, qaadhaanka xisbiga iyo fooq 5 dabaq ah oo dhawaan ay xarunta dhe ee XDSHSI uu shaaciyay inuu dhisayo.
Culayskan aan caadiga ahayn ayay shacabku ka cabanayaan iyaga oo markii horeba la ildarnaa abaaraha, cuna yaraanta iyo biyo la’aanta ka jirta deegaanadooda.
Maamulka dib u gurashada ayaa iyagu maamulka tuulooyinka ku qasba inay soo ururiyaan qaadhaanadaasi kala duwan iyaga oo u xadidaya tuulo kasta inta\xadiga looga baahanyahay inay keenaan iyagoo cash\lacag cadaan ah ku keenaya hortoodana ka balan qaadaya.
Tusaale ahaan tuulada Xaadaw oo hoostimaada degmada Jigjiga ayaa waxaa loo qoondeeyay inay deeq 100,000 (boqol kun) oo Birr ah soo xarayso si loogu deeqo dhaamka Abbaay.
Maamulka tuulooyinka ayaa iyaguna iyagoo awaamiirtaasi hirgalinaya u dhaadhiciya qaadhaankaasi qasabka ah ilaa shacabka qoys qoys halkaasoo cida diidana jeelka degmada loo dhaadhiciyo ama maamulka lagu diro kadibna siyaabo kala duwan looga aargoosto iyadoo lagu shaabadeeyo dib u socod mucaarad ah loona diido ugu yaraan qamadiga WFP ay qaybiso.
Shacabka ayaa culayskan lacageed ku tilmaamay dhiig miirasho dib u guradhadu soo kordhisay iyagoo khasab kaga dhigay halkaasoo ay shacabkana khasab ku noqoto inay iibiyaan waxa yar ee ay haystaan sida , xoolaha, raashinka iyo caanaha yar ee caruurta loogu talo galay si ay isaga bixiyaan qaadhaankaasi.
Qaadhaanada ay maamulka degmootinku ururiyaan ayaan si toos ah ugu dhicin khasnadii loogu talo galay halkaasoo isbaarooyin dhawr ah loosii dhigto si jeebka ashkhaasta ay u gasho.
Dhibaatooyinkan iyo culaysyadan shacanka lasaaray ayaa waxay cadaynayaan musuqa iyo hantida shacabka ee la boobayo had iyo jeer.
Dadbaa rajo ka qabay markii uu lahaa dibucurasho, hase yeeshe waxaa weeye xaqiiqda in aan dibuguranay, hagardamooyinki uu dadka u geystay waa mid aan cafis lahayn. ONLFna istiraajiyad taageeraysa gumaysiga ayay wadataa.
Waxaasu waa wixii danbile ina iley shacbka kugumaadayay