Dhawaan waxaa gobolka Dhagaxbuur ka dhacay ciidanka Liyuugu inay duurka u soo raadsadeen ONLF hase yeeshee ONLF ta oo iyaduna ka war heshay oo daba guraysay ayaa habeen ciidanka Liyuuga oo gabalku meel ugu dhacay tuulo ag seexdeen, habeen badhkii bay is taabtaabteen oo ka guureen meeshii . Waxaase lagaga guuray hal askari oo Liyuu ah oon la toosnin oo la arki waayey.
Hase yeeshee ONLF-ta oo habeenkii agtooda seexday oo malaha lahaa ku kallaha ayaa meeshii ay ku tuhmayeen ciidanka Liyuuga isku wareejiyey habeenimo haddise ay waa bariisteen waxay arkeen uun hal nin oo lagaga guuray meeshii; kadib ONLF ninkii way dileen qorigiina way ka qaateen wayna iska tageen.
Ciidamadii liyuugu markuu waagu u baryay way istiriyeen waxayna tabeen ninkii ka maqnaa rasaastii lagu dilayna way maqlayeen, haday meeshii ku soo laabteen waa saaxiibkood oo ladilay qorigiina laga qaatay.
Reerihii ayaanka darraa ee danbigoodu ahaa in ilaahay halkaas ku beeray ayay gumaadeen waxay ka laayeen tobaneeyo oo waxay arkeenba way dileen geeliina way ka xareeyeen. Caqliyaddooda haddaan qiyaasno waa reeruhu mustaqbalka yaysan soo dhawaysanin ONLF.
Hadaba dadkii qaarna wuu qaxay oo Keenya, Soomaaliya iyo adduun waynaha ayuu u qaxay kay u suura gashay; qaarna waad xaaqdeen, qaarna cabudhis buu dhiig kar ugu dhacay, qaarna way xidhxidhan yihiin, qaarna cabsi baa Malleeshiyo, iyo Liyuu ka dhigtay hadaba suaashu waxay tahay:
Ilaa goormaad dadka sidan ku wadaysaan? Qaab sidan dhaama oo loo fakaro ma waydeen ? mase Yihaadhig (EPRDF) baan si kale ka gadmaynin?
Nagala soco faallo.com
Shacabkani wuxuu dhibki u waynaa u yimid markii uu ina iley madax u noqday, waa laga soo billaabo wakhtigii uu hoggaanka ahaa illaa iyo hadda. Balwad ayay u noqotay in dhiigga shacabka ku maydho balse isagu si xun ayuu u dhiman doonaa insha allaaah.
shacabku wuxuu ku dhex dhamaaday onlf iyo luyuu boolis dhexdood, 2duba waa danbiilayaal.
I’m sori shacabkaygow u adkaysta hagardaamada gumaysiga waad ka bixi doontaane