Maxaa Inoo Qabsoomay Illaa Maanta Dawlad Ahaan?

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Maxaa Inoo Qabsoomay Illaa Maanta Dawlad Ahaan?

Waxaan la dafiri Karin intii la aasaasay dawladda deegaanka waxa inoo qabsoomay, waxaa inoo dhissan saddexdii hay’adood ee dawladi laga rabay oo kala ah hay’addii sharci dejinta ee baarlamaanka , hay’addii garsoorka ee maxkamadaha.iyo hay’addii fulinta oo ah cabinetka , waxaa kale oo dhissan maamulka sagaal zoon iyo 67 degmo .
Wasaaradaha heer deegaan waxay dhammaan inta badan degmooyinka ku leeyihiin xafiisyadoodii waxaana degmo walba ka dhisan hay’adahaasi xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen, waxaa ka jira dugsiyadii ,xarumihii caafimaadka  haba liito adeegga ay bixiyaane waxaa iyana jira ceelal biyood degmooyinka qaar haba liitaan adeegooduye.

Gobollada inta badan waxaa ka jira dugsi sare adeeg hufan ba yuusan bixinine, waxaa gobollada qaar gaadhay koronto saacadaha haba yaraadaan ay helaane degmooyinka qaar yarna way gaadhay, waxaa jira telefoonno gobollada inta badan adeegoodu liito. Waxaa kale oo jira waddo aan tayo lahayn oo Godeey gaadhay  Shilaabona loo sii wado inkastoo lagu xanto shidaalka uun baa loo dhisay , waddooyin kale oo jay ah oo ismaamulku dhisana way jiraan tayo yaysan lahaanine. Degmooyinka waxaa loo dhaadhiciyey qaab dhismeed shaqaale xafiis walba  bil walbana waxaa la suurto geliyey inay mushaarkooda iyo hawlfulintooda ay helaan iyo waliba miisaaniyadda  (capital) loo yaqaanno ee mashariicda lagu fuliyo.

Waxaa jirta kala danbayn dawladnimo oo intaasoo degmo ah waxaa laga maamulaa xarunta Jigjiga waxaa aan soo sheegnay oo dhan way jiraan !!!  hadaba maxaa naga maqan?????
Saddexda hay’adood labadii awoodda badnaa ee sharci dejinta iyo garsoorkaba waxaa awooddii ka xayuubiyey madaxwaynaha oon ikhtiyaarkeenna ku imaanin ee yihaadhig  (EPRDF) nagu faral yeeshay kuna joogi kara inuu ciddii keensatay uun raalli geliyo ,  oo xubin baarlamaan ah haduu shirka fakar uusan madaxwaynuhu ogolayn ka jeediyo halkaasaa xasaanadda (waa erayada yaabka leh ee waayadan dambe soo baxaye) lagaga qaadi waana la xidhi, maxkamadduna hadday wax uusan raalli ka ahayn ku hadasho sharaftaa laga xayuubin wana la xidhi garsoorihii iyo guddoomiyihiiba.

Marka waa inay labaduba mushaarkooda shaqaytan, waxaa kaloon hadli Karin shacabkii oo dhan ruux waxa la quman ku hadli karo ma jiro oo waa af sallax ku dhag marka dawladnimo hay’adaheedii way noo aasaasantahay ee waxayna ahayn  active oo ma shaqayn karaan.

Caddaaladuna waxay u muuqataa in sida ay wax u jiraan loo sheego.

Falanqaynta arrintaas waxan u dhaafaynaa akhristayaasha faallo.com

5 comments on “Maxaa Inoo Qabsoomay Illaa Maanta Dawlad Ahaan?

  1. cumar on said:

    Dhamaan xubnaha fikirka ka dhibtey wey mahadsanyihiin, Ee walaalayaal waxaan su’aal weydiin laha qoraga qoraalkaan fadlan wax umaada Soomaaliyeed ee ku dhaqaan degaanka u qabsoomey ma intaas kaliya ayaad ka ogtaahay, walaal hal shey oo wanagsan ama adeeg wanagasan bixiya oo degaanka jira miyaanad garaneyn, takale, walaal ma musharka , hawlfulinta iyo nidaamka dawladeed (qabdhismeedka) ayaad u aragta wax 20 sanno qabsoomey, fadlan si baladhan u firi wax badan ee qabsoomey ee umada wax tarka u ah.
    Qodobka labad ee rabo in aan fikir ka dhibto waa xubinka amiinsaan dadka degaanka jooga ama masuuliyinta ka ah oo dhani in ay xun-yihiin halka dadki wanagsana dibada joogaan waa riyo xaqiiqda ka foog ee waxaan qaba ka inta garashadisi iyo aqoontisa ah umaada ugu adeega, tusaale ahaan wilika dhalinyarada ah ee dalka ku soo bartey dhaktarnimada ee adeega sinaya hooyoyiinka curka leh iyo caruurta yar yar ma ihadhig ayaa wax bartey oo ay u adeegayaan mise wajibaad iyo masuuliyad ki aqoonta laha ee dalka dibada uga cararey, masuuliyada u garan wayey ayuu kan yar wuxu Alle garaansiyey xil iyo masuuliyad bulshada degaanku ku faraxado kuna nastaan.
    Ugudanbeen, walaalyal in wax la saaxo oo la hagaajiyo iskama imaaneyso ee waa in ay ka timaado dhalinyarada aqoonyanka aha ee degaanka ku sugaan, Qof walba oo aqoonyaan aha waa Masuuliyad saraan in u ka shaqeeyo wixi umaada u wanagsan ee horumar, maamul subaan iyo nidaam dimuqradi aha ku hanaan lahayeen waa dhalinyarada oo naf u hurta Jirtaanka umaadoda.
    Mahadsanidiin, fadlaan rali halaga noqdo wixi aan ku khaldamo.

  2. Waddani on said:

    Waxan leeyahay waxaad sheegteen waa wax dhab ah ma aha oo kaliya inaadan fikirkaada sheegan karin balse haddaad damacdo inaad ka hadasho arrin taageeraya dawladda halis ayaad galeysaa. Umaddu waxay u baahantahay xurriyatul qawl iyo inay naqiska laga siidaayo haddii kale way qarxi.

  3. example on said:

    wadani aadbaan u taageersanahaye umada yaa u maqan?…….

    ninka dalka cadaalad ku maamuli doona goirta uu iman lama garan karo balse waxaa ka horeeya systemkii lagu gaadhilahaa ninkaasi in la helo.

    suurta gal ma tahay in systemkaasi laga hirgaliyo DDSI hadda iyo mustaqbalka dhaw.???

  4. ...... on said:

    waxaa aad sheegaysoo dhan waa wax fiican oo inoo qabsoomay balse waa 40% miisaaniyada, inta kale waa la cunaa….kkk
    waxaa inaga dhiman
    1. cadaalad
    2. xoriyad iyo dadku fikirkoda xor u noqdaan
    3. hogaan suuban oo noqda kabaha shacabka
    4. UBBO oo soo xeroota…kolay soo xeroon maysaan u malayne.

  5. Wadani on said:

    Si dhab ah ayaad arinka uga hadashey. Su’asha aad akhristayaasha waydiise waa mid doqoni ma garate ah waayo? miyaad iska dhega tireysaa mise ma ogid in dadkii wadanka ee waxgarad laga eryey, la xirey ama la diley. Sidee ay maamul suuban u keeni koox maxeysato ah oo kaliya la soo barey sida tigree loogu adeego. 20 sano ee la soo dhaafo ma is tiri sanad wanaagsan baa ummada soo marey. Su’aashuse waxay tahay goorma ayey imaanin nimankii wadanka maamuli lahaa ee horumarin lahaa? Waa su’aal weyn, haddii kuwa joogana ayna waxba maamuli karin kuwa kalena ayna imaaneyni ma sayid maxamed kalaa baa soo dhalani. Waxaan aamin sanahay ONLna in ayna xal haynin kuwan ayna xal hayni ee ummadda waa in ay dib isu fiirsaa!!!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.