Waxay ahayd yididiilo markii sharci lagu maamulo bangiyada oo ogolaanayo in la furi karo bangi ku shaqaynayo zero (0) interest oo macnaheedu yahay bangi ku macaamiloonaya riba la’aan kadib raga aasaasayay bangigan markay heleen fasaax waxay ururiyeen lacagti lagu furi lahaa waxaana la yaab noqotay inay hal mar ururiyeen lacag lagu furi karo laba bangi hal mar.
Bunuugta Ethiopia markii ay ogaadeen arrintaas way shireen waxaana xaqiiqo noqotay shacabka ay la macaamilaan ee dhaqaalaha haysta inay 70% yihiin muslimiin haddii bangigan la furona dhaqaaluhu isugu tagi bangigan bunuukta kalena ay kici karto. Waxaa hadaba la yaab fajac iyo amakaak Muslimiinta ku noqotay markii bangiga dhexe ee Ethiopia uu hal mar diiday in la furi karo bangi ku shaqeeyo nidaamka ribo la’aanta oo keliya shruudo adag oon horay u jirinna la soo saaro.
Dadka u dhuun daloolo waxa ay sheegayaan in aysan arrintani sahlanayn ooy yihaadhig (EPRDF) dhibaato u horseedi karayso.
Bangigii rajada muslimiinta waa la diiday, laakiin Muslimiinta manta Muslimiintii shalay ma yihiin? Maxaa ka imaan kara diidmadan ? maxay tahay tallaabada xigtaee la gudboon Muslimiinta?
Falaqayntan waxay u taallaa akhristayaasha faallo.com
Asalamu calaykum arini wax ay noqotaba maanta muslimiinta ethiopia way soo jeedaan jawaab ku haboon na way ka bixin doonaan laakiinse muslimiinta bariga ethiopia (soomaalida) alle ha unaxariisto siiba culimada jaadka madaxda tuugta dhalinyarada dulaysan tnx faallo.com