MAGAALADA JIGJIGA OO DADKA RUUXAAN LA GARANAYNIN IYO RUUXII LAGARANAYOBA LA XIDHXIDHAYO

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

MAGAALADA JIGJIGA OO  CAAWA DADKA RUUXAAN LA GARANAYNIN IYO RUUXII LAGARANAYOBA LA XIDHXIDHAYO

Duhurnimadi maanta  waxay boolisku billaabeen suuqa badhtankiisa Jigjiga taywaanka ilaa bangiyada agagaarkooda iyo magaalada oo idil in dadka la qabqabto waddooyinkana la xidho; dad badan baa qabaleeyada lagu ururiyey kadibna gawaadhi la soo khasbay baa loogu daldalayay xarumaha police ka.

Waxaad moodaysay in  magaalada col soo galay argagax bayna dadki oo dhan qaadeen mar sababta la is waydiiyay waxay dadka badhkood lahaayeen in hay’adaha amniga laga maqlay in magaalada xubno ONLF ah soo galeen. Dadka u kuura gala arrimaha amniga waxay sheegayaan inay tahay xaalad abuur ooysan waxba jirin ee ama Federaalka report argagax la siinayo si muhimadda amniga loo dareemo dabadeed wixii la rabo la qasto ayna u muuqdaan kuwo muhiim ah oon amni dartiis looga maarmin, ama in ay ku banaysanayaan dad ay rabaan inay xidhxidhaan ooy  yidhaahdaan amni darray ku tuhunsan yihiin.

Galabtana waxaa la joojiyay dhammaan gaadiidkii dadwaynaha oo shacabki oo dhan waddooyinka ayay lugaynayaan; fiidkii isgoys walba dad la qabqabtay baa la fadhiisiyay oo xerada booliska loo daldalayaa.

Cabsi wayn baa shacabki caawa haysata waana habeenkii xabsiyadu buuxsami jireen.

Nagala socda faallo.com

8 comments on “MAGAALADA JIGJIGA OO DADKA RUUXAAN LA GARANAYNIN IYO RUUXII LAGARANAYOBA LA XIDHXIDHAYO

  1. Nassir Sheekh, on said:

    Asc. saaxiibayaaloow dabadhilif doqonsanaa! anigu waan la yaabaa. duli foqal duli! waa waxaa logu sheegay dabaqoodhi/jaajuus. akhli waxee ka yaaheen 0% maskax 0% aqoon 0% siyaasaad 0% waxaan la yaabay bal aan wax kaaga sheego nin walaashiis la xidhi la kufsadi, walaalkiis la dilay, oo hadana ninkii saas samayay ku faraaxsan oo la shaqanaya! war waxuu damiir malaa miyaa! thanks faallo.com

  2. warsame on said:

    UBBO hadalkeeda uska daayo…in la hadal qaado aya ku naaxdaaye…

    waxa bulshada dub dhigay waa uyada.

  3. Faarax on said:

    Ubo argagax laga qabo dadka looma baadho ducaysanoow sxb iyadiibaa duurka
    Loogu tagaa oo nag lagagasoosiiyaa ee faallo waxay ku mahadsan tahay warka xaqiiqda ah ee ay kasheegtay jig jiga
    Lkn ubo argagax laga qabo wadanka kama jiro ta kle in taad
    Ubaa laga cabsanayaa leedahay maad u madaada
    Dhibka haysta ee kle ka hadashid si dey faalo u soo dhigtey oo kale

  4. Ducaysane on said:

    Bahda FAALLO waad mahadsantihiin
    ani fikir ahaan waxay ila tahay in argagaxa ay gaaladu ka qabto xoogga ONLF uu sii badanayo taana waxay astaan u tahay jabka ethio. Oo soo dhawaaday
    dadkaygoow u dulqaata hagardaamada tigreega mardhow idamka allah waad ka baxaysaane

  5. example on said:

    runsheeg waxaan waydiinayaa qof kasta oo muwaadin jijiga joogaa ma aqoonsibuu haystaa? waa maya, maxaa markaa lagu kala saari ninka la garanayo iyo ka kale….shacabkuse ma sidan ayuunbuu ku jiri? goormay dadku xoriyada dhaqdhaqaaqa helayaan? jjga waxaa ka nabdoon hargaysa oo al-shabaab inooga dhaw….

  6. Runsheeg on said:

    Walaal waa iska caadi in ciddii aan sharci haysanin laqabto, dabeedna kolka la aqoonsado la siidaayo. Arintan waxay niyad jabin ku tahay cadawga, boodhkana ka afuufaysaa xoogaga amniga si ayna isu dhiganin oo ay heegan u ahaadaan.

    • Waddani on said:

      Ninkani waxaa uu wataa magaca RUNSHEEG lkn waxaa uu ku hadlayo iyo magaciisa waa kaladuwanyihiin sxb aan kuu sheego dadka oo lacabsi galiyo wax kaxun majiro. Soo la yidhi ONLF waan dhameynay, takale dawladda inay xasillooni samayso weeye inay dhibaato abuurto ma aha, ma lasocotaa tan iyo intii uu gaashaha siyaasadda yimid dhibaatooyinki ugu xumaa ayaa ku dhacay umadda.

  7. faarax on said:

    kkkkkkk faallo niban adagbaad tihiin ee dib ha ka xumaanina sxbayaal sidaas u sheega waxii jiraba onlfna ka fogaada hadaad muslim tihiin ubadu waa virus e.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.