Talo Bixin ku Wajahan Akhristayaasha Faallo.com

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Talo Bixin ku Wajahan Akhristayaasha Faallo.com

Annaga oo ixtiraam wayn u hayna akhristayaashayada qiimaha badan waxaan idiin soo jeedinaynaa kalmaddan hoos ku qoran.

Marka hore waxaa nagu kallifay inaan boggan u samayno shacabka baahida warbaahineed ee deegaanka ka jirto iyo markii aan aragnay inaysan jirin daaqad ay shacabka deegaanku ka neefsadaanoo la cabudhiyey. Ma jiro ruux hadli kara oo wax la quman sheegi kara.ruuxa sida loo bahdilayo ayaa lagu qanciyaa in bahdilanku la haysi ama la qabsi yahay oo wixii laga xishoon jiray oo dhan baa loo tusayaa qaabka keliya ee lagu noolaan karo. Marka waxaan ugu talo galnay in ugu yaraan halkan ra’yi xor ah ay isku waydaarsadaan , waxaana uga jeednaa uun sixtaan oo xaqiiqada oo la sheego waa awood jirta oon la dafiri Karin.

Waxaana naga go’an xaqiiqo aan helnay inaanan qarinin qiimo kasta ha ku kacdee; sidaa darteed waxaan muwaadiniinta xil kaska ah ka codsanaynaa ruuxii caddayn u hayo warka deegaanka wuu nala soo xadhiidhi karaa laakiin waa inuu yahay war uu caddayn karo ama xaqiijin karo, bogga faallo ma ahan goob ciddii la rabo lagu dhaleeceeyo ,ama cid gooni ah lagu dacaayadeeyo ama lagaga aargoosto.

Waxaanaan bisayl u arkin marka aragtiyada iska soo horjeedo la iswaydaarsan hayo in la is caayo ama la isku xad gudbo ,ruuxu aragtidiisa waxaan ka codsanaynaa asagoon caayin waxna u dhimin ruuxa ka aragtida duwan inuu gaadhsiiyo. Waayo ujeeddada aan leenahay waa shacab danahiisa garta oo walaalo ah oo isku dan ah oo mid ah dhibaatada na haysana ay tahay in nala kala shaki geliyey oo la isugu keen dhiibay oo nalagala dagaallamay isku kalsoonidii aynu ku tashan lahayn.

Midda kale ma ahan inaynu innagu isku filnaanno waayo waa dantii lanaga lahaa qabyaaladduna waa wax loiiitta meel ay ku dhammaatona ma lahan reer hebel iyo reer hebel waxba inaga soo reebi mahayaan qabiilku meel uu ku joogsado malaha waa basasha oo kale waxaa xaqiiqo ah taxaaluf ku salaysan qabyaalad inuusan liibanaynin    DUGSI MALEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYAANE.

Waxaa kaloon soo jeedinaynaa ruux kasta oo akhristayaasha ka mid ah inuu boggan gaadhsiiyo dhammaan dadka uu xidhiidhka la leeyahay si ay u noqoto bar aynu danaheenna ugaga tashanno.

Waad mahadsan tihiin nagala socda faallo.com

10 comments on “Talo Bixin ku Wajahan Akhristayaasha Faallo.com

  1. Taf... on said:

    dhamaan akhyaarta qoraalada kore soo qortay way mahadsanyihiin waana arin fiican waana ku faraxsanahay in dad wax garad ah wali dadka ku sii hadhay si kastaba ha ahaatee markaad aamus istiraahdaba waxaad arki ku sarar qudhuntay wata oo tabari kanoqotay in dad meel dagan dul baxo hadana kugu gilgilo waranka uu kugu dhuftay.
    waxaase hubaal ah in dadka dhibka ugu wayn ee haysta uu yahay ONLF.

  2. warsame on said:

    waaqici u r correct…..faallo isku daya inaad dhexdhexaad nimadiina ka runsheegtaan.

  3. Waaqici on said:

    Wow fikrada iyo arimaha aad sheegatey waa mid soo dhaweyn mudan laakin su’aashu ma tihiin sidaad sheegtay? Marka hore bogga faallo, waxay ka dhigan tahay in aad qoreysaan fikrado ku saabsan taxliilin arimo dhacey, socda, ama soo socda oo runa noqon karan beena noqon kara. laakiin hadda waxay u eg tahay iin aad tihiin niman wararka iyo faalooyinkaba soo tabin kara. Waxaa ummad marka la rabo in la badelo waxaa la hagaa ama lagu bedalaa mediaha, maanta gobolka wax waa mesha ugu liidata aduunkaba dheh. Waayo Gumeysi baa ka jira oon la qarin lana dafikirin. Gumeysina wuxuu la dagaalamaa mediaha. Waad is xil qaadeen, waa wax aad la idiin mahad celinayo laakiin su’aasha idin korsaarani waxa weeye KUWAMAAD TIHIIN (HEBEL…), MAXAAAD TIHIIN (FIKRAD, IWM). In la idiin sacabo tumo waxba kuma jirta. Anigu Waxaan idin oran karaa niman indhala’a ama dhega la’ baad tihiin. mana idin caayayo ee waan idin amaanayaa. Waxaan ka wadaa hadaad ummada u kacdeen in aad waaqiciga la jaan qaadaan baa loo baahan yahay. In aad la soo boodaan kilil baa sidaan ah, tigree baa sidaa sameeyey iwm maaha. Markaad ummadda wax u qoreysaan sidaad u sheegteen waa in aad wax jira, war, dhacdo, iwm qortaan meesha iyo ruuxa aad ka soo xigateena sheegtaan. Muhiim maaha xaalada lagu jiro in aad is sheegtaan ama warka meesha aad ka heshaan sheegtaan ee waxaa muhiim ah in aad ummadda wacyi galisaan, dadkna waxaa dhaca dhinaca kasta aad soo tabisaan maahaa ee maahaa in aad ku yuustaan xukuumada ina iley cadaalada daridiisa, iyo iwm. Waxaa iska cad marka in aad tihiin niman UBO taageersan dhinac kasta. Kana soo horjeedaa waxaa meesha ka jira. Si kastaba ha ahaateen waaqici dhabta ee siyaasiga ee u baahan in la faaleeyo lama socotiin. Haddii aad hal dhinac tahayna nama oran kartid dhexdhexaad baan ahay, warkeygu wuu miisaaman yahay fikrad isiiya, war isiiya iwm. Waayo waxaad wadaa ama aad tahay baa propagand, iyo koox ah. Cid kasta ma raacsan tahay kooxdaa fikkirkooda..iwm. soo koobo waxaan idin kula talin lahaa:
    1. haddaad rabtaan iin aad jirtaan in dhexdhexaad noqotaan, warka aad tabineysaan cid kasta ha ahaatee in aad runta u dhawaataan
    2. In ay daadn waxba isku sii mashquulin ee aad soo qortaan waxyaalaha maalinkasta gobolka ka dhaca
    3. In aad ka faallootaan xaalada gobolka sida sida dadku u nool yahay, waxabarashadu sida ay tahay, caafimaadka, beeralaha, biyaha, xoolaha, deegaanka, siyaasada,…..iwm waayo faalo ayaad tihiin run maha beena maaha.
    4. Inkililka iyo siduu u dhaqma aad qortiin maaha in aad tihiin ….in Dool..waa wiil yar oo fuddud oon sidiina oo kale waaqiciga meesha ka jira la socon. waa tusaale fudud oo hada arinka aad ka hadleysaan yaan la caayin aad nin sharaftiisa ku gafteen waliba aad u sii abtiriseen ood Garaad absame iyo qoyskiisa meelaha uu kuluka kaga sugan yahay wadatirisaan, waana danbi wayn oo diini iyo dabeecad ahaanba ku xun. waxaa kaliya oo idin kufalan wiilka khibrada ayaa ku yar.
    5. In aad iska dhawrtaan dulmiga, ruux wuxuuna ahayn aad ku sheegtaan wax ka xanuun badan ma jiro.
    6. In aad diirada saartaan dhinac wacyi galinta dadka iyo dhacdooyin, xaaladaha wadanka ka jira.
    Maadaama aad faalo tihiin in aad dadka dood u furtaan war maxaa xal inoo ah? fikradeeda wanaagsan? maxaan sameynaa? sideen wax u qabaa? Miyaan dagaalanaa mise waan is dhiibnaa? oo teebaa faaiido inoo ah? Ethiopia ma ka xaroobi karnaa? haddiise sideen wax ula qabsanaa? sideen wadanka iyo dadka ku badbaadinaa? sideen wax ku badelnaa?sideee…………!!!!!!!!
    Yuuska, qaab daradaa..xagjirnimoda, xigmad darada, jaahinimada, iska hadalka, nin jecleysiga, fahmi darada, …..!!!!ummada xal uma aha waxna lagu gaari maaayo…

    Waxay taleyda ugu danbeysa tahay in idinku ama adigu ninka ninka iska lahoow aad dib isugu noqoto isna qeexdo marka hore sidaad wax ku waji lahayd, jidkaad qaadi lahayd, fikaradaad aamini lahayd, sidaad wax u qori lahayd,sidad isu QEEXI LAHAD sidaaad…….ka DIBU ISU SAXI LAHAYD IN AAAD SAMEYSAAN.

    MAHADSANID
    WAAQICI

  4. warsame on said:

    ninka birqon isusheegayaa waxaan leeyahay ma xuma fikirkaaga inaad cadayso balse waxaan leeyahay wadankan DDS somali ayaa ka talisa ee tigree kama taliyo..Tigreegu itoobiya ha ugu sareeyaan balse horumar ayaa dalka ka socda hoos loo dhaadhiciyay oo kilil walba gacanta laga galiyay miisaaniyadiisa

    itoobiya nin walba qaybtiisa gaar ayuu u maamulaaye dhibku waa ninka dhankiisa ka seexda ee bulshada u shaqayn waaya.

    dhibka ugu wayna saaxiibadaa ONLF ayaa wadee dadka xabada ha ka daayaan oo hasoo xeroodaan 20sano waxaad gaadhiwaydeen hada oo aad kala jabteen oo dadku muhiimada nabada fahmeen waxba keeni maysaane.

    dadkiina u naxa oo rasaasta ka daaya sidii UWSLF.

  5. dariiqo on said:

    aaad baan usoo dhweeniyaaaa fikradaaas in dad lacayo mahaaan waaa in wax la isway diiyo
    hada faallo waxaa ku khasabay qoralakan in ay sooo qorto waaa si xun isku aflagdeeyay shacabaka reer birqod ama reer ciiin waxaan usheegaaa anoo ku hadalaya afka shacabaka reer birqod in ay radasadaa xaqoo diiii oo ay wax isku ogolaadaaaan waa ladahacay dagmadii birqod iyo geeloo diiba ee ha iscayiana reer sayid iyo reeraha meesah soodagayaba way kufilanatahy magaladu

  6. Birqod on said:

    Faallo aad baad u mahadsantihiin una salaamantihiin waa min dabiicatul xaal inay dadku kala fikir dunaadaan laakiin waxaa la yaab ah inay dadka qaarkood ku qancaan qaayibaana gumasiga kuna dadaalan inay walibana u shaqeeyaan kuwa ummadooda xabsiga ka buuxiyey ee xabadda ku dhameeyey gabdhohoodana markii koobaad taariikhda meel walba in lagu fuulo amrka ku bixiyey inay xaq ku taagan yihiin, intaa kadib idinku aad baad ugu mahadsantihiin talooyinkiina iyo dadaalkiina waana waajib ee wax aad cid wax ugu tareysaan ma aha maxaa yeeley cilmigu waa amaano qofkuna laba cimri malaha markaa inta ay naftu ku jirto unbuu fursad u haystaa inuu xaqa is garab taago hadhow haddii uu dhintana qoomamo wax ma tareyso dibna loo soo celin maayo si uu xaqa mar labad u garab joogsado markaa anigu qaar badan oo xaqooda iyo mab da,ooda mas laxad iyo huguri raadintii uga tanaasulaya waxaan u sheegi laha inay laba arimood ogaadaan:

    1- Hortaa ha ogaadaan inay qofka ajashiisu xadidan tahay oo cid soo hor marin karta iyo cid dib u dhigi karta midna ayna jirin.
    2- ha ogadaan inuu qofka rizqigiisa iyo waxa aduunka intuu joogo uu heli doono ama la kulmi doonana inay xadidan yihii oo ayna jirin cid wax ku dari karta iyo cid wax ka naaqusi karta midna. intaa markaan ka baxo bal aan isku dayno sida kuwo qaarkood ay sheegtan inayna hunguri ama nolol raadinay nin ee ay xaqa uma raadinayaan dagaalkana ka soo horjeedaan ok haddii ay taasi runtahay Tigree dad badan baa is xakoorey oo muda dheer wakhti ku bixinayey ee maxay ka keeneen. Tgree anaga nooma fikirayaan dana kama laha dhibatada nahaysata noomana soo jeedaan maxaa yeley danahooda iyo say mustaqbalan u jiri lahayeen ayey ka fikirayaan isku dana manihin isku dalna manihin, waxay rabaan uun inay dadkoodu ka faaiideystaan miisaaniyada gobolka loo xadido dadkooduna ay ku noolaadan mudada ugu dheer ee ay kari karaan.

    waxa jiraa wuu badan yahay hadalkana ma rabo inaan badiyo xoga aan haynana way badan tahay waxaanad tihiin idin ninma qiima badan maxaa yeely waxaad tihiin nimankii ugu horeyey oo soo saara liisas umaddii xaq darada lagu laayey ay ku qoran yihiin kuwa moodaya markaa inuu wax qarsoon yahay ha ogaadan inuu wax waliba diiwaan garaysan yahay wakhtigiisana la soo saari doono, waxna ha iskula hadhaan kuwa maanta umada ku toog dhisanaya, maxaa yeley waxani waa aduun oo la iskuma haleeyo ciqaab akhirona way danbeysaa. mahadsanidin

  7. Cadaadle on said:

    Arrintani waa wax jira waayo dadka sida ay u kala midab duwanyihiin ayay arigtidooda u kala duwantahay ninna ninka kale yuusan layaabin aragtidiisa waliba waa inuu xurmeeyaa taasina waxay kuugu suurto gali in aadan is dhihin marka horaba fikradaada ayaa ugu fiican waayo fikirkaaga uguma fiicnaan karo.

  8. warsame on said:

    thx faallo waan taageersanahay fikirkaasi.

  9. Abdihakim on said:

    Hello faallo.com anigu fikrada ah in la is caayin aad ayaan u soo dhaweynayaa waayo dadku waa walaalo ee wala kala aragti duwan yahay taana waa inaan ixtiraamno. Hadana faallo.com waxaan ka codsanayaa aniga oo afka(ethiopian youth national movement) ku hadlaya in aad soo gudbisaan dhaqdhaqaaq yada ay dhalinyartu ka wadaan caasimada dalka addis abeba iyo xaga ay shaqo marinaayaan wayo eynm waa urur dhalinyaro oo 50kun oo xubnood ku jiraan taaso ay isku diyaarinayaan kacdoon shacab oo diktatoorka lagaga tuurayo xukunka dalka.kaliya shaqada ururka noo soo gudbiya ma aha xayaysiis waxa aan codsanaynaa. Mahadsanidiin faallo.com

  10. faarax on said:

    thanks faallo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.