Qiimaha Xoriyyadda? Wax Ka Dhaha!

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan |

Qiimaha Xoriyyadda?

Nafta ibnu aadamka waxay ugu oon badan tahay bay culumadu ku qeexaan waxa loo yaqaanno xorriyadd oo macnaheedu yahay inaad dareento noloshaada inuusan jirin awood ama culays kaa hor istaago inaad sida aad jeceshahhay u fakarto, u hadasho, u noolaato, u cibaadaysato, ugu  muujiso dhaqabkaaga. Marka si kale loo dhigo inaad leedahay awood aad ku kala dooran karto ikhyaaro kala duwan.

Waxaa jirtay xilligii maamulka deegaanka laga qaaday leegadii uuna la wareegay xisbiga loo bixiyey ESDL yihaadhig waxa xoog badan gelisay inay wax ka badasho qaabka ay bulshada soomaalidu u fakaraan waxaa raxan raxan loogu qaaday dugsi la odhan jiray TAADIQ  waxaa lagelin jiray dodo fara badan iyo wax loo yaqaanno GAMGAME halkaasoo lagu soo kala xulan jiray xubnaha isteerinka jilicsan sida xubno la baxay pro Ethiopians oo isku daya inay axmaar axmaar iska dhigaan dhaqanka,hadalka,socodka si loo aamino inaysan soomaalinimo wax raad ah ku lahayn, waficlan kuwaa uun baa laga xulan jiray si xil loogu dhiibo. Taasi waxa ay tusaysay ruuxaan aragtida uu leeyahay ka tagin waxa uu ku xukunnaa in la liido ama la tuso inuu yahay muwaadin darajada labaad hadduusan dhibaato kale mutaysanin.

Hadaba intee in le’eg baynu madax bannaan nahay ooynu xor nahay? Baahi intee le’eg baynu u qabnaa xorriyad? Mise sidan baynu ku fiican nahay oo haddii xorriyad la ina siiyo waynu is layni? Iyadoo qabyaaladi dhaqan noo tahay xornimo ma hawaysan karnaa? Miyaynu haysannaa xorriyad? haddaynu haysanno intee in le’eg baynu haysannaa,? miyay nagu filan tahay inta aynu haysanno?

Waa maxay Qiimaha Xoriyaddu? Ma runtii baa marka uu abwaanku leeyahay:

Naftu inay maqnaatiyo inay mahad ku noolaato

Maaweelo weeyaan hadday mid u dhexaysaaye 

qiimaha xorriyaddu waa maxay? Xilligee aad loo dareemi karaa?yaa ugu baahi badan?

Ku soo dhawaada akhristayaasha faallo.com

14 comments on “Qiimaha Xoriyyadda? Wax Ka Dhaha!

  1. cabdishakuurbaadroolkaan sugayaa on said:

    dhamaan soomaali oo mid ah way ogtahay wllaheed dulman iyo keeda kale laakiin hadana kama damqato waalahi ma garan karo sababta laakiiin waxaas oo dhan wax soo afjari kari dhalin maanta oo qabyaalada laga daayo

  2. cabdishakuur on said:

    democracy waa shay ayeeynaan lahayn oo la inoo keenay aduunka raguna waa taliyaa dumarkunaa waa yeelaan soomaaliyi dhaaaan waa xor wax doonaan ayeey samayn karaan

  3. Ethiopian youth national movement on said:

    @DANOOD ADIGA DIBADA WAXAAD KA qabataba mustaqbal fiican ayaad ku noolaan anaga se sidii nin indho xidhan maanta in aan qadayn iyo inkale magaranayo bari meel aan seexdo magaranayo faqri mustaq bal madow ayaan ahay hadana idigu waranka igu taagan ayaad igu gujinaysaa marka aad raga sidaa noogalaya daaya leedahay ee mustaqbal kayagii jeebkooda gashaday waalahi inaanu wixii nalagu dhaliilaba aanu dhag u dhigayn walaahi baanu sidan lagu noolyahay dhimashadu dhaanta xoolihii,hantidii dalku waa laxaday meesha adi ku damqanaysa waan ognahay. in gumaysi jiray waan ognahay.in layna khiyaamay waan ognahay laakin waa koox sida hadaba koox inoo khiyaantay laakiin maanta anagu ururkan aad ku dhaleecaynaysaan axmaaro walaahi inayn kuwii ahayn oo waa urur kamadax banaan kuwii ina halaagay.qaarna waxaba nagu sheegeen in aan araqee da cabno alle ha idinka dambi dhaafo ayaan leenahay‏ حسبنا الله ونعم وكيل.‏

  4. Danood on said:

    faafan<<< waa raga la inagu soo dhexdaayay Dhargigii kudhalay gobaolada somalida Ethiopia ogaden ee hada raba in ay naga dhaa dhiciyaan walaalo nahay Marka waa in loo sheegaa in uusan filinkaas soconayn Tasas tachul Naqachalen Badanb in ladhaho weeye

    • admin on said:

      FG: Faallo.com masuul kama aha wixii afafka qalaad ku qoran sida Amxaariga iyo Sawaaxiliga amaba afaf aan kan Soomaaliga ahayn.

  5. faafan on said:

    waar kan qinijidkaa sheeko iyo hadal haku khasaarinina….dhiigii dadkeena ayaaban ku haysanaaye. nasiib daranaa ninka somaliga ee xabashi u doodaya, waxaan filayaa inuu araqeedana la cabo.

  6. Ethiopian youth national movement on said:

    @DANOOD WALAAL HORTA HADAAD ka dhooftay dalka ood waliba wax ka baratay intii aad joogtay maxaad aragtay hadii aad ileedahay barwaaqo dimuqraadiyad ayaan arkay walaahi dib dood kuu la galimaayo.walaaloow ma waxaad rabtay aniga oo dhalin yaro ah in oo arka maalin walba dadkiisii oo la dulaynayo la dilayo la dhacayo in aan gacmaha laabto oon iska dhaga mariyo .dunidu gobalaysi way ka tagtay oo midnimo ayey dooratay walaalow ma waxaad rabtay in aan iraahdo reer hebel ayaan ahay adna reer hebel ayaad tahay oo ku caayo .ethiopian youth national movement waxa way ka madax banaantahay walaahi in aan hadal kaa dharginaynin hadaan wax kasta inaan kuu sheego iskudayo ee pls facebooka acount hadii aad leedahay ii soo qor markaa wax aad nagu aaminto milyan jeer ayaan ku tusiye waxaanad ogaata si kaste oo isku khilaaf san nahay waan ku jecelnahay.tnx

  7. Danood on said:

    Ethiopian youth<< gari lama nin kama wada qosliso xaqiiqda oon lataabana wax walba hakiisa ayay joogayaan, somalia kama soo dhoofin waxaan ahay dhalintii Ethiopia wax ku baratay ogna meesha ay farta ka qudhunsan tahay adiga ha iga dhaadhicin in aad somalida ethiopia aad naxariis badan u hayso, ee danta maxay inoogu jirtaa?? aan is waydiino, taariikh fog anagoo dib ujaleecayno iyo halka maanta Ay marayso Ethiopiada cusub , maxaan ku heshiin karnaa??? seen isula jaanqaadi karnaa lakiin ha ina kala qad qaadin in aad ku cel celisaa macna wayn keeni mayso , aan heshiinee ma Khiyaano aan ku heshiinaa ?? seebaan kugu aaminaa Adoon waliba waxba hayn ayaad wada taa Afxabashi halagu wada hadloiyo Calnkii nahalaagay ood ku ooyi wali waakii sadexda nooc ahaayee hada Malez xataa Caln ayuu isii yay astaanta aan uleeyahay ee afsomali ayaan ku hadlaa qoraa, inta aan Ethiopia kadagana waa ii calaamdiyay Maamul maqaar saar ahna waa ii sameeyay, Adiga markaan ku leeyahay , ha dhibsan waa sida saxda ah ee aan wax ku qayb san karno Hadaan nahay Ethiopianka saxda Marka runta aynu ka hadl no wax mac quul ahna aan isu sheegno,Xaqiiqdii Aniga waxa aan isla fahmi wayno waxaad ogaataa in aysan kaligaa kuusuura galayn waa hadaan ahay Ethiopian adan idafirayn sidii waktiyada qaar ,,, thnx

  8. Ethiopian youth national movement on said:

    @DANOOD WALaaloow adiga marka aad qoraaladada bilaabayso waxaan mooda nin fikir fiican oo wadanada uu ku nool yahay la qabsaday balse sidaa ma tihid ee uqdadi nafs ayaa ku haysa waayo waxaad ka bixi laadahay axmaaro hebel hebel.marka haku daalin dood aan waxba ku qabanayn laga yaaba adigu in aad somaliya ka dhooftay eed arkin waxa ka jira dalkii walaahi dadkan aad kala qaadqaadaysaa sida ay isu jecel yihiin hadad ogaan lahayd in markaa wadani dhab ah oo wixii dadkiisa uu rabo ku kaca ee ragii halaagay ayaad maanta mahadinaysaa horta adigu dhib ma lihid oo 0% ayaad matashaa ee anagu halgan nabadaysan ayaan dadkayaga ku xorayn doona sida egypt tunisia yemen adiguna waligaa qoxooti ayaad ahaan doonta.NAFTU WAA INAY MAQNAATA AMA MAHAD KU NOOLATAA!!. GUUL SHACABKA ETHIOPIA!!.DIL LE ETHIOPIA HIZB!!

  9. Danood on said:

    Faallo<< Markahore Mahad gaar ah ,, Hadaan usoonoqdo su aalaha qiimaha badan ,Xaqiiq Dii xoriyadi majirto, waxa meesha kajiraana waa wax la wada ogsoon yahay, Waxaa jirta oo kale ah, ama soo muuqanaya dadkan in ay ku socdaan wadadii dawlad nimo oo waligood horay usoo marin, taana waxay ku gaadhi karaan ,waa wadada hada dadkan hayaan , laakiin dagaal ama halgan in lagalo oo nidaamkan jiraa labur buriyo waa waxaan laga fiirasn sidii daw ladii Somali aan dumina mooyee maxaa noo dhisan aan la oran.. Hadii Saas tahay dadkan waxa ay ku xoroobi karaan Ama ay kaxoroobi karaan waa jaahil nimo ,Hadii manta sidan la yiraah war qaata xoriyadii waxaa udhisan maamul haba ahaado kii soo halaagay laakiin in isagaa la casriyeeyo oo si sharci iyo kala danbayn leh lagu kala wareego ama dimuquraadiayd leh << haa waa macquul in nabad lahelaa lakiin hadii kana laburiyo xoriyad lasiiyo<< waxaa xaqiiq ah in dhagay faray ka dhici iyo anaa laan dheera ah iyo anaa ina libaax sankataab ta ah , iyo wax laga nastay bar yahn , marka caqliga saliim ka ah waxa uu dhigayaa hala taageero ,Ina ilay Qudhiisa waxaa suura gal ah in uu og yahay ama uu arkayba sida ay unool yihiin dunidan Heer galbeedka oo dadkan aysan xor ahayn ,Hadii hada Maamulkan lataageeri waayo waxaa soo socda mid kadaran Melez zanawi oo ah kuu dadkan baday hoogan iyo halaagan iyo gumaysigan jaahilka ah waa Axmaaro labaxday Ethiopin youth iyo kuwakakaleba oo hada samaysanaya maamul badalakan oo lagu soo dhisayo duni ay ka shidaal qaataan Ortdox ka war indhaha hala furo Mhad sanidin

  10. Ducaysane on said:

    Mahadsanidiin bahda FAALLO
    runtii su’aalo badan ayaad halkan soo dhigteen
    oo dhamaantod muhim ah
    hadda xornimo inaynaan haysan qofwalba damirkisu fayowyahay wuu daremi karaa
    waxaana ku hos nolnahay gumaysi naxarislawe ah haseyeeshe waxaa jira halgan xoogbadan oo dal iyo dibadba ah oo loga horjedo rajiimka xasuuqaya shacabka waana laga guulaysan insha’alah
    HADDII UU ALLAHA WEYN nasiyo xornimo majiri doono qabiil-qabiil idamka ilaahay sabbto ah hadaba ONLF waa dowlad ka dhisan caalamka oo dhan kuwana shaqayso wax qabil layidhaahdo
    markay dalkooda qabsadaana waa ALXAMDULLILAAH

  11. faras on said:

    waaqici ayaa dhbta ka shanqadhiyay waana taageersanahay……xili xornimo la raadiyo ma joogno ee aan shacabkeena dhisno oon jahliga ka saarno.

    maqaalkani iska daa itoobiyee afrikoo dhan ayuuna ka shaqayn….wax sidaa masar TAHRIIR SQUARE fadhiista oo xoriyadoda cabira ma jiro ee marka 2 xabadood laga dul rido ayay ilaa jarar/faafan cararayaan,

    xornimada ONLF waxba way keeni wayday, UWSLF na waxba way keeni wayday oo markay daashay ayay iskasoo xeroodeen.

    sidaa darteed ceelna uma qodna cidna uma maqna….waa in inta yar ee aan haysano ee cabdi u sareeyo aan ka faaiidaysanaa oo aan shacabkeena wax barnaa kana shaqaynaa sii waxa yaree la haysto loo gaadhsiinlahaa.

  12. Waaqici on said:

    Faallo waa haddal fikran fiican. waxa ugu qiima badan naf bani aadam ah waa in uu xor u noqdo dhinac kasta. fikir ahaan waxaan aaminanahay: in ayna xoriyadu iman riyo, si fudud, waqti dhaw, si nabad galyo, ah iwm. waxay u baahan tahay in loo jeexo jid dheer, oo oon badan, lagu dhamaado, lagu dagaalamo. Shiinaha markuu shuuciyada qaadaney malaayiin ayaa u dhimatey. Markey dimoqraadiyada u dagaalamayeen hal marka baa 15000 oo arddey la diley. Nelson Mandeela 27 sno ayuu xirnaa, ….sayidka daraawiish ila dayaarado ayaa lagu rusheeyey. Dadaalkan iyo dagaalkan yaa sameyn kara? ummmad nool, is raacsan, diyaarsan, is ogol, …iwm. Anigu ma nahay kuwaas MAYA!!waxaan aaminsanahay in xoriyadeenu aad u fudaad lahayd, haddii shacab diyaarsan aan hayn. Hadey sidaaa tahay marba sidey kuu qabato ayaa loo dhutiyaa, shacabkeenu wuxuu u baahan yahay bislaasho. Waxaa diloodey jahli, gaajo, iyo qabiil oon soomali oo dhan la qabno ee tigree nagama adkaado. Waan kala qaybsanahay, ma lihin rag ummadan hogaamiya. Dadku waa masaakiin maalintii nin qabiilkiisa ah meel loo dhiibo jabhad ama kilil ayuu leeyahay aan dagaalano, aan dawlad raaco. Waxaa marqaati ah waxaad arki mid maanta jabhad ahbari ethiopian ah. tusaale ahaan nimanka maanta ONLf ah waxay intooda badan u taageersan yahay waa ninka madaxda ka ah. Inta maanta abdi iley daba yaaceysana shaley wada jabhad bay ahayd. Sideey dadkaasi xornimo ku gaari. Marka ummada ceynkaas u wacyi xun tahay jid waa in loo maro xoriyada taas oo ah in ummadda la dhiso…sida tigree raggan u diyaarsadey waa in adna aad u diyaarsado. Laakiin waxaa hadduu yahay ina ilay baana jecleyn, bari hadii inaa deerkey loo dhibo waa dawlad xaq ah oo xor baan nahay ma soconeyso, waana dhibka ina haysta.
    Xaalada hadda aan ku jirno midii ugu xumeyd oo dadka iyo wadankaba lagu qaadaneyey. Waxaaa la sameystay matlayaalsidaad sheegtay la badelay wadankiina waa looga tagey, taasi maxay keeni in dadkii la badelo, wadankiina dad kale la soo dejiyo. waxan ku soo gabagabeyn lahaa in xoriyada jidkii loo mari lahaa la leh, dadkii marsiin lahaana la helo oo la diyaariyo ayaa loo baahan yahay.

  13. Mr jigjiga on said:

    Asc wad mahadsantihin bahda fallo: waxan umalaynaya qof kasta o caqli usaxiib ah inu garanayo inaynan xor ahayn oon ku hos noolnahay xukun gacan kudhiigle ah oo tigree ah markan sas leyahay wey jiran kuwo inaga mid ah oo sidan kuqanacsan oonba aqoon xorriyada waxaytahay umaleeya xoriyadu inay tahay inay mushahaar qaataan xiligii qabiilku wu dhamaaaday dadku wuu bislaaaday xornimo wa lama huraan xornimooy xornimo war haloo guntado inaan sida asaageen unoolaano oon si or ah u fikirno

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.