Dhibaatooyinka Maxakamadaha iyo Booliska DDS

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Dawladi waxay ku dhisantahay markay haysato hay’ado sharci ah oo si daacada ugu adeega shacabka isla markaana ka shaqeeya cadaaladda iyo sinaanta bulshada ay u adeegayaan.

DDS waxaa cabasho aad u balaadhan ay shacabka deegaanku kasoo jeedinayaan hayadaha sharciga sida booliska, xeer ilaalinta, cadaalada iyo maxkamadaha.

Hayadahan ayaa ku sifoobay musuq ay dadka ka gurtaan halkaasoo kolba ninka jeebkiisu kuusanyahay loo xukumo waxa uu rabo iyo sida uu u rabo tasoo lagu dulmiyo dadka masaakiinta ah ee aan haysanin wax hanti ah oo isku difaacaan qaar kalana kolba xoolaha ama boosas ay leeyihiin soo iibiyaan si ay ugu laaluushaan booliska ama xeer ilaaliyayaasha maxkamada.

Waxaa jirta in ay booliska iyo maxkamaduhu ku sifoobeen in ay hanti ka gurtaan labada dhinac ee is haystana kadib markuu midi ku dhameeyo hantidii uu haystay ayay ka kale u xukumaan madaamoo kaa kale kaga badiyay jeedbka isla markaana aan loo eegayn nin gar daran iyo ninka la dulmiya toona

Ninka isagu haysta hanti ama uu ka danbeeyo nin wasiir ah ama jooga jago uu ku saamaynkaro ka kale ayaa waxaa si dhib yar loogu xukumaa kolba xaajadiisa ha ahaato dhul, guri, hanti xoolo IWM.

Maxkamadda oo la rabay in ay ka madaxbanaanaato siyaasad iyo eex ayaa ku sifawday ka amar qaadasho dhinaca madaxda sar ee DDS iyo eex aan loo aabo yeelin oo lagu tunto xuquuqda shacabka masaakiinta ah iyadoo laga amar qaato kolba sarkaalka amarka soo bixinaya.

Maxkamada ayaan xor u ahayn inay sii dayso qofka aan danbiilaha ahayn iyadoo aad arkayso waraaqaha sii daynta oo jeelashu meel iska dhigaan isla markaana kusiidaayaan amarka xukuumada sida madaxwaynaha iyo hogaanka N/galiyada

Waxaa sidoo kale hay’adahan booliska iyo maxkamada dhacda in xukuumaddu u yeedhiso cidda la rabo in loo xumuko iyadoo loo samaynayo fayl been ah oo aan laga daba hadli karin sida NABADIID, musuq IWM. halkaasoo lagu amro nimanka isku sheega garsoorayaasha iyo xeer ilaaliyayaasha in ay shacabka ku xukumaan sanadaha loo yeedhiyo ee xukuumadu ku amarto loona sameeyo markhaati beenaalayaal lacag la siiyo hadana ninka la rabo lagu siidaayo wakhti yar iyadoo lagu xisaab xidho cafis.

Haddaba waxaa is waydiin leh intee in le’eg ayuu sii socon doonaa dulmiga lagu hayo masaakiinta shacabka DDS gaar ahaan kuwa aan wax hanti ah haysanin oo ay xukuumaduna ogtahay??

Xaaladahan aan ka war bixinayno oo awalba ka jirtay Deegaanka ayaa si xawliya kusii fiday kadib maamulka Cabdi M Cumar intuu qabsaday xukunka deegaanka oo nin walba oo xafiis ama masuuliyad hayaa uu ku tagri falo kursigiisa gaar ahaan booliska iyo maxkamadaha.

Ugu danbayntii xukuumada DDS waxaan usoo jeedinaynaa inay il gaara ku eegto xaaladaasi ay bulshada badankeedu ka cabanayaan oo xaqiiqo ah isla markaana qiimayn dhab ah lagu sameeyo hayada xeer ilaalinta iyo booliska.

6 comments on “Dhibaatooyinka Maxakamadaha iyo Booliska DDS

  1. faafan on said:

    waa dhab hawshaadi, waxaanay xaaladu kasii dartay markii waxa loogu yeedhay dib u curashada la galay….kacaanka ninka hor istaaga gacanta ayaa la goynayaa….waa dibu curadhada oo dafka lagu baadho laguna musuqo.

  2. saxane on said:

    Arinkani waa dhib ka jira DDS, maaha intii cabdi Hayey ee intii ONLF jirtey oo dhan buu sidaa si ka daran ahaa. Cabdi wuxuu uga duwan yahay kuwii hore, in uu siidaayo markuu cabaar hayo sidii Ugaaskii, isaaqii, iwm. Su’aashiin jawaabteedu way fududahay dhibkani wuxuu jiri inta ONLF jirto. Masaakiin badan ayaa ayaa u jibeysan magaca og==== ee ONLF la baxdey oo dumar iyo dhalin yar ah. Taasi waxay u keeneysaa shacabkii in la dhib badan. Policseka iyo maxkamadaha marka arinkani taagan yahay cadaalad ma sameyn karaan, waxaa badanaya laaluush, qabiilka isu fiirinta, kala roonaanta, waayo wadanka dagaal baa ka jira. Wadan kasta oo dagaal ka jira u fiirsadada arimaha waa inaga daran yahay. Maxkamada waa meesha kaliya ee markaad xafiisyada dawlada tagto ay shaqo dhab ah ka jirto. Anigu xaalad ka duwan taa sheegayso ayaan ku arkey oon ogahay in dad badan daacad uga shaqqeeyaan. Waxaan taagnaa markuu nin police ah uu dukumenti waatey in loo saxeexo isagoo direyskii xiran uu ninkii xafiiska fadhiyey iyo xafiiska aad u buuxo uu u diidey dhaar u marey in uuna u saxiixeyn. Ninkii policeka ahaana uu bisad ka yaraadey. Xafiiska dad badan baa ka shaqeeya dadkuna isku shaqsiyad maaha, arimaha musuquna wuxuu ku imaanaya dhibka guud ee dagaaleed ee wadanka ka jira. xaaladaa intaa le’eg waxaan qabaa in uu ugu fiican yahay marka loo eego wadamo kale.
    ha u fahmin in aad ka soo horjeedo faalladaada waa mid run ah oo jirta laakiin ONLF ayaa sabab u ah. Waxaa wadanka iman lahaa dadkii wax garaney oo qaban lahaa wadanka, dadka hadda jooga waa dad isaga yimid meel banaan poo dadkii ka tagey. Sidee lagu xaliyaa qaabab badan baa lagu xalin karaa, in ragga meelahaa jooga lala hadlo si gooni gooni ah ama loo diro dad ay qaraabo yihiin oo la yiraaa ilaahey ka baq oo dulmiga joogi. In ONLF joojiso dagaal si dadku wadanka ugu soo noqdo oo raggan loo badelo, in shacabka la baraarujiyo warbaahintana la badiyo

  3. tusmo on said:

    inta ay DDS xaalkaasi ku jirto nabaduna way sii fogaan waayo dad badan oo lagu xad gudbay ayaa kolba ku biiri N/diidka oo ku beerla xawasan dhibaatada lagu sameeyay isla markaana heli meel uu ku aar goosto oo uu ku dhuunto.

    waar cadaalada haloosoo noqdo oo qabyaalada hala yareeyo.

  4. samawade on said:

    Salaan bahda faallo,waad ku mahadsan tihiin sida aad bulshadiina uga danqaneysaan cadaalad darada haysata,waana mid muujinaysa wanaaga aad aaminsan tihiin ,balse ma is weydiiney maxkamada iyo booliskaba nin ka ugu sareeya ee xukuma iyo sida uu hogaanka ku yimid ,iyo sida uu hada ku joogo,Jaajusnimo,dil,boob,dhaqan xumo ,oo umadiisa ku hayo ayuu ku joogaa.Marka hay,adaha oo nin noocaas ah xukumo maxaynu k sugnaa.Ardey macalin xun ,maxaa laga filan.E anigu waxaan qabaa in inta damiirka iyo wadaniyada leh,ay midoobaan ,una guntadaan sidii maamul kan dhaama u raadin lahaayee,ayagoo ku talagalaya,dil iyo xadhig iyo bahdil badan in lagu sameyn

  5. faarax on said:

    THANK U FAALLO SIDAAS DOWLADA WAX U XASUUSIYA

  6. Ethiopian youth national movement on said:

    Ilaahay ayaa dulmiga iyo maafiyada qabiilba ka weyn dhulka ayaa la gariiri doona daalimiinta malin dhow naga war suga in shaa alaah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.