Madaxwaynaha DDS ayaa shalay kusoo laabtay DDS kadib safar degdeg ah oo loogu yedhay caasimda dalka ee Addis Ababa sida la sheegay arimihii dhulka ay isku haysteen Canfarta iyo Soomaalida (Beelweynta Ciisaha) oo aan xal laga gaadhin ilaa hadda.
Dhanka kale waxaa maanta Jijiga si balaadhan looga xusayaa xuskii sanadguurada 14aad ee XDSHSI ee talada Deegaanka haya.
Xisbigan oo loogu yeedho Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomalida Itoobita( XDSHSI) ayaa sanadjirkiisii 14aad maraya intii la aasaasay isagoo ah xisbiga qudha ee isagu talada deegaanka hogaamiya isla markaana aan lala tartami karin habayaraatee (Taasoo lid ku ah magaca Xisbiga ee Dimuqraadiga!!).
Xisbigan ayaa ah xisbiga deegaanka wakiilka uga ah EPRDF (walow uuna xataa xubin buuxda ka ahayn EPRDF illaa hadda) wuxuuna xisbigani soo dhisaa xukuumadda. Xisbigan ayaa sheega inuu doorashooyinka Deegaankii soo maray kuwoodii ugu dambeeyay (laga soo billaabo 2000) ku guulaystay sanidihii tagay 100@ Deegaanka soomaalida, hase yeeshee markaad shacabka ka waraysato ayay si hoose kuugu sheegi intooda wali hoos wax u sheegi karta inayna ahayn inuu doorasho ku guulaystay balse ay tahay ku shubasho iska cad maddaama uu xuurto ku haysto isla markaana adeegsado khayraadka DDS sida gawaadhida iyo hantida dawlada –iyo waliba dadka laftooda iyo codadka uu xuurto ku haysto.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa caasimada ka socday dhaqdhaqaaqyo xoogan oo loogu diyaar garoobayo dabaal degga sanadguuradan halkaasoo aad arkayso abaabulka xaafadaha 10ka ah ee caasimadu ka koobantahay iyadoo saaka aroortiina shacabka lagu qasbay inay isugusoo baxaan fagaaraha garoonka kubada cagta ee Jigjiga halkaasoo loogusoo jeediayay khudbado kala duwan.
Gaadiidka iyo wadooyinka muhiimka ah ayaa la wada xidhay waxaana la qurxiyay wadooyinka iyo xafiisyada DDS ee dawladda oo la sudhay calamo iyo boostaro ka hadlaya XDSHSI oo aad moodo kacaankii Siyaadbare oo kale iyo 21 Octoobar!!!
XDSHSI ayaan ogolayn in xisbi kale la tartamo habayaraatee isla markaa ah kaliya inuu ku raaxaysto hantida shacabka iyo shaqaalaha dawlada oo si khasab ah looga jaro 5% mushaarkooda oo ku dhacda khasnada dawladda.
XDSHSI ayaa hantiyo farabadan loogasoo ururiyaa dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida shaqaalaha dawlada, Ganacsatada, maamulada tuulooyinka IWM. Hantida ku jirta khasnada XDSHSI ayaa lagu qiyaasaa 120million iyo in ka badan halkaasoo kolba cida xarunta joogta iyo madaxda sare ay say doonaan u isticmaalaan maadaamoo xisaab xidh aysan lahayn (Ta aakhiro waa halkeedee).
Waxqadabka xarunta XDSHSI ayay ahayd in uu xaqiijiyo baahida shacabka ee dhinacyada horumarinta aasaasiga sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada, jidadka IWM halkaasoo aad maanta caasimada deegaanka soomalida arkayso in foostada biyaha ay marayso 40 birr (Wa maa adraaka maa ‘afartan Birr oodan hayn?!!’) hadiiba aad hesho.
XDSHSI iyo kuxuumada hada jirta ayaa isku milan oo aan la kala garanayn waayo Mudane Cabdi oo madaxwaynaha talada haya ah ayaa ka ah Gudoomiaya XDSHSI halka mudane M/rashiin oo afhayeenka baarlamaankuna ka yahay Xoghayaha XDSHSI tasoo keentay in aanu XDSHSI-gu la xisaabtami karin xukuumada maanta jirta.
Xiligii Daud Maxamed uu haystay xarunta XDSHSI ayaa waxaa kala soocna maamulka xisbiga iyo xukuumadda oo uu madax ka ahaa MR C/Laahi Xasan (Lugbuur) tasoo la xisaabtanka xukuumadu uu aad u adkaa maamulka xisbiguna uu ahaa midka haga xukuumadda inkasta oo ay ku xidhnayd kolba qofka jooga xarunta iyo sida uu u firfircoonyahay iyo sida ay u kala soocanyihiin qaabdhsimeedka ka jira xarunta iyo xukuumadu.
XDSHSI waxaa looga baahanyahay inuu derder galiyo baahidha shacabka isla markaana ka hortago musuqa iyo boobka hantida shacabka ee xukuumadda Deegaanku caadaysatay isla markaana ogolaado in xisbiyo kale la aasaaso oo lala tartamo si uu u muuqdo waxqabadka kale ee xisbigu shacabkuna kalsooni buuxda ugu helaan oo ay dooran karaan xisbiga ay rabaan.
Waxaa xusid mudan intii uuna ONLF ku biirin inuu Mudane Rayaale Xaamud ahaa hoggaamiyaha ururka kaliya ee sida xorta ah uga dhaqdhaqaaqi jiray Dalka balse markuu arkay sida waxyihiin ayuu door biday inuu mucaarad hubaysan noqdo taasoo ku kalliftay inuu ONLF u galo maaddaama dhankaa lafteeda yana ka jirin wax badan oo la kala doorto.
Waxaa iyaduna waxoogaa fakarka so jiidanaya in XDSHSI u dabbaal dagayso xus ay astaantiisu tahay calamada Itoobiya oo meel walba ka lusha halka Maanta ay Soomaalida inteedii kale u dabbaal dagayaan Xornimadii Jabuuti iyadoo sidoo kale shalayna si guud loo xusay Xornimadii Waqooyi.
XDSHI haday dhab ka tahay dimuqraadiyadu ha ogolaado xisbi kale inuu la tartamo markaasaa la aamini wuxuu sheegayo….hadii kale waa kacaanka la sheegayo ee iska dabaal dega, anana waan idiin sacabaynaynaa anagoo hoosta idinka caayayna!!!.
”
“kacaanku runta wuu ka xanaaqaa amaantana wuu ka helaa!”…
XDSHI haday dhab ka tahay dimuqraadiyadu ha ogolaado xisbi kale inuu la tartamo markaasaa la aamini wuxuu sheegayo….hadii kale waa kacaanka la sheegayo ee iska dabaal dega, anana waan idiin sacabaynaynaa anagoo hoosta idinka caayayna!!!.
”
“kacaanku runta wuu ka xanaaqaa amaantana wuu jecelyahay”…