2 Sano Kadib Heshiiskii UWSLF iyo Itoobiya

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan |

Akhyaarta qiimaha iyo qaayaha leh sida aad intiinna badan xasuustaanba waxaa bishan ku beegan 2 sano guuradii kasoo wareegtay heshiiskii ay United Western Somali Liberation Front (UWSLF) iyo Dawladda dhexe ee Itoobiya kala saxiixdeen. Inkastoo ay heshiiska rasmiga ka hor soo xaroodeen hoggaankii UWSLF haddana waxaa uu heshiiska rasmiga ahi dhacay maalin Khamiis ah oo ku beegnayd Bisha Luulyo (July) 28, sannadkii 2010-ka.

UWSLF oo horay uga mid ahaan jirtay Ururkii Al-Itixaad, markuu ururkaasi burburayna la baxday UWSLF ayaa iyadu ka mid ahayd ururada ku kacsan xukuumadda Itoobiya. Khaasatan waxay jabhaddani ka mid ahayd 2-da jabhadood ee ugu muhiimsan ee ka dhaqdhaqaaqa Soomaali Galbeed (Ogaden) iyadoo ta kalana sida aad ogtihiinba ay tahay Ogaden National Liberation Front (ONLF) oo iyadu wali dagaalkii ay kula jirtay Xukuumadda Itoobiya sii wadda.

Haddaba 2 sano kadib soo xeroodkii UWSLF maxaa qabsoomay? Maxay usoo kordhiyeen shacabka oo nabad, caddaalad iyo horumar ah? Ma ku saxsanaayeen inay tanaasulaan? Hadda halkay ku dambaysay madaxdii iyo ciidankii jabhadda UWSLF? Yaa ka faa’iiday soo xaroodka ay soo xeroodeen? Yaase ku hungoobay?

Su’aalahaas iyo kuwo kale oo badanba waxaan rajaynaynaa inaan ku lafo gurno qoraallo gaar ah oo aan ugu tala galnay howshaas? Akhristayaashu waxay kaga qayb qaadan karaan taariikhdaas qormaysa inay noo soo diraan wixii xog ah ee ay ka hayaan UWSLF iyo wax Alle wixii ay is leeyihiin akhristayaashu waxay anfacaysaa Shacabweynaha Soomaaliyeed inay ogaadaan.

Waxaad naga sugtaanba waa qormooyin gaar ah oo arrimahaas aan soo sheegnay ku saabsan (7-aadyada soo socda Eebbe idankii).

Nagala soco www.faallo.com

21 comments on “2 Sano Kadib Heshiiskii UWSLF iyo Itoobiya

  1. jinole ali on said:

    walala haddii aan ka dhibto ama kudaro fikirkayga aniga waxaa ay ilatahay waxa ay so kordhiyen malahan bal waxan ogahay ragii shalay udiriray diin oo ayagiiba ay noqden dhibayal shacabka ayago waliba la socoda amxarada

  2. shacab on said:

    Ascw walaal waxan sowada akhriyey fikradihii badnaa ee dadka kadhibteen arimaha gobalka aniguna bal aa kudarsado aniga ah qof shacab ah uwslf waa kusaxsanayd inay umadooda utagaan runtii aniga waxan qabaa inay yihiin umada kali ah ee dadka jahliga iyo gumaysiga kasaari karta hadayna qori kagasaarina diin iyo aqoon ayay kaga saarayan umad markii ay waxbarato ayay gumaysi kabaxdaa lakin umad jahli ah gajaysan yaan been la isudheegin waa wadaniyiintii wadanka labada jabhad marka la isbarbar dhigo. Nin qurba joogana wadan maxoraynhayo wali lama hayo madaxda onlf ilma kiis ah oo intuu qurba kayimid xabad qash kasiyey jamacaday wada dhigtaan geeljirihii xolaha dhaqanhayay ayaa lagu xasuuqay mEesha waxana u arka laba gooraba inayna dadka wax faa iido ah ugu maqnayn haday heshiis qatan iyo hadii kaleba runtii shaqsiyaad wanaagsan onlf waalaga helayaa diin iyo wadinayadba leh lakin cumuumka urur xal keeni ama hadaba ahaya uma arko. Anigu marka aan siudaas leehay uslf uma xaglinhaya waa dhabta jirta ianayna siyyasad kubiirina waa kusaxsanayeen hadana wadanka hadadan is indhtirayn waa wadan dowlad lahi dhanka shacabka wali waa jirtaa inaysan xornimo buuxda gaadhin oo qofku qowlkiisa si xor ah uga dhax hadli karin taasna DDS ayan kacodsanhaynaa inay ka ilbaxdo oo dadku xor unoqdaan qowlkoda ama xoriyatal qowlkooda taasna waxan umalayn inuuna waxba kahadhin mar hadii dadkii aduunka soo maray iyo uwslf wadanku isugu tagayan marwalba

  3. waaqici on said:

    Samawade, waxaan jeclaa in aad fikradaada xaalka maanta sida uu yahay iyo wixii xal ah ka dhiibato. waan is wada qirsanahay in ururada ayna xal u ahayn wadanka. Aniguna sidaada oo kale wax urur ah oon ka tirsanahay ma jiraan laakiin waaqici ahaan baan u hadalayaa iyo aragtidey waxa ay i tustey. Iyodoo ururaradu ayna xal ahayn ayaa haddan waxaa jirta qaacida ah dad yar oo koox ah oo is aaminsan ayaa waxay hogaamin kartaa dad badan oo aan isku habeysneyn. Waxaan ula jeedaa siyaasad urur uun ruux ururka ha watee ayaa keena. Aniga markaa ka hadlayo khibrada aan ururadeedna u leeyahay, xal weyn ooy hayaan iilama muuqdo, hadey jabhadi mudo jirto way kala daadata waxaana ka luma qiimihii ay la hayd. Waxaan aamin sanahay wadankeena 90% xuquuqdeedii federalnimo ma haysataan dhinac kasta ooy tahay. Laba arimood baa halkaa ka imaananaya: suurto gala ma tahay in jabhada ONLF xornimo ama nasiibkii federal ahaan keento? waxaan aaminsanahay waa may!hadey maanta heshiis qaataan wax kii WSLF qaadatey wax ka salbuuran oo loo ogol yahay in uu jiro u maleyn maayo. Haddii nabad dhalato ethiopia ma laga heli nasiibkii aan ku lahayn? waa may!!! sidee hadaba xal lagu heli karaa? xalka waxaan u arkaa mudo dheer qaadanaya, wuxuuna yahay dadka grass rootka (salka )laga dhiso sida in dadka wax la baro oo t ugu muhiimsan ah. In dadka nolosha dib loo soo celiyo. Taas badalekeeda waxaan heli karnaa in dhul la inaga qaato, in sidii la rabo la inaga yeelo laakiin waxaa dhici karta hadda haddii 100 gabdhood la kufsado in ay 10 gabdhood kufsadaan, haddii 100 la dilo in 1o la dilo iwm. Saaxiib, dadku wadaniyiin ma aha mana fahansa qiimaha wadaniyada, dadkeena inta badan waa xoolo dhaqato ah inta ka soo harteyn waxbarsho fursad uma helaan. waa faallo dheer. wslf si kasta hadda ha qaldameen laakiin waa dad diin sal ku leh..waxaa kaliya oo ayaga ummada ku filan in aan diin ahaan loo xirey markaa dadka ayaa diinta is baraya..wax kale oon ka rabno ma jiro. OLF waa qadiyad xaq ah, waa fikrad sax ta ay ku dagaalamayaan laakiin dadka loo baahna in ay manhajka ku socdaan meesha ma joogaaan. Dad siyaasada la jaan qaadi kara ma jiraan. DDSta waa mid is cad waa dad meel cidla u yimid oo nimanka ethiopainka ahi ku adeeganayaa. Ninka DDS madax ka ah waxaan aaminasanahay in dad badan laayey, dadkalena wadanka ka eryey laakiin dhinacyo kale oo ka faallooneyn uu ku fiican yahay. su’aashu waxaa weeye yaa dadka u maqan? dadku waaa muslimiin ilaahey baana dhawra, waxaan rajeyneynaa in ay soo bixi doonaan wadanka iyo dadka daacad u ah.
    haddii aadan ka jawaabeyn su’allaha sidee wax lagu xalin karaa? muhiim maaha in aan sii doodno

  4. samawade on said:

    Waaqici,Walaal anigu aragti ahaan,waligey ONLF ma tagaarin,balse ,ONLF,ama Itixaad ama maamulkuba ,wa uruuro siyaasadeed waxna way ku saxmi karaan,waxna way ku qaldami karaan,waxa la wada sheegananayana wa sidii dadkan deegaanka loo hagaamin lahaa,hogaamintaasi ama hanaanka wanaagsan ha noqoto ama mid xag xun loo qaadey ha noqoto.Mid ogow dhaliisho oo la sheego ma aha in urur laga tirsan yahay,wa afkii cidaas marka la dhahana wa ruux raba khaladkiisii inuu qariyo,ama ruux haa heeyo raac ah,oo waxa loo sheego uun ku buuxsan.Hadaan us oo laabto hadaladaada qaar waxa ka mid ahaa,hogaamiyaha hada kililka ugu sareeya wa ninkii abid ina soo mara ya ka mid ah,hadii aragtidaadu halkaa joogtana,de si fiican buu xaalku yahay,marrka anigu waxaan dhihi lahaa inta aad halku dhaga aad wadato ee waaqici,aad ka noqoneyso,su,aalo badan hada meeshan kagama wada hadli karo ,su,aalo badan baa u baahan inaad ka soo baaraan degtid,dhibka ma dawlada dhexebaa,ma ta kililka,ma jabhada jira,mise wa shacabka,mise xaalku ninkii tabaryar yey eedu racdaa,khaladkana iska leh.

  5. Waaqici on said:

    Samawade, si fiican baad u hadashey in badana waan kuugu raacsanahay sida dhibka dadka loo geeystey naf iyo maalba ha ahaatee. Waxaan kugu raacsanahay in wadaada sanadihii ugu danbeeyey hoos u dhac badan ku yimid. In ay soo xaroodaana waan ku raacsanahay. Waxaanse kugu raacsanay in carab lacag ka qaadanyeen, iyo in ay dhib u soo jiideen markey heshiiyeen. Labadan waa hadalada ONLF ee ay waligood oran jireen arab bay lacag ka qaataan, iyo intey is dhiibeen bay dadka jaajuusan. Aniga fikradey waxaaan aaminsanahy in ONLF iyo USLF midna ummada wax u haynin.
    Hadaan xalka u soo noqono maadaama adigu nin wax og tahay xalku muxuu yahay? maad u malenini in ONLF xal keeni? Haddii nimankan DDS la badelo yaa waqtigan xaadirka ah badeli kara?
    Waxaan aamin sanahay in dadka dhulka u dhashey ay intii wax baratey wadanka ka baxeen, in badan oo wax taqaana ay joogaan laakiin ayna u fikiri karin in ay wax is badel ah keenaan oo shacabka mid in yar oo dan ah u keena uuna jireyn. Waxaa tusaale kuu ah intii maamul ee soo martey, dhamaantood heer kasta ha ahaadee waxay la imaanayeen corruption. Xagga wadaada hadaan ku noqto, anigu waxaan u arkaa in ay qalado galeen, laakiin ay yihiin niman wax badan ka badali doonaa mustaqbalka dadka heshiiskoodiina in wadanku furfrurmo ayey keentay.
    ee bal xalka adigu inoo sheeg aan kaa faaiideysane?

  6. samawade on said:

    Waaqici,walaal waad niyad fiican tahay,umadu inay hagaagtana waad jeceshahay,mase garanayo,in nin jeclaysi,ama xog la,aan ay midi kugu jirto,hadaad gobolka joogto,ama ad la socotona siyaabaha qaar waad xog dhaami laheyd,mid ogow dadkeena 99% wadankey joogaan,ayagoo aqoon iyo wax garadba ah,dilka ,boobka iyo xadhiga hada jirana ma soo marin,kuwa itixaad ,ama onlf,ah yaa addisababa,diredawa ,jijiga iyo goboladaba wada joogey,,maamuladii jireyna dil shacab,ama xidhey way ku yaraayeen,hadase waad ogtahay,ama maqashey……hadii leyntaas,iyo xidheygaas,ama boobka hantida ay wanaag kula tahay,ma garanayo,marka walaalow,dibad maamulka usoo baxo,ama quurba joog wadanka tagta,xal uma arko,waxaanse xal u arkaa dadkaas wadanka jooga in ,nabadooda,caafimaadkooda ,waxbarashadooda xooga la saaro.Marka walaalow saan horey kuugu sheegayba mara wadaada uma ayna tureyn maslaxada shacabka,xataa hadaad taariikhada Itixaad la socotey,1995 ama 1996 mar Itixaadka soomaaliya iyo ka gobolkeena ay ka wada hadleen arinta dagaalka cida diidey,waxay ahaayeen,kuwa gobolkeena,wcyi diimeed ee xiligan iyo xiligaana ee gobolka sanadahan yuuba dhaamey oo madaariis jijiga,dhagaxbuur iyo gobolada kaleba ka jireen,balse xiligaa irmaantii carabtaa taaley,00 11-09-2001 ,ma dhicin.KA soo tag,2005,ama 2006,xaalkooda waad ogeyd,balse markii,shabaab iyo ONLF,ay isku dhaceen,culeyskii wadaadnimana u gaadhsi u dalal badan ka noqdey,yey dantu keentay inay qoriga dhigaan.Ayadoo arini sidaas tahay,hadey ,ganacsi,maamulkan ,dhiigyacabka,iyo boobka isku darsadey,ay ka madax banaanaadaan,oo ay dantooda iyo tan umada dartood loo dhibayey ay u istaagaan wa arin fiican,balse af wax cuney xishoo bey noqdeen,Tan Ibraahim dheere,waxba shaqsiyan ooga dhihi maayo,oo inaan shaqsi ka hadlo ma haboona,ee walaalow mar hadii leyntii,boobkii,xadhigii inagu socdo,maxaa is badaley…………..

  7. Waaqici on said:

    Waad mhadsan tahay samawade sida aad fikradaada iyo akhbaarta aad og tahay uga hadashey..hadaan wax ka iraahdo. Qurbajoog hadda ka hor wadanka muda badan looma ogoneyn nooc ay yihiin ba xataa yuuna urur ahaani,waxaana ogahay dad tagey waalidkood soo arag is yiri oo la xirey mudo badana xabsiga ku jirey. Ruux isku aamini jirey ma jirin. Waxaa kaliya oo tagi jirey group aad u yar oo iyagu dagaal kula jirey ururada fikrad ahaana uga soo horejeeda, shacabk am soo dhex gali jirin kuwaas. Lacagaha tigidhada lagu bixiyo way jiraan ama mida beenta lagu cuno. Waxaana loo sameeyey hay’ada dha oo layiraa wasaarada qurba joogta, inta aan ka warhayo dadka tigidhka loo jaro dada group ah oo qoys ka soo jeeda ama isasoo urursaday si wadanka u soo arkaan. Lacag badan baana lagu bixiyaa. Tani waxay dawladu u yeelaysa, waxay ogaadeen in qurbajoogtii ka aamin baxeen gobolka, salna u yihiin nimanka mucaaradka, ayna qurbajoogta dadka wadanka dhisi kara ama dadka wax ka badali kara. sidaa darteed lacag badan bay ku bixiyaan si ay soo jiitaan. Waxaaa sii dheer madaxweynaha oo ninkii ugu fiicnaa ee soo mara gobolka sababo awgood, ayaa waxaa ka mid ah ini uu familkiisii isku xeero, wixii wax qabanayana uu iyaga ka dhigo, waxaana marka aad afrca dabeecadaheeda u fiirsato sax ah in uu sameeyo, sida ay ila tahay.WSLT wax aad ka sheegtay qaarkood waa run laakiin iin aad sidaa u sii bahdisho maahaa. Anigu dad badan oo wax ka og baan wareystay, dadka shacabka ahina fikrado badan bay kala qabaan, laakiin dadka shacabka danahiisa daneeya ee siyaasada kala garanayo, positive badan baa laga sheegaa. Waxaan kuu sheegi WADANKA XOREYNTIISU AMA XAQ AAD HESHO dibada siyaasad laga fuliyo ama xabad laga soo abaabulo lagu heli maayo. Waxaa lagu heli karaa dadka oo gudaha laga dhiso. Taasi khalad kasta ha galeen laakiin waxaan aamin sanahay in wslfta ay jikaa ku jeedaan, waxaan ka faaiideysanaya maaha dhawrkan ee magacii wata ee dadka wadanka u dhashey ee raba in ay dadkooda wax u qabtaan siiba waxbarashada. Arinka ku saabsan xoolo la dhacey, la cuney, si la yiri..iwm waxaa marka kasta fiican in aan la raacin waxa caamadu ku sheekeystaan, waa in cadeyn la og yahay oo qofkii la oran karo lacagta halkaa ka soo gashey ayuu cuney. Waxaan wareystay beeraha la siiyey waxaa la ii sheegay in dadkii agoonta ahaa oo aad u badan wax loogu taro, waxaa la ii sheegay Ibraahiim dheere in uuna shillin uuna shiliin uu caruurtiisa ku masruufo haysan.Mida kale lacagta kilika beenta lagu cuno. Saaxiib waa in aad waaqici noqotaa, waxba wax bay dhaamaan, dadka kilika maamulo waa dad aan systemka aduunka la socon, meesha la iska geeyey meel ay u socdaan iyo meel kale kala gareyn, dhalin yaro meesha la iska keenay yihiin, oo ku barbaaarey corruption iyo xoolaha oo la xado. Dadkii wax kala garaney wadanka way ka maqan yihiin, waana arinka la rabo in wax laga qabto,in ayna dibad la joogo iyo waxba wadanla badelyn. Ugu danbeyn anigu waxaan aaminsanahay nimanka Wslfta in ay wax badan u soo hooyeen heshiiskii ay galeen, ayna yihiin dadka uu shicibku ku xisaabtamayo.

  8. samawade on said:

    waaqici,Walaal xagaxun kama arag,waase sida dhabta ah,hadaad xog ogaal u thay arimaha gobolkeena,ama aadan laab lakac ku haynin.Hadaan u laabto qurbajoog badan oo wadanka tagtey,ma garanayo xili qurbajoog wadanka loo diiday,xataa waxa jirtey ragan hada u saxiixay heshiiska uruka wadaadada in ay hay,adii OWS,u shaqeynayeen,addisababa joogeen,sida Axmed-nashaad iyo xubno badan oo kale,qurbajoogtuna,qaar badan ,tigidho ,hantidii shacabka rafaadsan uu maamulku ka musuqmaasuqay yaa tigidho lagaga bixiyey,way yartahay cid tigidh iska bixisay,ninki tigidh bilaash ah helaya iyo hotel la dejiyana wa tagi,dibada badi waxa loogu so dhoofeyna naceyb ethiopia ama maaluka deegaanka lo qabo ma aheyn,oo hawo aduun ayey aheyd.Midna waan ku cadeeyay in madarasooyinka ay fureen,ay dad badan idam Alle ka faa,iidi.Balse duruufta ku qasabtey iyo daneysiga qayb wadaada ah wa wax cad oo aan qarsooneyn,hadaad xog ogaal u tahay,Ninkan raysal wasaaraha ethiopiyana wa kii sheegay,sida u arkayey,dhibkii ,dilkii iyo boobkii hantidana wax hada iska badaley anigu ma arko,bal amaan badan yey wadaada ugu soo jeediyeen,dhul,beero iyo qandaraasyo la siiyey,oo waxay noqdeen af wax cuney xishoo,lacagta madarasooyinkana waxa hada bixiya wa dadkii ku abtirsanayey goboladaas,ee wax ay wadaadu qandaraasyada ya qaateen ka bixiyaan ma aha.

  9. Waaqici on said:

    Samawade, Waxaan aaminsanahay waxba badan ood sheegtay in aad dhinac xun u rgtey. Hadaan is iraahdo cadaalad u dhawaw anigu waxaan qabaa in heshiiskaasi u ahaa mid sax ah soona daahey. Dadka gobolkana caddaadis, iyo dhib badan oo heystey ka yarreyey. Dadkii dibada ayaa ku qulqulaya wadankii si dadkoodii iyo wadankoodii u soo akaan. Maadaama siyaasada wadanka ethiopia oo dhan ay mid cakiran fikrad aad u fiican bay ahayd in ayna wax siyaasad ah galin, waxayna wax ka qabteen xaalada baniaadam daro ee gaajada kajirta wax badan, waxaa wadanka ku soo noqday ahlu diin badan oo ka billabey dacwadii alle. Ibrahim dheere waa shakhsi wuxuu yahayna waa la yaqaana taariikhda ayaana sheegi doonta.
    Aniga fikradey guud waxay tahay wslf iyo ONLF labaduba qalad bay dagaalka u bilaabeen, waxaan aaminsanhay in madaxda ONLF taa og tahay ee si ay uga baxaan bay garan la’yihiin masaakiinta ay ku yiraahdeen wadankaan xoreyneynaa.
    Dad gaajoonaya, jaahilnimo hayso siday xornimo ugu fikiri karaan. Waxaan aaminsanahay dadkan gobolku in ay muslimiin yihiin dad maslimiin ahina ay hogaamin doonto. Abdi ===== waa ku meel gaar, ONLF saaxadaba ma soo gali doonto insh’allah.
    Faallo group waxaan idin leedahay waa su’aal fiican in ka hadashaan wslf ee waxaan jeclaa lahaa in ka hadashaan oo kale WSlf vs ONLF keebay dadku doortaan, yaase mustaqbalka wadanka iyo dadka ah? waxaa loo baahan yahay in aydaan fikradaha dadka aad rabtaan uun aydaan soo deynin ee ruuxi fikrad qorab aad u soo deysaan si dadku u doodaan maadaama aad u furteen bogga fikradaha la isku waydaarsado waxaan rejeyni in idinka laftigiinu aad wax badan ka qaadan doontaan.

  10. Birqod on said:

    salaan kadib waxaan rabey markii hore inan qoro xogo badan oo ku saabsan nimankaas aad magacooda sheegteen oo aan aad ugu war hayo laakiin ka hor waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo in dadka ay arinkani khuseyso kaliya ay ka talo dhiibtaan maxaa yeeley waxaa ii muqata kuwo u shaqeeya cadowga inay hadalka ku soo laablaabanayaan sida ninka la baxay faarax oo marna yidhi waxay u tudheen shacabkooda marna reer faalo weeraray ninkan oo an ogahay inuu ka socdo faroole oo dadkii uu soo dhiibey ee gobolka u dhashey ninkii sagaal iyo afartamaad shaley jeel ogaaden ku dhintey marka waxaan odhan laha reer faalo inayna dadka maalaayacniga ah u ogolanin inay jaah wareeriyaan dadka

    • admin on said:

      Walaal farriintaada waad ku mahadsantahay. Waxaan kuu soo gudbinaynaa 2 arrimood.
      1. Walaal wixii xog ah ee muhiim ah eed hayso noogu soo dir ciwaankan:http://www.faallo.com/xidhiidh/
      (Qaybta commentiga kuma soo daabacayno, waxaan ku daraynaa qoraallada aan diyaarinayno, creditna waan siinaynaa cid walba oo xog muhiim ah noo soo gudbisa).
      2. Walaal wixii aan u aragno inayna meel ka dhac fog ahayn ee uun ku kooban ra’yi shaqsiyeed waan soo daabacaynaa, macnaheeduna ma aha inaan la qabo shaqsigaas fakarkiisa balse waa fursad ay www.faallo.com ugu talogashay inay shacabku isku waydaarsadaan aaraa’dooda. Marka walaal taasna sidaa ula soco adoo mahadsan.

  11. samawade on said:

    Salaan bahda faallo,iyo dadweynahan kale ee soo booqda shaashadan,anigu aragtideyda su,aalaha aad na waydiisen aniga argtideyda wa su,aalo wajiyo badan leh.(1).Hogaanka ururka dan weyn bay u aheyd,waayo meel ay ku noolaadaan way ku adkeyd,dhan waxay iskaga dhaceen shabaab,dhana ONLF.Laga so bilaabo 2001,wa kii Ibraahim dheere lagu xidhey maraykan ka dibna la soo masaafuriyey,lacagihii ay carabta ka heli jireen way istaagtey,hadase,meeshay damcaana way u safri karan ,,waana tan hay,adaha iyo ganacsiba ay galeen (2) Maamulka tigreega ama TPLF heshiiskan guul buu ahaa,oo wa kii raysal wasaruhu yidhi,urur aragagixiso ah,oo meel ay ku noolaadeen waayey,khaladkoodiina saxay buu u ahaa (3) Guusha ugu weyn cidey u soo hoyatey wa maamulka kililka oo leyntii,gumaadka ,cabudhintii ,iyo boobkii hantida ,helay wadaada aan kala hadleynin xumaantaas balse amaan badan u soo jeedinaya (4) Xaga shacabka ,waqtiga dhaw dhib bay ku tahay,oo wadaadii oo ahaa kuwii marar badan daraadood loo dhibayey ama loo ciqaabayey,oo hada dhibka haysta aan ka hadleynin ,balse mustaqbalka fogse waxaa qabaa madarista ayfurayaan,in dhalinyarada badan oo wanaaga umada u horseeda ay ka soo bixi idam Alle,isku soo wada duuboo,heshiiska macaanka midhihiisa Cabdi iley,iyo dhawr wadaad oo dhul,iyo fursado ganacsi ku helay yuu hada anfacey.

  12. faras on said:

    heshiiskii UWSLF wuxuu ahaa mid taariikhi ah oo mudan in lagu daydo gaar ahaan onlf waa inay ku dayataa…UWSLF ismaysoo dhiibine heshiis ayay qaateen iyagoo shacakooda u tudhaya.
    wuxuu heshiisku soo kordhiyay
    1. xabadii oo ay shacabkooda ka daayeen iyagoo shacakooda u tudhay.
    2. xabadii oo ay timir, masago, ceelal, daawo iyo qali ku badaleen
    3. ganacsi, maalgashi iyo hanti badan oo ay wadanka kusoo kordhiyeen
    4. dad badan iyo qurbajoogtii oo wadanka kusoo qulqushay.
    5. siyaasadna qudhunkeeda way ka dheeraadeen.

    waxaan leeyahay heshiis in la qaato ma xumee maxaa ka hortaagan ONLF inay ku dayato kolay halgankaba UWSLF ayaa hor bilaabaye.

  13. Najiib on said:

    kkkkkkk waxba ma keenin isdiibki uwslf, I remember hadaalki Daa’uud Mohamed Ali, ee aha baaraha ha iska fashaan, jaajuusiin ha iska ahadaan! away sh. ibraahim dheere? maxuu ka qaabtaa dibada? ahmed nashad maxuu u yahay jaajuuska?

  14. saxane on said:

    WSLF way saxneyd in ay heshiis qaateen, heshiiskooduna guulo badan buu ummadda u keenay oo dhinac kasta leh. waxaan la oran karaa waxay fahmeen siyaasada dhabka ah oo ah in aan wadanka xabad dibada laga keenay aana lagu xoreyn karin ee dadka oo la dhiso lagu xorreyn karo. Waxaa tusaale u ah siyaasadii wadaadii Turkiga, Masar iwm ay kula waregeen wadankii si nabadgalyo ah. Dadka waxaa isku biirsadey Jaahilnimo, Gaajo, Colaad, sadexdaa oo la baabiyo mooyee xornimo la gaari maayo. WSlf qaladaad badan way leedahay inta badanse waxaa ugu wacan siyaasada geeska africa. Waxay soo kordhiyeen dadkii neefi ka soo boodey, dhibkii lagu hayey dartii, wim.
    Waxaase loo jooga laba arimood ONLF in ay wadanka xoreyso? iyo in heshiis ka fiican ka gashey WSLF la gasho dawlada Ethiopia!! labadaa ka hore waxaa laga yaabaa in uuna suurtagalba ahayn ee ka danbe in ONLF keento wax macquul oo aran karo wuu dhaamaa kii urukii hore dadkuna ku farxaan, dhiigii caruurtii geeljiraha ahayd ee duurka lagu wada dileyna looga samri karo in ay keenaan baa looga jooga waqti dhaw iyo mid fog ba.
    Waxaan aamin sanahay ummadda oo hal ummad ah in nasiib daro ku dhacdey, taasi oo ah maalinba nin xidh uga soo boodo uu yiraado anaa sax oo wadanka xoreyni. Sacabku hadda waxay diyaar u yihiin wiilasha ay Tigeegu ka dhalaan gabdhaha Soomalida Ethiopia in ay wadanka noo xoreyn doonaan ia…

  15. Mr jigjiga on said:

    A s c horta Heshiiska ay galeen uwslf wuxuu soo kordhiyay dhibaato waxay dadka dhexdiisa kabilaabeen jaajuusnimo iyo qolo heblaayo oo nabada diidan ayay dadku taageerayaane wax halaga qabto taasoo sii murjisay xaaladda qalafsan ee deegaankeena kajirta
    xaga faa iidada : wey jirta inay shaqsiyadkoodii uwaaweynaa faa iideen ganacsadeen,dhul ay dad agoon ah lahayeen lasiiyay oy beerteeen lkn wiilashii ciidanka u ahaa waxaa lagu qasbay inay kubiiraan ciidanka dhaqanka xun ee lyu poolice taasoo ku noqotay filan waa sidaas darteed lama odhan karo heshiis ee waa is dhiiiib

  16. Afdheer on said:

    Tan iyo intii soo xaroodeen ururkani wax is beddal siyaasadeed ah oo dhanka fiican u dhacay majiro balse way kasii dartay ayaa la dhihi karaa, hase yeeshe ma diidani in heshiis nabadeed la qaato ee waxaan leehay heshiiskani shacabweynaha wax uma tarin kaliye shaqsiyaad kamid madaxda UWSLF ayuunbay u tartay in ay ganacsadaan, qaarna qabaal wataan, koox kalana ay ku biirto liyuuga.

  17. Danood on said:

    heshiiskaas wakhti mnaasab ah ayuu dhacay waayo wslf halaag mooyee halgan maysan wadin , Hada ayay halgan kii saxda ahaa kujiraan waayo, umada udhalatay deegaanka waxay qabee dhib badan oo aysan suura gal ahayn in lagu siihayo hadase ay kasaareen waa WSLF

    1_waxaa jiray in dadka ay kamuuqato islaan nimo loo xirijiray dartood

    2_in kuwa badan oo xidhnaa muda kabadan 16 sano ama caruurtii ay dhaleen markii looxiray qadiyadan ay hada 16 jirsadeen sida rag aan halka kusoo qorayn iygoo waxba galab san xabsi daa in lagu xukumay marka taas ayaaba ku filan tusaale lagasoo daayay

    3 waxay soo kordhiyeen in dadkii ay carabaha xabada AK47 ka ooga soo tuugsan jireen hada Ay timir iyo sonkor soo gaadh siiyeen umadiina ay u cibaadaystaan si nabad ah waa midaas mida kali ah ay soo kordhiyeen muhim maha ahan in ay siyaasad usii lool tamaan waayo ,waxay kaloo qabteen rag badan oo dibada ku maqnaa oo aan marnaba cagta soogaliyeen wadanka hantidoodana wadma kale gashaday in ay usuura gashay in ay dadkii ay asal kasoo jeedeen dhexkeenaan hantidaas shaqo badan na abuuray masoo kobi karo ,,waxaan filayaa ONLF in ay garwaaqsan dooto in ay sidaas yeelaan waayo dadku xabad wuu kadaalay waa in ay udiyaar garoobaan horumar iyo dagaalka QINIJIT kusoo wado sidii ay ooga hortagi lahayeen

  18. cumar on said:

    Waa Arrin aad iyo aad u wanagsan in aan ka wada hadlno arrintaan oo tabaneysa dhamaan nolasha bulshada deegaankeyna.
    Xaqiiqadi Anigu waxaan qaba in uruurka UWSLF soo xaroydey Go’aansadeyn in ay si nabadgaliyo aha u halgaamaan iyado ay iska dhigeyn qorigi hadana waxaay ku halgamayaan Qalin.
    Anigoo soo dhigi doona sabaabta aan sidaas u idhi waxaan Akhristayasha weydinaya Uruurkaani ma fuliyey qodobadi ay Dawlada kula heshiyeyn ? Waa maya maxaa yelay wali waxey wataan Magaci ururka iyaago sheegta xilaalki iyo maasuliyadi ay ka hayeen uruurkooda sida Gudomiye, gudomiye kuxigeen iyo Iwm.
    Hadaba, qab dhaqaankoodu wuxu mujiinaya in ay shacab iyo taageero badan ka dhaax aburaanayaan bulshada deegaanka, xil dhawna si sharci aha ayey kula wareegi doonaan hoggaaanka siyaasada ee DDS.

  19. faarax on said:

    ASCW faallo waxaan u malay wax idiin qarsoon baajira waayo waxaad ahaydeen web inta badan xaqiiqda ka hadla lkn maal mahan waxaad moodaa dhinacbaad u badatay ta kle waan kaa sugaynaa waxii warbixin ehee ku saabsan UWSLF waxaana ila quman in iinan caytamin waayo hadalkiina hada wuu is burinayaa tusaale ahaan waxaad tiraahdeen uwslf way soo xarootey hadana waxaad leedihiin heshiiskii dhexmaray D.DH.X E IYO UWSLF kolka sxbayaal isku yara toosiya dhakada is mahaysee thanks

  20. Wadani on said:

    Waaw, waa cinwaano fiican in arimahaa aad ka hadashaana aad loogu baahan yahay muyey ku saxsanaayeen mise ku qaldanaayeen? maxay soo kordhidhiyeen..iwm? sida aad u sheegteen. Aniga intaana ka fikirkey dhiiban waxaan sidoo kale oran lahaa ONLFna iyada heshiis bay wadaa ilaa intii wadaadadu qaateen heshiishka oona mid qarsoon aheyn, maanta iyo barina la leeyahay ee ma saxbaa in heshiis ay la galaan ethiopia?
    UWslf waxaan aaminsanahay in aad u saxsanaayeen in ay qaataan heshiiska, waxyaalo badana ay soo kordhiyeen, laakiin heshiisku ma aheyn mid u qalma dhiigii iyo hamiimigii 20 sano loo soo dagaalamayey, ragga heshiiska xagga wadaada u galey waxaan oran karnaa koox yar oo intii kale oo dhan ka maroorsatey bay ahaayeen. Waxayna ahaayeen rag aan matalin inta badan qadiyada itixaadka..wuxuu heshiiska u fiicnaa
    1. In hal jabhad saaxada u soo hadho. Taasna waxa la yaab noqotey nimankii onlfta ahaa ee la dagaalamayey wadaada, oo kalsooni la’aan ku dhacdey oo iyagiina heshiis aan fili in uu aad uga liidan kan wadaada qaadan waayo? ethiopia maba rabto in heshiis la gasho, sidooda ayey rabaan in ay ku baaba’aan..wayna ku socotaa sidaas

    2. In dadka qaarna u gargaaraan dadka masaakiinta qaarna dagaalamaan ma xuma
    3. Wadankii oo dhan baa nafis ku helay heshiiskoodii
    4. Dacwadii baa kor u kacdey
    5. iwm
    wadaadu in ay heshiis qaataan ONLF qaadato maslaxada wadanka iyo dadkaa ku jirto waayo? labaduba waxaan aaminahay in ay yihiin kooxo intooda badan dana gaar ah isu bahaystay, lama oran karo shacabka iyo wadanka ayey matalaan, midkasta wuxuu u ordayaa in uu in uu danihiisa ku fushado, markaa ilaa laga helayo dadkii rasmiga ahaa ee wadankan u dagaalami lahaa ama si kale u xoreyn lahaa, waa in qaab darada kooxahani naga fariistaan…20 sano oo dagaal ii sheega in OLF ama kuwa is dhiibey iin hal geed ah ama tuulo ah xoreeyeen..sidaas ayaan qabaa…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.