Dagaalki Muslimka ku Wajahnaa oo Sii Xoogaysanaya
Addis abab, lo’ 80 ah oo sadaqo masaakiinta addis ababa loogu talagalay ayaa shalay ciidanka amnigu dhaceen, lo’dan ayaa lasheegayaa in muslimiintu 7 (todoba) kamid’ah ay uwadeen kistanka si ay ugu muujiyaan inay walaalo yihiin oo colaadda ay dawladdu kadhex shidayso aynan waxba kajirin. Dawladda ayaa maalmahan muslimiinta ku eedaynaysay inay rabaan inay dawlad islaami’ah kadhisaan dalka, taas oo ay kubeerlaxawsanaysay kiristaanka. Addis ababa ayaa u’eg meel colaadeed xilli uu kafurmay shirkii midowga afrika, isagoo MALISna uu dhakhtar u aaday dibadda.
Dhaca lo’dan ayaa waxaa kahoreeyay weeray ay ciidanka amnigu kuqaadeen masaajid dhawr ah oo ay kamid ahaayeen AWALIYA, ANWAR, SHEKH KUJAA, iyo masjidka QEERA. Masjidka uhoreeya ayaa ah xarun lagubarto culuumta islaamka ilaa heer diploma ayna ku xaraysan yihiin arday gaadhaysa dhowr kun. Masjidka SHEKH KUJAA oo loogu magacdaray caalim reer banishangul ahaa ayaa ahaa xarun lootago xifdiga quraanka, nasiibdarrose imaamkiisii ayaa laxidhay ardaydiina waa lakala caydhiyay.
Waxaa iyagana amnigu xidheen SHEIKH AXMEDIIN iyo SHEIKH ABUUBAKAR oo kamid ahaa guddida muslimiinta matasha. Labada sheekha ayaa markii lasoodaayay muslimiinta usheegay in lacabsi galiyay oo bastooladu loolabaxay laguna handaday in ubadkooda iyo reerkoodaba lalayndoono haddii aysan kabixin waxa ay kujiraan.
Wali waxaa jirta muslimiin ku jira masaajidda anwan iyo awaliya oo amnigu rabo inuu qabqabto, waxaa iyagana manta caasimadda yimid muslimiin tiro badan oo kayimid gobollada dalka.
Dhibaatadan tu kadaran ayaa haysta muslimiinta gobollada dagan. Gobolka wallo ee deegaanka amxaarada ayaa beeralayda KOMBULSHA lagu qasbay inay AXBAASHTA taageeraan haddii kalena dhulka lagala wareegidoono. Sidoo kale gobollada BARI HARAR iyo BAALI ee deegaanka oromada ayaa muslimiin badan xabsiga loo taxaabay iyadoo ay taas kahoreysay in gobolka CARUUSA culimo lagu laayay.
Dawladda ayaa in muslimiinta sunnaha ah loo badalo shiico awooddeeda isugu geysay, waxayna arinka udhistay guddi isugu jira gaalo iyo muslim wallow uu arinku khuseeyay muslimiinta. Guddigan ayaa waxaa kamid’ah JUNADIN SADO iyo RIDWAAN, waxase madax u ah DOCTOR SHIFARAW oo gaal beendee ‘ah. Waxaa manta lasheegayay in kaniisad ay beendeegu ku lahaayeen arsi lagubay isagoo doctor shifarraw laga aargudanayo. Inkastoo dawladdu aysan waxba lahadhin muslimiinta ayaan wali wax sharcigu diidayo kudhaqmin.
Soomaalida ayaan iyagu sinaba ula soconin waxa kasocda caasimadda!!!!!!!!!!!!!!!!
@saxane walaal inagu dad ethiopian muslims ah ayaan nahay danteenu dadkan kale ayey lamid tahay.laakiin nasiib daro inaga walaaltinimadii waan ka tagnay waxaana keenay in qabiil laynagu curyaamiyay .soomaaliya waa wadan gaar ah madax banaan oo jaarkeena ah.markaa sheekadooda meel aan iska dhigno.inaga maanta waxaa inala gudboon in marka hore diin iyo wadan ku midoowno kadib na aan tuugtan xukunka ka tuurno markaana maalinka doorashooyin xor iyo xalaala la qabto cida ku guulaysana waa lagaran koley waa cidii badane! akhyaar ifahma.
Ilaahey Muslimiinta ha gargaaro, waxaana ilaahey ka beryeynaa in uu bakhtiiyo gaalka ugu weyn ee melez.
Arinka aad ka sheekeyseen waa mid murugo badan ihaanada maanta muslimiinta ethiopianka lagu soo hayey hadana haysata.
Waxaana halkan soo galaya arin muhiim ah. Soomalida maxay uga qayb gali weydey?
Waxaan oran karaa fikrad weyn baa halkan ka dhalneysa. Inagu ma waxaan rabnaa in aan soomali wayn ku biirno, oo muslimiinta ethiopia shaqo kuma lihin. Mise waxaa inoo fiican in muslimiinta ethipia ee 50 milyan ka badan ka mid noqo oo la oon wax la qaybsano. Caasimadii islaamka ee Hararna meesha ayey ku taalaa.
Waxaan arkaa waa rin waligeed meesha la keenin.