CABDI XASSAN CABDULLAAHI OO LIYUU BOOLISKU DEGMADA XAMARO KU DILEEN

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

CABDI XASSAN CABDULLAAHI OO LIYUU BOOLISKU DEGMADA XAMARO KU DILEEN

Wararka nagaga imanayo degmada Xamaro ayaa sheegaya in muwaadin la odhan jiray CABDI XASSAN CABDULLAAHI  oo u dhashay degmada Xamaro ciidamada liyuugu ku dileen todobaadkii hore reerkiisii oo degganaa agagaarka degmada xamaro waxayna ka danbaysay qorshe cusub oo ciidamada liyuuga loogu fasaxay inay reer baadiyaha ku gumaadaan , oo dhigaya in habeenba reer la isku xeero ruuxii kor kaga yimaadana aan laga hadlinin ee la dilo. Reerka Cabdi Xassan ayaa markii la isku xeeray ciidanki u sheegay in ay baadi doon kaga maqan yihiin saddex nin, kadibna nasiibka Cabdi ayaa noqday inuu noqdo ninkii reerka ugu soo horreeyey xukunkiina lagu fuliyo.

Arrintan ayaa gabi ahaanba khilaafsan hadalkii madaxwayne Cabdi ee ahaa aiany LIYUU BOOLISKU shacabka kabo u noqdaan waxaase yaab ah inay ku shaqeeyaan uun amarka Cabdi ooy AABBO u yaqaannaan.

Ra;yiga akhristayaasha ayaan u dhaafaynaa inay wax ka dhahaan falkaas foosha xun ee habeen iyo maalin lagu hayo shacabka deegaanka.

Nagala soco faallo.com

5 comments on “CABDI XASSAN CABDULLAAHI OO LIYUU BOOLISKU DEGMADA XAMARO KU DILEEN

  1. hinda@yahoo.com on said:

    10 bishan july ayaa waxay ku dileed qabaleega ceel xaar ninkale oo reersamatar liibana oo layiraahdo bishaarahmed buugsite

  2. xabso hussien on said:

    ilaahayoow dadkayga dhibaatada iyo dulmiga lagu hayo ka dulqaad

  3. xabso hussien on said:

    nabadiii la sheegahayay awayday ina ilay ilaahayoow naga sooo qabo alle cadaabku qayr kano ayuu naga reebay hada anigu waxaan imid jigjiga doraato saaka aroortii ayaana isaga soo cararay waxaana jaaliyada qurbaha joogta ee reer ogadenya uga digahayaaa inay wadanka ku soo laabtaan waxaana u sheegahayaa inuu wali wadanku goob dagaal tahay horumaka la sheegahayana waa jid laami ah kaliyah

  4. Ethiopian youth national movement on said:

    Kuwaas ayey qaar ku faanaan Alle ha idiin gargaaro.

  5. kaahin on said:

    waxaan la yabay faallo.com ruuxa noocaas ah ee qaroofta dhagaxbuur ka mid ahaa, ee wajiyada ku leh dakharada ee hoyadiis ku haraatin jiray suuqa dhexdiisa ayaad leedahaya ama ku tilmaamaysaan madax wayane war amarka aad sheegayso isagu malaha in reer badiyaha la gumado ileey waa camiil u shaqeeya wayanada, marka iska iloow saaxiib waxa aad aminsatahaya ee ah ina ileey waa madax wayne oo waxbuu xukumaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.