Maxaa Inala Gudboon Kaddib Cudurka Meles?

Filed under: Faallo |

Aqristayaasha sharafta leh naga hanta salaan diirran. Sida aad la socoteen maalmahan waxaa la sheegay in raysal wasaaraha xukuumadda EPRDF, Meles Zenawi, uu xanuun soo ritay hayo iyadoo sidoo kale la sheegay inuu yaallo Isbitaalka ugu wayn Belgium. Shaqsiyaad dublamaasiyiin ah sida laga soo xigtay xaaladdiisu ma wanaagsana, waxaana la isla dhex marayaa xataa haddii uu ka kaco cudurka inaan rajo laga qabin inuu kusoo laabto shaqadiisii oo uu sii wado hoggaaminta EPRDF.

Dhan kastooy u dhacdoba, waxaa hubaal ah in wax badan is baddali karaan oo ay dhacdo in miisaanka awoodeed ee haatan Itoobiya ka jira uu is baddalo iyadoon la eegayn haddii cidda booskiisa galaysa sii ahaan doonto TPLF ama EPRDF-ta kale.

Haddaba weydiinta madaxa daalinaysa een rabno inay aqristayaasha sharafta leh ka doodaan waxay tahay innaga Reer Soomaali ah (yacni Soomaalida DDS oo dhan) maxaa inala gudboon? Haddii lagu kala tago maxaa inoo diyaarsan? Ma sideennii baan intaan is qabqabsiga ku jirno xeedho madhan iyo meel bannaan waagu inoogu baryi doonaa? Mise dad gacmaha is qabsada oo iyagoo danta guud xeerinaya iyo walaaltinnimada ayaan go’aan aan ku midaysannahay ku maamulan doonnaa Deegaankeenna? Haddii uu loollan siyaasadeed ka billowdo Addis Ababa ma laga yaabaa in Soomaalidu iyagoo midaysan (Kuwa Jigjiga jooga, Kuwa Addis Ababa iyo dowladda dhexe jooga, Kuwa Xidhka ka dagaallamaya, Kuwa Dibadaha ka muddaaharaadaya, Kuwa Duday ee wax uun tabanaya sida dagmo laga qadiyay, kuwa aan intaa midna ahayn oo dhan) ay xuquuqdooda ku gorgortamaan (Illeen xaq badan baa inaga maqane)? Ma laga yaabaa in Soomaalidu aayahooda ka tashato oo bal waxayna ku heshiinayn ha joogtee bal ay waxuun ka dhaxeeya wadar ahaantoodba ay ku heshiiyaan sida siyaasad guud iyo mawqif midaysan?

Maxaa Xal ah? Halkeen Meeshan Uga Dhaqaaqnaa? Kobteen u jihaysannaa? Kumaa isku kaaya wadi kara?

8 comments on “Maxaa Inala Gudboon Kaddib Cudurka Meles?

  1. cabdi on said:

    walalayaal soomali isma maamuli karte waa inaan ajnabi namaamulo soo kireysanaa tusaale somalida xorta aheyd ayaan aragna sidey yihin somali waa isku af waa isku diin waa isku midab waa isku dhaqan waa wada qaraabo sidaa ay tahay cudurkeda waa qabiil nin kukuyo ah ama nin tigre ah madax wey u ogol yihiin lakin nin somali ah maya aqontisa kartidisa ma fiirinayaan ee waxa usawirmi qoladisa marka somali isma maamuli karte inta xabaalaha iyo qaxa nagu badanin dad naxukumo aan soo kireysano

  2. Danood on said:

    Ethiopian youth<<< Horta marka hore salan bahda faallo.com waxaan usheegayaa gumaystayaasha hada is gumadaya ,, heerkii somalida Ethiopia ahaa maanta malin ay ka fiijigan yihiin horay uma soomarin taariikhda, waxaa DDSI diyaar u ah ama shacabka somalida ethiopia maamul dhamaystiran minjo iyo madaxba ONLF inta ka hadhay xataa uurka ayay ka taageersan yihiin anigaba aan oogu horeeyee, saad wada og tihiin waxaa malin dhawayd lagu dhawaaqay malin ukhaas ah umadaas, malintaas waxay ugaar tahay somalida ethiopia, maxay ka macnatahay , taariikhda dib ufiiriya maalintaas??? carqalada kaliya ee jirtaa ONLF ayaa looga yaabayay maamulkan taana sida muuqata ina ilay waan arkaayoo waa wiil hoog isagaa ayaan kufeyli, tan maanta addisababa kataagan , hadii islaamku kuxoogaysto oo ay sidan kusocoto hada aad idinka dabada kariixaysaan ninka faa iido kuqabaa waa aniga oo ah muslimka Ethiopia hadii , sida aad doonaysaan ee ah malez markuu tago aad xukuntaan dadkan war anoo hubaysnayn oon maamul lahayn ayaad ii mara wayday ood ku maah maahday SANGA SAWBALA SANGA SAW BALA OGADEN BIJA QARA , marka kufakar oo kali ah sidii aad maamulka Amhara aad oogu biiri lahayd ee adan oogu fakarin in aad shucuubta ethiopia aad usoo xayd xaydato sidii wayo hore oo aan soo noqonayn

  3. mujahid on said:

    dee waxuu qabiil walba raaci qabiilkiisa somaliya ku nool ama kenya iyo jabouti ku nool; ileey isma mamuli kartyo somalidu

  4. birqod on said:

    ani waxa ila quman hadu males mesha dhafo ilah ha cafiye in an danahena garano gacmaha isqabsano walal duurka kujira iyo shacabkuba inay inan ninka xilka inohaya c/iilay inan madax kadhikano tagero hadii waxan kale qolo qolo intan isku qabsano oromo wadanka haqadato hadan israaci wayno qabaa ilada yar yar wadanka ha iska guran oo hatagan meel uusan maxamed suber joogin

  5. Afdheer on said:

    Aad ayay u mahadsantahay, waxaad soo dhigten waydin u baahan dadkeena inay xal u helaan marka aniga waxaan dhihi lahaa waa in labada dhinac ee hadda iska soo horjedo ee ugu muhimsan waa ONLF iyo DDSI ay wada hadlaan. Haddaba labadan garab ayay tahay in ay dhinac iska dhigaan farqiga u dhaxeya iyagoo u daneynaya shacabka wadahadalkana waa in ay hormuud u noqdaan cuqaasha deegaanka si ay labadan dhinac isugu imaan lahaayeen. Ta labaad waxan dhihi ONLF ha dadajiyaan wadahadallada ay layeelan doonaan ETHIOPIA waliba xilligan uu meles maqanyahay tani waxaa laga yaabaa in wax wayn u tarto jabhada.

  6. Afdheer on said:

    Aad ayay u mahadsantahay, waxaad soo dhigten waydin u baahan dadkeena inay xal u heleen marka aniga waxaan dhihi lahaa waa in labada dhinac ee hadda iska soo horjedo ee ugu muhimsan waa ONLF iyo DDSI haddaba labadan garab ay tahay in ay dhinac iska dhigaan farqiga u dhaxeya iyagoo u daneynay shacabka tani waa in ay hormuud u noqdaan cuqaasha deegaanka si ay labadan dhinac isugu imaan lahaayeen. Ta labaad waxan dhihi ONLF ha dadajiyaan wadahadallada ay layeelan doonaan ETHIOPIA waliba xilligan uu meles maqanyahay tani waxaa laga yaabaa in wax wayn u tarto jabhada.

  7. Ethiopian youth national movement on said:

    Sheekooy ku nacay waaryadaheen dalka dad baa leh habeen iyo dharaarna u soo jeeda meles haduu meesha ka baxo (entc)ethiopian national transitional council ayaa u diyaar ah onlf iyo waxaad sheegaysaan 1000 sano ayaa laga horeeya dadkeena Eebe caafimaad qab haku gaarsiiyo maalinka uu xaqu dilaaco. Onlf qabiilka ay matalaan hadii ay in yar uun caqli ku jiro iyaga raaci mayaan waayo waxa aad aragtaa iyaga oo waxba hayn sida ay yihiin horta waa inaa xikmad meesha taalaa kasoo qaad meles tii Alle ayaa u timid meesha waxaa ku horjooga 2 nin oo cabiid ah waa simoon bareket iyo samora yuunis kuwaas ALLE OO Qabta mooye onlf iyo sheekoyin jilicsan laguma dhaqaajinayo sidaa daraadeed xeelada kaliya een dadkeena ku badbadsan karno waa inaga oo lamid noqona shucuubta kale sidaasna kacdoon shacab kaga tuurnaa kolay nidaam kani waa kii dhaca e inaga hadii aan sidaa yeeli weyno jabka maanta ina haysta barina uu inoo yaala hubaal.tnx

  8. cabdirisaaq mohamed danta guud on said:

    horta aad baan idin salmayaa bahda faallo.com sida qiimaha leh eed fikirk saliimka ah aad noola wadajisaan aragtidiina
    hadii aan fikirkayaga ka dhiibto kasoo qad hadii manta malez meesha ka baxo iyada inaay kala tagi iswaydiin maleh oo waad la wada socotaan talada dalka 1 amxaaradu ma rabaan in nin tigree ah oo danbe wadanka qabsado 2 tigreeguna iyagu ma rabaan nin axmaar ah inuu talada dalka qabado, inkasoo imika u egtahay hadii malez lawaayo inuu jagada badali doono ku xigeenka malez oo ah ninka oogu dhaw ee talada dalka loo aanaynayo kaasoo dadku sheegaan inuu malez ka daran yahay
    hadaba kasoo qaad hadii aay kala tagto tani oo qoloba dhinaceeda la godo inga maxaa inala gudboon? waa su aal muhiim ah runtii oo lo bahan yahay in la si waydiiyo waxaan dhihi lahaa dadkan siyaasada ku loolamaya ee ninba nin reebayaa inay fahmaan hadafka dawladnimo
    onlf maanta wada hadal ayay la galaysaa ethoia sanadkan siday iyagu sheegeen waxana dhihi lahaa madama inagii la inaga dhigay laf halgari iyagaa la isku jabiyaa oo waxa dhimanyaa uun yahay dadkeenii shicibkiina ku hoos baab ay markay taladu noocaan gaadho maskax kale ayaa la keenaa dadkaaga ku badbaadinayso dhiiguna ku yaraadao onlf dagaalka waa inay ethoia mudo xabad joojin ah la qadata kolay is fahmi mayaane oo ethiopia xornimo hoo dhihi maysee qodobkii 39 sodonka ahaa ee shuruudaha ku xidhnaa ayay la so boodi ee ay ku sirtay alitxaad xili gaa doonataan ayaad ahaya ka tashan doonataan oo qayano daba talo ayay wadane lkn mudo lix biloodna ha noqotee waa inay mudo xabad joojin ah la kala saxeeddo dadkuna ha is fahmaan oo ha ogaadaan waxy tahay dawladnimo dhiiguna hayaraado ciidamada islaynana waa inay kala gartaan dadkooda waxa xabada laa iskugu dhiibay inay tahay uun in ayagu is baabiyaan iyagoo duurka ku kal jira waa inay kala joogaan
    onlfna aay is dhisto hab ciidan iyo hab siyaasaba dhinaca kale waa inay heshiisyo heese la galaan alitxaad. dds.inkasooy col yihin hadan hadii midi dhaqdhaqaq bilowdo inay is fahmaan ayaaga lagaybaa waxa u dhexeeya waa siyaasad uun waana la xalin karaaye oo dhaq dhaqaa sameyeen aay kaga faa iidaysanayaan mudada kor kusoo sheegay ee xabad joojinta ah dadkeedana haku fahansiiso inuu dawladanimo tahay mida kaliya ee ay rabaan
    waxay noqotay dds iyaguna waa inay qalqaliifka aay kujiraan iska dhafaan oo dadkooda xabada ka dhaafaan qaab farsamo oo heshiis hoose ah wada galan onlf oon cidi ogaanin sidaasna danta daku haku jirto hadii la is fahmo waxba ma xumadaan waarqo ha isku diraan xataa labadooda dhinacba onlf iyo dds inay heshiis hoose ku galaan inay dhinac kasoo jeed sadaan qaab sidyaa sadeed wax ku xaliyaan waa hadii aay rabadaan danta dadka lkn hadii xisbi xisbi meesh yimaado kursigana lagu loo lamo waa dhib inteeda le eg xabadun way socon uun waligeed inagun sida somalia tahay si kadaran oo waliban ku baab ayno ayay noqon walee lkn taladu waxay kujirtaa dadka waa inay dadku iyagu is fahmaan oo talo macquul ah kasoo saran maskaxdooda aay dadkooda ku kala badbadinayaan inkasoo dadkii laftoodu ay laba siyaadood kal qateen mid dds iyo mida onlf oo iyag laftoodu aaynab is arkayn lkn xal waa mihiim aduunka wax garadka joogaa ee inaga dhashay. aqoonyahanka.culima awdiinka.ardayda waa in la isla kashadaa talo qiimahlehna laga soo saraa dal iyo dibadba intaan isku tagno waa fikirkayga wallayaal waanad ku mahsan tihin qaabka fiican eed dadka talada ola wadajinaysaan wana ku farxasan haya illahay kuwa is fahma ha inag yeeloo aamiin aamiin ee dantooda garta insha allah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.