Ujeeddo: Cadayn cadho ku socota faallo.com
Salaan: marka hore waxaan aad u cambaaraynaynaa ugana xun nahay qoraalada qaarkood ee sida cunsuri nimada leh ee ay faallo.com u soo bandhigtay dad walaalo ah oo kala baaday waliba 500 oo sano cuqdad gacan ku samays ah lagu kala dilay in maanta maqaalo si masuuliyad daro ah loosoo qoray nabaro in ay bogsadaan ku dhaw la damqo waa wax laga xumaado hadii aad mutacalimiin bulshada u kacday aad tihiin dowrkiinu in uu ahaado isu soo dhawaynta shacabka iyo wacyi galintooda si ay duliga isaga dulqaadaan iyaga oo midaysan iyada oo ah in aad kala fogaysaan shacabka waa wax laga xumaado. dadku waa walaalo nina nin wax kama haysto wadanku wuu balaadhan yahay wuu inawada deeqayaa ee nidaam daro ayuun baa ina haysata waxa aan faallo.com ka codsanaynaa in ay garwaqsataan arimahaas kor ku qoran hadii kale ood isleedihiin sidan ayaad dad kusoo jiidanaysaan waxa aad soo jiidataanba waa macaamiil ee dad sharaf iyo dadnimo leh ma aha waxa kale oon idin leenahay hadii aad mawqif ka duulaysaan qoraalkan dad weynaha u soo ban dhiga si ay uga dhiibtaan r’ayigooda tnx
EYNM