Ninka lagu magacaabo Sibhat Nega oo mar ahaan jiray Ninka ugu awoodda badan Ururka Xoraynta Dadka Tigreega (TPLF) ee ah kan majaraha u haya siyaasadda xukuumadda Itoobiya ayaa sheegay inuu Meles Zenawi caafimaadkiisu sida laga dayrinayo ahayn.
Hadalkan ayuu ku sheegay waraysi uu siiyay idaacadda Voice of America (VOA) wuxuuna cambaarayn kulul dusha uga tuuray warbaahinta reer galbeedka oo uu ku dhaliilay inay buunbuuniyeen kutiri kuteen ay qoreen qolyo qurbojoog ah oo mucaarad ah.
Wuxuu sidoo kale ku celceliyay in howlihii xukuumaddu si habsami ah u socdaan balse ayna hal shaqsi u taagnaanayn. Warkan ayaa la mid ah mid horay uu Bereket Samcoon uu sheegay. Walow ay dawladdu bilowgii hore beenisay inuuba xanuunsanyahay xataa ayaa waxaa ka tan roonaaday caddaymaha soo baxay maalmo kadib uun markii laga waayay Meles golayaal badan oon looga baran inuu ka maqnaado, iyo waliba iyadoo diblumaasiyiin iyo masuuliyiin kale ay walaac ka muujiyeen xaddiga xanuunka haya Meles.
Sebhat ayaa ku dooday in shacabku ismaamullo iyo Deegaanno leeyihiin oo dawlad dhexe wax looga baahanyahayba ay iska yartahay sidaa darteedna haddiiba buu yidhi in maqnaanshaha Zenawi aan sidaas looga tabayn Itoobiya gudaheeda.
Waxaa xusid mudan in Sibhat Negga iyo Meles ay dhawaan isku dhaceen kadib markii Shirkadda TPLF ee loo yaqaanno EFFORT taasoo Monopoly ku haysata ganacsiyo badan oo ka jira Itoobiya uuna Sebhat guddoomiye ka ahaa laga qaaday jagadaas loona dhiibay afada/xaaska Meles Zenawi Azeb Mesfin. Haddalkiisan uu ku difaacayo Meles ayaa loo fasiray inayna ahayn taageero uu Meles u hayo maaddaama iyaga dhexdooda tartan ka jiro balse uu ka walaacsanyahay in qawmiyadda tirada yar ee Tigreegu oo ah uun kaliya 3.5 malyan oo ka mid ah 93-da malyan ee la sheego inay Itoobiya ka koobantahay ay farahooda ka baxdo xukunka Itoobiya oo fara adag kusoo hayeen tan iyo intii xukunka laga tuuray Axmaarkii Mengistu Xayle Maryan.
Reer galbeedka ayaa aad uga walaacsan in xanuunka Meles uu dhaliyo isku dhexyaac ku yimaadda nidaamka xukuumadda iyadoo kacdoonno badanna ay ku furanyihiin TPLF/EPRDF gude iyo dibadba.
Ethiopian Youth <> KKKKKK salaan marka hore Ethiopian ka xalaasha ah Sida faallo aan dhana u eexanayn War mingistu Walaytaa Ayuu ahaa Hoyadiis tumay ahayd soo korsatay???? ,, lakiin waxaa kaamaqan , maanta Malez tagyee , maxaa xigi doona taas ka fakir amxar iyo tigree ba inee bakul Andinaw dhamaantood waa gumaystayal madaw ,waana cadawga shucuubta Ethiopia dhiigooda mudada dheer soo jaqayay hadana islamka Ethiopia ayaa fataxada umaray Melez
Kkkkk waar ayaa yidhi mangistu waa qowmiyadaas aad ku tilmaanteen faallo.com dib taariikhda ugu noqda ninkaas wuxuu ka soo jeeda qowmiyad yar oo koonfurta dagta sidaa hala ogaadaa .markii uu xukunka hayay cida ugu hor dilay waxa uu ahaa nin u dhashay qowmiyada lagu tuhmo wax bay gumaystaan.hada tusaale ahaan ka soo qaad cabdi ==== ayaa wadanka xukuma marka uu gabood falo geysto hadii layidhaahdo (soomali) ayaa na gumaysata miyayn wax doqoniimo ahayn.waa inaan aamina cida wax xumaysa in uun cidna matalin ee uu naftiisa kaliya u taagan yahay. sidaas na barwaaqo iyo liibaan ayaa ino dambayn hadii kale sidan cuqdad indhaha isku haysa ayaan waligeen ku jiraynaa.tnx