Foollo.com (Addis Ababa) Magaalada Addis Ababa ayaa qasan illa maanta galinkii dambe salaaddii Duhur wixii ka dambeeyay. Ciidamada loo yaqaanno booliska Federaalka ayaa weerar ku qaaday Masjid jaamaca wayn ee Addis Ababa ee loo yaqaanno Anwar Masjid. Dad goob joog ah ayaa xaqiijiyay in weerarka ay soo qaadeen ciidanku uu waxyeello badan kasoo gaadhay shacab muslimiin ah oo Soomman kuna cibaadaysanayay Masjidka iyo hareerihiisa.
Ciidanka ayaa sidoo kale la sheegay inayna ku ekaan gudaha Masjidka ee ay sidoo kale bar tilmaameedsanayaan wax Alla wixii ay uga shakiyaan inuu Raad ku yeesho mudaaharaadyadii dhawaanahan ay Muslimiintu ka wadeen Addis Ababa.
Xaafadaha xabbadaha laga maqlayo waxaa ka mid ah Somali Tera (Xaafad Soomaali), Takle Haymanot, Merkaato iyo meelo kale.
Waxaa kale oo la sheegayaa in markii dadweynuhu ay arkeen arxan darrada Ciidammada ay sii dhiirradeen oo bannaan baxyo badan oon la filayn bilowdeen.
Dhanka kale waxaa la isla dhex marayaa in Loollan dhanka siyaasadda ah uu durba ka bilowday Addis Ababa kadib markii uu soo baxay in Meles uuna shaqada sii wadi akrin. Arrintan cakiran darteed ayaa durba waxaa bilowday in qoysaska dadka dowladda EPRDF magaca ku leh ay ka baxaan dalka siiba carruurta Madaxda ugu sarraysa iyagoo ka cabsi qaba in xaalku faraha ka baxo.
Taleefishinka madaxa bannaan ee ESAT ayaa isna baahiyay in Darawalkii xaaska Meles Zenawi uu ka baxsaday dalka isagoo naftiisa ula cararay Yurub.
Wixii kasoo kordha arrimahan nagala socda Faallo.com
waaxaan faallo.com ka codsanaynaa gabaygan yar ee af carabiga ku qoran in ay noo daabacdo fadlan إد شعب يوما اراد حيا فلا بد ان يستجيب القدر.نموت نموت و يحي الوطنwaa erayadii ay ku dhawaaqayeen muslimiinta walaaleheen shalay markii boolisku masjidka ugu galay tnx
Assalaamu Calaykum
Walaalayaal waxaa inala gudboon inaan wadanka qabsano oo ay noqoto taariikh markii ugu horaysay ee muslim ka taliyo.
Gaalku baryahaaba wuu soo watay oo wuxuu bilaabay wakhtigii tirokoobka inuu muslimka cadaadiyo oo tiradooda hoos u dhigo kadibna guud ahaan buu faragalin kuqaaday faragalin laga xishoodo oo cidii caqli leh ka yaxyaxdo.
Walaalayaal aynu ku midowno diinta.
WWWW
war ilmaa adeerayaalaw maad beenta iska dhaaftaan dalkan sxb dumimaayo waligii dalkani waa kii nebiga lagu soo dhaweeyay calayhi salaam
Misaajid jigjiga waa inay salaada subax kadib ku dhawaaqaan ALLAHU AKBAR WAAYO HADA WALAALEHEEN JIHAAD AYEY KU JIRAAN INTA AAN SIYAASADA IYO QABIILKA MEEL ISKA DHIGNO WAA INAAN MIDOwnaa oo ku midoowna DIINTA.ALLAHU AKBAR!!!