Nin Kale oo Shacab ah oo Lagudilay Deegaanka
Nin kale oo shacab ah oo lagudilay deegaanka
Cabdimiyir Shugri Aw Cismaan oo ah nin shacab ah qoys ahaanna kasoo jeeday Reer Isaaq, reer Liibaan Jiciir, reer Samatar Liibaan, reer Tooxow Samatar ayaa ciidamadda gaarka ah (liyuu police) ee deegaanka soomaalidu ka qabsadeen tuulada Ceelxaar ee Degmada Birqod, waxayna kudileen meel aan tuulada kafogayn iyaga oo ku eedeeyay inuu JWXO xidhiidh laleeyahay.
Leave a Reply
Aad baad u mahadsana tihiin,Waan ka xunahay ninkaa la diley ilaahey ha u naxriisto, haddii xabada la joojiyo ninkan oo kale lama dileen, new policeka waxaa loo baahan yahay in ay ogaadaan waxay ay ilaalinayaan in uu yahay shacabkooda in ay dilaana maaha.
Sida aad u soo tabiseen waa saxa, wax dhib ah kuma jiro qabiilkiisa, waxaana filayaa in ay tahay habka ugu fiican ee wax loo soo tabiyo.
faalo salan kadib aad baan uga xunahay in shacabkanaga maalin walba si aan sharci ahayn loo dilo ninkaas oo malin sharaf leh oo kowdii bish aramadaan e barakeysaan la dileyn ilahay waxaan uga baryeynaa inuu ka aqbalo shahiidnimada maxaa yeeley xaq daro ayaa lagu diley isaga oo sooman kuwa dileyna danbi badan ayey ilaahay agtiisa ka gurubsadenn waxana u maleynaya inayna ka faaiidi doonin dilkiisa in badan ka qoomamoon doonaan.
intaa kadib waxaan faalo leeyahay waxaa ku filan inaad sheegtaan shacbka la leynayo qofka haybta weyn ee uu ka soo jeedo ama gobolka uu ka soo jeedo inata aad dabada u qabateen qabiilkiisii ila iyo meeshii ugu danbeysey oo ah markii koobad ee aan idinku arko taas oo shacbka dhexdiisa xasaasiyad ka abuuri karta iyoga oo dhammaantood wada rafaadsan. waad mahadsantihii walaal sida qiimaha badan ee aad u dadaaleysaan liiskii dheeraa ee ad ka soo qorteen dadka xaq darada lagu layeyna wuunoo koobiyeysan yahay cidii ka danbeysay dadkaa leyntoodana ma ilawi doono walaal.