Dawladda Deegaanka oo lagu Eedeeyay Dagaallo Beeleed Ka Jira Gobolka Liibaan

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Khasaaraha Dagaal Beeleedka Gobolka Liibaan oo Sii Kordhay iyo Xukuumadda DDS oon waxba Ka qaban

Waxaa Faallo.com soo gaadhaya cabashooyin ka dhan ah xukuumadda DDS gaar ahaan Madaxweynaha Cabdi M. Cumar iyo af-hayeenka Baarlamaanka DDS Maxamad Rashiid Isaaq.

Eedaymahan ayaa yimid kadib markii sida lasoo gaadhsiiyay Faallo.com ay dheceen dagaallo ka dhacay gobolka Liibaan ay ku dhinteen dad fara badan. Goobaha ay dagaalladan beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah ku dhexmaray Gobolka Liibaan ayaa la sheegay inay ka dheceen Warcade oo 30 KM u jirta Deegaanka Xayasuuftu (Qabale) halkaasoo la sheegay ku dhinteen dad shacab ah oo gaadhaya illaa 16 qof. Colaaddan oo ah mid macno darro iyo ayaan darro ah ayaa la sheegay inay u dhaxayso Dagodiga iyo Mareexaan oo ah dad walaalo ah loona baahnaa inay is ixtiraam iyo wanaag ku wada noolaadaan.

Sidoo kale 7-aad ka hor ayaa colaad tan la mid ah balse u dhaxaysa Degodiga iyo Garraha laga soo sheegay meesha lagu magacaabo Malkawilo ee ka tirsan Degmada Mubaraka ay ku dhinteen 15 qof. Shaqsiyaadka eedaynaya Dawladda ayaa waxay hurinta colaaddan ku eedeeyeen inuu lug ku leeyahay Afhayeenka Baarlamaanka DDS Maxamad Rashiid Isaaq oo isagu ka soo jeeda labada Beelood ee walaalaha ah midkood (waa Garraha e).

Madaxweynaha ayaa isaga lagu eedeeyay inuuna arrintan wax ka qaban isagoo is xijiyay sida lagu eedeeyay Afhayeenka Baarlamaanka.

Dadka cabanaya ayaa masuuliyiinta DDS iyo waxgaradka ka codsaday in arrintan xal loo helo maaddaama aan loo baahnayn in dhiig dad walaalo ah bilaash ama macno darro loo daadiyo.

Faallo.com waxay ciddii ay arrimahani khuseeyaan ku boorrinaysaa in khilaafka la dajiyo oo dadka xooladhaqatada ah ee masaakiinta ah loo tudho lana xasuusnaado in maalmaha noloshaan ku meel gaadhka ah ay tirsanyihiin aakhiro iyo xisaabna dambayso oo Alle laga cabsado. Dhulka inta Soomaali innagoo ah inagu wada magacaaban khayraadka saaran ama ku jira ayaa inaga wada badan ee markaa aan ku heshiino sidii aan ugu wada noolaan lahayn oo qabyaalad aan ka waantowno waa wixii dib inoo dhigaye.

3 comments on “Dawladda Deegaanka oo lagu Eedeeyay Dagaallo Beeleed Ka Jira Gobolka Liibaan

  1. Afdheer on said:

    Waa ayan darrada haysata dadka soomaalida ah balse waxaan taageersanahay aragtida dhigaysa in madaxda ugu sarraysa ay ka danbeeyaan dabkan hurintiisa.

  2. Danood on said:

    Allaw qabooji oo kala daji wixii cilaad ah waa dhaqankii ay nabareen gumaysta yaasha is gumadaya , iyaguu kabrtay lakiin waxaan filayaa in ay hada wax saa usiibuuran oo colaadihii horay oga dhicijiray aysan jirin intana waxaan qabaa in laga gudbi doono,

  3. Ethiopian youth national movement on said:

    For This article. tnx faallo.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.