Faahfaahin: Kaddib Weerarkii Booliska ee Masjid Anwar iyo Muslimka Itoobiya

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

ITOOBIYA IYO MUSLIMIINTA

Addis ababa, masaajidka anwar ayaa shalay duhurkii muslimiin tiro badan oo kutukanayay ay takbiirtu isqabatay waloow aynan wax dhib ah samaynin muslimiintu. Salaaddii casar ayaa booliska federal-ku weeraray muslimiintii iyagoo damcay in ay masaajidka xidhaan. Kadib nin walba wixii gacantiisa kujiray ayuu adeegdasay. Boolisku xabad ayay oodda kaga qaadeen muslimiintuna dhagaxtuur ayay billaabeen. Rabshadu suuqii markaato oodhan ayay gaadhay, waxayna casargaabkii kudurugtay meelo ay kamidyihiin ISTEEDIYAM-ka iyo ABINET.

Masaajidka ANWAR ayaa manta caadi ahaa dadkuna ku cibaadaysanayeen inkastoo suuqa way nee markaato uu axadda uxidhnaa. Ilaa xalay iyo shalay galab waxay boolisku ururiyeen muslimiin badan. Waxaa dhacaysay in meelaha basaku istaagaan boolisku dadka waydiinayeen aqoonsi qofkii magic muslim lehna waa laqabanayay. Qofkiise aan aqoonsi wadanin waa la iska siidaynayay.

2 comments on “Faahfaahin: Kaddib Weerarkii Booliska ee Masjid Anwar iyo Muslimka Itoobiya

  1. Ethiopian youth national movement on said:

    Muslimiinta caasimadu waa rag qowmiyad iyo cidhiidhinimo ka tagay .qabiilna haba sheegin warkiisa 50kun oo sano ka hor ay masaxeen .ethiopia way jecel yihiin diintoodana sidoo kale aad ayey u xajistaan walaahi shalay ninkii joogay unbaa og walaahi waa rag ilbax ah xaga dhalin teenu jaadka ay la wareegayaan adis ababa waxay noqotay xagii ilbax nimada islaamka ka soo curanayso.ALLAHU AKBAR!!!

  2. kaahin on said:

    waa war aad u wanaagsan in ilhaya burbur ku keeno Itoobiya oo ay dhacdo xukumada Wayanada ayna noqoto xukumadii uugu danbaysay ee wadan Itoobiya la yiraahdo ka hirgasha ilahay ha haka qaybiyo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.