Addis ababa, malis oo loobadinayo inuusan shaqada kusoo noqonin ayaa ururtii yarayd ee ku hareeraysnayd ay ku kala qaybsanyihiin ciddii booskiisa buuxin lahayd. Waxaa lasheegayaa inuu isagu booska udardaarmay ambassador Tewelde oo ay aad isugu dhawaayeen ayna kawada yimaadeen adwa, waxaase lagarab wadaa Niwaay GabreĀ Ab oo isla isaguna ah reer adwa. Rag kamid ah ururka xoogga badan ee TPLF ayaa iyagu doonaya in sida dastuurku dhigayo uu Addisu Legese oo ahaa kuxigeenka Malis uu booska buuxiyo. Addisu ayaa dhawaan hawlgab baxay inkastoo uu matalayay booska kuxigeenka (haddana uusi ku meel gaadh ah usii hayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Koonfurta kasoo jeeda Xaylemaryam Dhassalany). Waxay dad udhuunduleela siyaasadda sheegayaan in ambassador Tewalde uu eegga si rasmi ah isagu wax umaamulo addisuna uu yahay maqaarsaar.
Faallo.com