Sawiro: Madaxweynaha Masar Morsi oo La Kulmay Baadariga Ugu Sarreeya Itoobiya

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Addis Ababa): Madaxweynaha Masar Ingineer Maxammad Mursi ayaa Safaaradda Masar ay Itoobiya ku leedahay kula kulmay Baadariga ugu sarreeya Itoobiya ee Madhabta Ortodox-ka ama Qibdiyiinta ee Abune Paulos. Mursi oo ah Madaxweynihii ugu horreeyay ee si xor ah loosoo doorto kana soo jeeda urur weynaha Akhwaanul Muslimiin ayaa ah Madaxwenihii ugu horreeyay ee Masar ka socda oo booqasho ku yimaadda Itoobiya in kabadan 17 sano.

Kulankan uu Mursi la yeeshay Baadariga ugu sarreeya Itoobiya ayaa u muuqda mid uu ku muujinayo inay ka go’antahay inuu xidhiidh wanaagsan la yeesho Qibdiyiinta Masar oo ay isku dhaqan (madhab) haystaan Qibdiyiinta Itoobiya. Sidoo kale waxaa la sheegayaa inuu kulankan iskaga jeedinayo warbaahinta reer galbeedka oo ku eedaysay Madaxweynaha Akhwaanul Musilimiinta ka socda inuu cadaadis ku dhalin doono Kirishtanka ku nool Masar.

Ugu dambayntii Masar oo aad ugu tiirsan biyaha Nile ayaa sannadahan dambe waxaa culays wayn kasoo food saaray Itoobiya (oo waliba sida la sheegayo taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaaleba ka helaysa dalal lagu sheegay inay kasoo horjeedaan danaha shacabka Masar) oo wadda qorsheyaal ay ku xidhayso biyaha wabiga Nile qaybta dhanka dalkeeda kasoo askuma.

One comment on “Sawiro: Madaxweynaha Masar Morsi oo La Kulmay Baadariga Ugu Sarreeya Itoobiya

  1. Ethiopian youth national movement on said:

    Dr maxamed mursi waa tusaale muslimka dhaxdhaxaadka ah ALLE ISAGA OO KALE HAINAGU SIMO.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.