Madaxweynahii Gaana oo isku Mar Xanuunsadeen Meles oo Geeriyooday

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Dawladda dalka Gaana ayaa goor dhow baahisay in Madaxwynihii dalkaasi uu geeriyooday. Geerida John Atta Mills ayaa laga sii daayay Warbaahinta Qaranka Gaana iyadoo shacabka dalkaasna looga tacsiyeey. Waxaa ka mid ahaa erayadii laga siidaayay warbaahinta sidan:

Annagoo aad uga xun ayaan uga tacsiyaynaynaa dadka reer Gaana geerida kadiska ah ee ku timid madaxweynaha dalka, waana uga tacsiyaynaynaa shacabka iyo qoyskiisaba geerida madaxweynaha.

Sida sharciga dalkaasi uu qabo wax yar uun kadib ayaa waxaa loo dhaariyay inuu buuxiyo jagada bannaanaatay ninka lagu magacaabo John Dramani Mahama oo ahaa madaxweyne ku xigeenka dalka Gaana.

Mr. John Atta Mills ayanoqday Madaxweynaha dalka Gaana sannadkii 2009 isagoo waqtiga dhimashadiisana la sheegay inay da’diisu ahayd 68 jir.

Dhanka kale waxaa tan la bar bar dhigi karaa in Meles Zenaawi aan illaa haatan la ogayn xaaladdiisa iyadoo ragga ugu sarreeya xukuumadda ay ku doodeen in xaalkiisu wanaagsanyahay halka dadka qaar isla dhexmarayaan inuuba mar hore geeriyooday waloow aan wali la xaqiijin. Waxaase la xaqiijiyay in xaaladdiisa caafimaad ay adagtahay iyadoo Dublamaasiyiin lagasoo xigtay arrinkaa toddobaadkii tagay.

John Atta Mills iyo Meles Zenawi ayaa labaduba ka qayb galay shirkii G20 ee Washington ka dhacay dhowr toddobaad ka hor shirkaas oo wariyaha ESAT TV ee Abebe Gelaw uu ku fadeexeeyay Meles gole caalami ah dhexdii. Waxaa xusuus mudan in labada madaxweynaba shirkaasi u ahaa kii noociisa ah ee ay ka qayb galaan.

Dhan walba markaad ka eegto waxaa kuu soo baxaya in kala duwanaansho baaxad weyn u dhaxeeyo labada dal iyo sida labada hoggaamiye caafimaadkooda loo maamulay. Tusaale ahaan shacabka Itoobiya iyo caalamka inta danaynaysa Itoobiyaba waxaa la is wada weydiinayaa sababta loo qarinayo Meles xaaladdiisa haddiiba aysan ahayn Timir Laf baa ku jirta.

Arrintaa ugu dambaysa dadka qaar ayaa u fasirtay sidii looga bartay Masuuliyiinta TPLF ugu sarraysa inay rabaan inay waqtiga ka faa’iidaystaan oo aan wax walba sida ay tahay loo ogaan illaa iyagoo u diyaar garooba mooyee. Toloow Soomaalidu iyagu ma yihiin kuwo u diyaar garoobaya dhacdooyinka mustaqbalka iman kara mase ku xisaabtamayaan in sida khayrkood waqtiga uga faa’iidaysanayo inay iyaguna uga faa’iidaystaan? Mise sidii caada ahayd baa intay iyagu fadhi ku dirir iyo reer hebel maxaa laga damcay ku hayaan laga faa’iidaysan doonaa?

2 comments on “Madaxweynahii Gaana oo isku Mar Xanuunsadeen Meles oo Geeriyooday

  1. Danood on said:

    waxaan filayaa in si balaadhan loogu diyaar garoobay sida hada xaalku yahay waa mid diirada lagu wada hayoo waxaana looga danbeenyaa hawshan maamulka hada jira in uu si kumeel gaadh ah usii wado hawsha ONLF iyo inta lamidka ahba maanta waxay ooga danbaynayaan hawshan waa Madaxwayne Abdi mahamed Omar oo Xuduudaha ku filan in uu soo xiro Ina na aan ka dayno qalalaasaha Tigree si cad ayay oogu diyaar garoobeen in ay kala tagaajaw dha haan kilil walba ha is maamulo waana halka ay Ahmaro qudhun lay dooni Andinat iyo waxaan so conayn Loojeega waxa xiga

  2. Ethiopian youth national movement on said:

    Labada dal waxay ku kala duwan yihiin Gaana waa wadan dimuqraadi ah madaxwaynaha GAana waa nin si xor ah loo soo doortay melesna idinka ayaa ii sheegi markaa geeridoodana sida loo aasi sidaa ayay ukala duwanaan.tnx

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.