WARBIXIN: Shirweynaha Xisbiga X.D.SH.S.I. Si Rasmi ah Furmi Doona Jarar iyo Arrimo Kale

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Shirweynaha xisbiga X.D.SH.S.I. si rasmi ah furmidoona 5/12/2004 EC oo Ku beegan August 11-8-2012

Faallo.com (Jigjiga) Galabta galikii dambe waxaa holka shirarka lagu qabtay shir looga hadlay arrimo kala duwan oo kamid yahiin shirweynaha xisbiga oo si rasmi ah logu dhawaaqay in lagu qabandoona gobolka Jarar, degmada birqod meesha lagu magacaabo Geerig’an. Shirka waxaa qabanqaabinaya xubnaha kala ah:

  • mudane C/llahi Yuusuf Weerar___________ guddoomiye
  • mudane Ibrahiim Maxamud Mubaarak___________xog-haye
  • mudane C/fatax Maxamud __________xubin
  • Mudane C/xakiin Cigaal Cumar ,,,,
  • Mudane C/raxmaan sh Maxamad ,,,,
  • Mudane Maxamuud C/qaadir ,,,
  • Mudane C/salan Axmed ,,,,,

Kaqabgalayaasha shirka oo hoos wax iska weydinayey waxaay saadalinayen cida noqodoonta gudoomiyaha xisbiga madama uu madaxweynaha uu yahay gud/kuxigeenka xisbiga. Ila xog ogaal ah ayaa waxay sheegeen in afhayeenka xisbiga Mudane Maxamed Rashiid Isaaq uu yidhi kumafaraxsani habka ay wax u socodaan wuxuuna rajaxumi ka muujiyey jagad uu hadahaayo iyadoo shaki la galiyay in uu dib u hanan doonin sida ay hadal u dhigeen xubnaha aad ugu dhaw mudane Maxamed Rashiid Issaq inkastoo madasha shirka uu kamaqnaa galabta, taas oo dhalisay shakifarbadan.

Inta kadib shirka waxaa ka soo qeygaliy madaxweynaha DDS Cabdi M Cumar oo kahadley qodobada ay mid ahaayen

  • Jijibinta miisaaniyada degmooyinka sanad miisaniyadka 2005
  • Kor u qaadid dakhliga deeganka iyo degmooynka
  • Xubnaha dib u curasha in laga soo dooran doona goobaha joogan hada xilga doorasha lagaadho
  • Degmooyinka in ay kafogaadan lunsiga rashiinka gargaarka isga oo u carabka ku dhuftay lunsi kadhacay degmada Dhuxun oo ay liyuu booliska warbixin kasoogudbiyen.

Inta kadib wuxuu dhaliil dusha uga tuuray degmooynka sida qaldan u isticmaley jijibinta miisaaniyada oo ay kamid tahay degmada Mooyale iyo ismaamulka magaalada Jigjiga.

Jigjiga

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

HTML tags are not allowed.