Deg Deg: Meles Zenawi oo Geeridiisa Lagu Dhawaaqay!!!

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Dawlada federaalka ee itiibiya ayaa ku dhawaaqday geerida raysal wasaare melez zenaawi oo mudo la qarinayay geeridiisa.

TV-ga itoobiya ETV ayaa waxaa ka muuqda tacsida iyo aaska raisal wasaaraha halkaasoo maanta lagu dhawaaqay inay tahay maalin baroor diiq ah.

Melez ayaa ku geeriyooday 57 jir isla markaana xukunka hayay 22 sano intii uu dhacay kali taliskii Mangistu.

Raisal wasaare ku xigeenka ahna wariiska arimaha dibada mudane HAILAMARIAM DASALAYN ayaa xukunka sii hayn doona sida dastuurku sheegayo inta ururka talada haya ee EPRDF ay ka dooranayaan raisal wasaare kale. Warkan ayay Faallo.com horay usoo gudbisay iyadoo sheegtay in Saraakiil Maraykan ahi ku qasbeen TPLF inay oggolaadaan in HAILAMARIAM DASALAYN sii buuxiyo booskii Meles kaddib markii iyaga TPLF-ta ahi is qabqabsadeen.

halkaa waxaa ku dhamaaday taliskii Meles waxaanse la hubin cida badali doonta balse waxaa loo badinayaa inuu noqdo nin TIGREE ah.

Waxaan sidoo kale la hubin masiirka dalka iyo mustaqbal dhaw isbadalka ka dhici doona dalka iyadoo ay jiraan kacdoono iyo mucaarado adag oo ku wajahan siyaasadii hore ee Melez.

Wixii faahfaahina kala socda Faallo.com

One Response to Deg Deg: Meles Zenawi oo Geeridiisa Lagu Dhawaaqay!!!

  1. No comment tnx

    Ethiopian youth national movement
    August 21, 2012 at 5:43 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *