Warbixin: Xaalada wariyayasha ee ESTV/DDS iyo Magacyada Wariyayaasha

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 03-01-2013

Warbixin: Xaalada wariyayasha ee ESTV/DDS

Maantana waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa warbixin ku saabsan xaaladda wariyayaasha Deegaanka Soomaalida. Warbixintan waxaa isku soo uruuriyay wariye ka tirsan Bahda Faallo.com, waxaana isku soo dubba riday wariye kale oo isla bahda Faallo.com ah.

Waxaa jira wariye xidhan muddo lix bilood ah. Wariyahan oo hadda ka hor aan cidi ka warhayn ayay Faallo.com soo ogaatay in si been abuur ah loogu eedeyay nabadiid, kaas oo kamid ahaa wariyaasha ka hawlgala Telefishinka ku hadla afka Cabdi Iley ee ESTV. Wariyahaas ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Cabdi oo ciidanka liyuu boolis-ku kaxidhen isla xarunta TV-gaas.

Dhanka kale toddobo (7) wariye oo iyagu qayb kamid ah haystan shahaadada cilmiga saxafada ayaa si sharci daro ah shaqada loogajoojiyey taas oo dad arrinta u dhuun daloola ku macneeyeen uun inay qayb ka tahay fawdada Deegaanka ka taagan.

Sidoo kale ESTV ayaa isagu kaleexdey nidaamka saxafada loona dhiibey nin ay wariyayaasha qaar ku eedeeyeen inuuna saxafada aqoon u lahayn, marka laga reebo in yar oo lagu carbiyay Jigjiga FM, saxafada aan wax ka aqooon oo shacabka iska caaya ama aflagaaddeeya, sida lagu arkay  barnaamijka xogta maweelada, iyadoo waxyaabaha kale ee shacabka ka yaabiyay ay kamid yihin in madaxwaynaha shaah makhayad kacabo war iyo barnaamij lagasameeyo.

Wariyayaasha fara kutiriska ah ee kartida leh ee iyagu marar badan si dadban dhagahadal sameyay bal madaxwaynahu ka waantoobo faragalinta uu ku hayo TV-ga ayaa dhib la darsay.  Maamulaha TV-ga C/wali oo taageero ka helaya cabdi Iley ayaa si nidaamka aan waafaqsanayn ula dhaqmay wariyeyaal badan oo ay ka mid yihiin Caaqil Gamaadiid, Maxamed C/ Wahab, Cabdi Faarax, iyo C/risaaq Maxamed Xaashi. Ma aha marki u horeysay ee shaqalaha lacadaadiyo ayado farsamo yaqanadi uguwayna ESTV midna lacaydhiyey, midna fakadey kuwaas kala ah Ciid Cilmi iyo Cabdiqadir Faarax Xaashi oo isagu Sweden ufakadey.

Waxaa kaloo iyadana baxsatey wariyihi barnaamijka salaamaha iyo musikada Nimco Xuseen oo joogta Canada (kanada), halka wariye Hani Daahir iyadana marki sixun looladhaqmey shaqada lagajoojiey laguna celiyey arkifiyada ay hoosta kafakatey oo imika kusugan tahay dalka Imaaraatka (UAE). Arrintan ayaa ah mid shacabka aad uga dhakafaareen xaaladda saxafadda deegaanka oo curdun ah kunabilaabatey nidaam la’aan iyo fawdo; iyo wariyayaasha yar ee soo hadhay wali cadaadis lagu hayo oo ay afkana ka qoslayaan hoostana ka ooyayaan.

Bahda Faallo.com

2 Responses to Warbixin: Xaalada wariyayasha ee ESTV/DDS iyo Magacyada Wariyayaasha

  1. faallo aad iyo aad ayay umahadsantahay si fican ee ay isu hawsho arimaha wadanka lakiin baryahan aniga waxay ila muuqata inay ka baxday qabki saxafada oo aya u gudubtay dacayad uun mida kale mucaradka wax tarka leh maaha oo kaliya inaad sheegto maamulka xumaantiisa wali maan maqal faallo.com oo wanag ka shegi wadanka ma ihi dadka aaminsan wadanka inuu waxwalba heer sare ma marayo lkn waxan raba inaan ogaado wanaga iyo xumanta mida kale dawlada kililka maaha o kaliya cabdi iley maxad toosh ula daba taagantihin kaligi waxan la yaabay oo iga fajiciyay waxa ka mida gabadha ad leedihin nimco xuseen canad ayay ubaxsatay may baxsane dhoof caadiya oo waligeed u xaraysana ayay ku tagtay iska hubsada warka maad qoraysan waayo waxani dad ayuu gaadhi laga yabo inay idinka ogyihin xaqiiqada cabdi nacaybkaad uqabtaan yayna idin gaadhsiin inaad katagtan cadalada mahadsanidin.

    wadan
    January 3, 2013 at 9:15 pm
    Reply

  2. waxaan aqaan anigi 3 wariye oo kuxiran JEEL-OGADEEN oo asxabtayada ahaa midi waa wariyaha aad xusteen ee C/HI CABDI WAANA INA C/DHERE CALI DHAGAY 2 MAXAMED DIIRIYE labaduba awaxa ay kabexeen kuliyada saxafada ee jamacada ifriqiya(SUDAN)3 MED SANDHERE(QARSHI)OO KABAXAY ISNA FACULT HISTORY isla jamacadaa dhalintaas waxa aan kagawarqabnay uun jigjiga iyo ayagoo laleeyahay amaba aankadaawanay in ay kashaqeyan warbahinta C/ILEY (C.UBBO) kadib waxaan halmarkawarhelay in dhamantood ay jeelka kujiraan. qaarkale oo asxabta kamid ah ayaa fara caaradood kagabaxsaday oo meelakaladuwan jooga.

    CALI
    January 3, 2013 at 9:50 am
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *