Odayada Jidwaaq oo Addis u Socdaalay iyo Kuwo Lagu Xidhay Jigjiga

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 16-05-2013

Sida wararka kula socoteen waxaa sii xoogaystay khilaafka maamulka cabdi Iley Iyo odeyaasha jidwaaq kadib markii uu cabudhiyay, kuwa kalana shalay xabsiga lageeyay, sida wariye ka tirsan Bahda Faallo ee Jigjiga uu sheegayo.

Haddaba arintaas oo haatan meel xun maraysa ayaa tiro odeyaal beesha jidwaaq ah u baxeen magaalada Addis Ababa, halkaas oo qaabilaad ay kala kulmeen xildhibaano heer Federal ah. Odeyaasha sida faallo.com loo Sheegay qorshahoodu waa la kulanka raisal wasaaraha Ethiopia Xayle Marian Desalegn.

Duqayda oo dacwadooda gaadhsiiyay saraakiisha xerada ciidanka garabcase yaa ugu danbayn ubaxay addis ababa lamana cadayn Karo in ay qayb ka tahay Isku day la Sheegay in raisal wasaaruhu kula kulmayo Odeyaal ka socda gobolada Qoraxey, Doollo/Wardheer, iyo Shiniile, kuwaas oo uu kala samaynayo latashi ku saabsan xaalada ka taagan Deegaanka iyo qaabka xal waara loogu heli karo sida uu faallo.com u sheegay masuul Soomaali ah oo ku suga Addis Ababa.

Marti qaadka odeyaashu wali si rasmiya ugama soo biixin Addis Ababa sida masuulkaasi sheegay, hase yeeshee waxaa Dhawr jeer hakiyay kulanka raisal wasaaruha ay ugu tagayaan Cabdi Iley oo taageero ka helaya general Abraham Wolde

Warar dheeraad ah oo Bahda Faallo loo xaqiijiyay si rasmi ah ayaa sheegaya in dadka xabsiga la dhigay kuwoodii ugu dambeeyay uu ku jiro odey dhaqameed Xasan Gooraan oo kamida duqayda madaxa banaan ee beelaha Jidwaaq oo haatan ku sugan xabsi Jigjiga.

10 Responses to Odayada Jidwaaq oo Addis u Socdaalay iyo Kuwo Lagu Xidhay Jigjiga

  1. wararkala adhaxmaraya maryaa minneopolis ayaa waxay sheegayaan in cbdilaahi ethopia
    waa madaxweynaha kuxigeenka uu xidhay odayda jidwaaq si uu tageero uga helojidwaaq
    uga dhaadhiciyo inuu ilay xidhay axanu islamarkiiba tageero xaad dhaafa ka helay qurbo
    joogta beeshiisa gaar ahaan london uk iyo minneopolis warkaasina waxa xaqiijiyey qaraabo ka agdhoow cabdillahi ethiopia

    RUUNsheeg
    May 22, 2013 at 10:30 pm
    Reply

  2. It’s about time that Jidwaaq people get together and start showing their balls… I believe it’s good that the elderly are sent to Jail, because this will wake us up. Let’s stand for our writes and go against Iley and his dog Abdilahi Ethiopia who has no power what so ever.. only good for arresting his own people. WHAT A SHAME.
    I heard, Abdillahi Ethiopia wipes Iley’s sweat!!! that low.

    Regards
    Mohamed

    Guure
    May 22, 2013 at 10:06 am
    Reply

  3. A/c guud ahaan dad wayanaha D.D.S iyo umada somaliyeedba waan salaamay salaan kadib
    Waxaan halkan ka uga soo jeedinayaa Illay iyo maamulkiisa inay ka daayaan dhibka ay ku hayaan dadka reer jigjiga ,gaar ahaan jidwaaq oo uu ku fadhiyo gogoshooda ,walibana aad loogu ixtiraamo hadii uu ka dayn wayo dadkan dhibka uu ku hayo ,waanu ogayn halii uu ka tuuray Yuusuf sh. Abdi allaya raxma ,waxaanu ognahay inuu cidkale oo aan u dhalan u dhiibay maamulka m/jigjiga hadan waxa uu maryaa hada inuu odayaashiii dhaqanka ula dhaqmo sida dad laajia oo aan ahayn muwaadiniin ,waxaan u soo jeedinayaa farabadane ,sulub m,maxamed ,Sh.ahmed inay ka dhiidhiyaan oo anay ku daba tukan hankoolkan uu meesha dhigtay illay

    mohamed Abiib
    May 21, 2013 at 7:00 am
    Reply

  4. asx faallo

    maxamad
    May 18, 2013 at 5:22 pm
    Reply

  5. Asc salaan kabacdi aad iyo aad baan idiin salamayaa dhamaantiin gaarahaan shaqaalaha faallo.com waxaan idinlenayahay hambalyo habbalyo faallo.com runtii waxaad bulshada uhaysaan wax fican ee walaalayaal halkaas uun kasiwada in sha allah takale odayaashan jidwaaq ee laxidhay waa arinfiican aad iyo aad baan u sodhawanayaa hadaan ahay xoreye waayo qulshadii jidwaaq hada jigjiga waxay kutahay marti waa in martida lagabaxaa ama meesha logatago iley iyo intuu walo ############################################################################################################################################################## dhulkiisii baalaga qaatay war raga dalkii jogow war hurdada kakaca oo isxoreya walalayaal oo aan gacmaha isqabsano in sha allah byyyyyy asc xoreye

    xoreye
    May 18, 2013 at 9:23 am
    Reply

  6. cabdi iley waa heeryadiisa cune jidwaaq iyo ogaadeena ma kala jecla in odayaasha absame si guud iyo si gaar ahba ay xikmad ay kula dagaalamayaan dadkoodana ku badbaadinayaan keenaana waa wax laga sugayo ilaahayna haka qabto cabdi iley umada masaakiinta ah

    mohamed
    May 18, 2013 at 6:55 am
    Reply

  7. JXMJ jahbada xoraynata mamulka jigjiga

    RUUNsheeg
    May 17, 2013 at 11:25 pm
    Reply

  8. war hada soo\dhacay waxalasheegayaa sheegayaa in 5/18/20013 beeha jidwaaq oo
    Tageero ka radinaysaa beelaha galbeedka dega in ay wadaan jabhad la magacbaxday
    jabhada dibu xoraynta mamuulka jigjiga ee fadhiidka lagaga dhawaaqo MInneopolis sabtida sharkaasi oo ilaa iyo\hada socda oo iyada oo ay beesha jidwaaq rabto in hogaanka sare iyadu iskukoobto\ halka beelaha galbeedkuna ay ka biyo
    diideen oo ugu yaraan ku hogaan ku xigeedyo

    Jabhada xoraynta maamulka jigjiga JXMJ

    RUUNsheeg
    May 17, 2013 at 11:22 pm
    Reply

  9. Enough is enough!!! Ogaden wax badan baa loo dulqaatay!!

    Wayrax
    May 17, 2013 at 4:50 pm
    Reply

  10. sixitaan faallo odayga aad meesha soo galiseen sawirkiisu waa garaadkii gariga.
    intaas kadib faallo waa war wanaagsan in odayaal isku duuban oo iskadhiciya inii
    lay lahelaayi waxay ahayd arin lasugaayay.waxaana hada hubaal ah bidnilaah in
    laqaabili islamarkaana lasoo afjari cabudhint cabdi ubo.

    ganale xirsig
    May 16, 2013 at 7:31 pm
    Reply

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Current month ye@r day *