Cabdi Bade oo Laga Dhigay Guddoomiyaha Maxaabiista (Jeel Ogaadeen )

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 12-06-2013

cabdi_badeCabdi bade oo laga dhigay guddoomiyaha maxaabiista (jeel ogaadeen ) iyo cabsi la soo deristay maxaabiista

Ilo xogogaal ah ayaa waxay sheegayaan in madaxwaynaha DDS  Cabdi Maxamuud (Cabdi Iley) dhawaan markuu maxaabiista qaar sii daayey uu ammaanay Cabdi Bade oo ah hadda maxbuus, horayna loogu xasuusto gumaad ba’ an ay uga wada gaysteen isaga iyo madaxwaynuha Cabdi Iley Jeel Ogaadeen, dad fara bandanna ay ku laayeen oo hadda ku aasan jeelka gudahiisa iyo maxaabiis badan oo ku curyaantay oo illaa hadda lagu qarinayo jeelka dhexdiisa, lagana qarinayo eheladooda.

Ammaantaasi waxay dhashay in Cabdi Bade laga dhigo guddoomiyaha jeelka ee maxaabiista khasab wax kaga sheegsiiya inta la ciqaabo. Taasi waxay beeninaysaa niyad wanaag uu madaxwaynuhu dadka u sheegayay inkastoo uu ka mid ahaa hadallada beenta ah ee qurba joogta loo sheego si loogu ekaysiiyo in dadku nabad haystaan. Xaqiiqada jirta ayaa ah in dadki waddanka ku noolaa laga dhigay wax la laayay, wax qaxay iyo wax la bahdilay iyo wax jeelka ku jira. Waxaa kale oo la yaab noqotay barasho la’aanta iyo wax ku-qaadasho yarida Cabdi Bade ee waayaha soo maray noloshiisa. Isagoo wuxuu dadka gumaadaba, loogu abaal guday in jeel loo taxaabo, meeshii uu ka towbad keeni lahaana, uu wali ku socdo ficilladii uu eersaday ee hore, kaaga darane waliba jeelka dhexdiisa.

Falanqayntu waxay u taallaa akhristayaasha Faallo.com

Bahda Faallo.

9 Responses to Cabdi Bade oo Laga Dhigay Guddoomiyaha Maxaabiista (Jeel Ogaadeen )

  1. Cabdi badee wa axmaq hadi ay magacabiidan dhaab tahay waa nasib daro ku habsaatay shacabkena sharafta leh , The crime he has committed against our people , when thought to school children’s in the future they will shake theirs heads and ask why didn’t we do something about it?. I have seen first hand the wanton sadistic crime he perpetrated in Jeel Ogaden . I know that one day he will pay for the heinous crime he committed whether is in this world or the hereafter . If this news is true I cry for the ones who will be hopeless against this psycho unleashed on them .

    khalif
    January 10, 2016 at 1:25 am

  2. War Ninkaasi D.D.S.I ayaa uxidhan yahay Ee Ubooy Arinkale maladihiin.

    Buste
    December 15, 2015 at 10:48 pm

  3. subxaaanallaah,subxaanallaah,subxaanallaah.umadaasi ayaan daranaa
    umada cabdibade hadana ilaahay kusooceliyay war malaha.way u dhamaatay

    abdi ahmed
    June 15, 2013 at 9:10 am

  4. faallo,c/bade mataagna meel uu sinaba ug baxsan karo ku eedaynta falalkii xumaa
    ee uu gaystay.waxaan xasuustaa c/bade oo inta uu soo sakhraamo habeenkii yimaada
    jeelka dabadeedna maxaabiista qaarkood lasoo baxa oo banaanka inta uu jiifiyo ku
    tunta ilaa uu kagasiiyo onlf waan ahaa.waxaa kale oo intaas u dheeraa in uu isagu baadhitaanka dabiyada samayn jiray jaahilnimo heerka uu kagaaday taas oo aan ahayn shaqadiisa waxayna arintaasi keenta in xabsiga j/ogaadeen wakhtigii uu
    maamuli jiray lagu hayo 300 oo qof oo aan lahay g/dacwadeed waayo isagaa soo qaqabta isagaana xabsiga ku dhax baadi jiray x/cadaaladana habayaraatee ma xushmayn jirin.waa nin arxan-laawe ah.eebeow ugargaar umadaas.

    ganale
    June 14, 2013 at 5:19 pm

  5. cabdi bade saan ku hayno.xogo badan waxaa shaqada looga qaaday eedaymo kayimid dhinaca dagmada lagasoodportay xog ogaalbanan u ahayn sababta looga qaaday xilka markii maba jirin xadaymo dhaba oo lahayo oosheegaya inuu xasuuq gaystay isagu shaqsiyan laakiin zabsiga ayaaba iska xasuuqa sidiisaba oo iska dhib badan taasna isagu dhaliil kumalahayn runtii ee wax ilaahada jira waayo daryeelka ayaa iska yar miisaaniyada looqabtayna way iska yartahay cuno yaran baa kajirta so taasi waxaa dhaliishaa leh xukuumada oo ah inay xabsiyada waxkaqabtaan takale xafiiskauu ninlani madaxda ka ahaa wuxuu ahaa xafiiska asluubta markale bafda faallo ilaaliya fadlan anshaxa xafiiskasi ma hoostagan hal xabsi kaliya dib isugulaabta ayaan odhanlahaa. tnks

    huss
    June 13, 2013 at 7:01 pm

  6. Waad mahadsantihiin bahda faallo oo had iyo jeer u tafoxaydan ifinta xaqiiqada deegaanka. waxaan rabaa inaan waxyar ka iftiimiyo cawaaqib xumada ay kuyeelan karto madaxwaynaha deegaanka cabdi maxamuud cumar ( cabdi ilay) magacaabida dhiigyacabkaas (cabdi bade) hadii ay run noqoto. waxaan filayaa dhamaan dadka kasoojeeda deegaanka somalida gaar ahaan inta wax kalasocota xaaladiisa inay ka dharagsantahay falalkii fooshaxumaa ee uu cabdi bade kulakicijiray maxaabiista ku xidhnaa xabsigii uu isagu maamulaayay.

    Cabdi bade waa nin dhalinyaro ah balse aad u dhaqan iyo damiir xun isla markaana aad u naxariisdaran. cabdi bade dadkii jeelkii uu maamulaayay ( jeel ogaaden) kuxidhnaa wuxu kadhigay wuxuu dilo, wuxuu si naxariisdaro ah u jidhdilo,iyo qaar uu saxariir iyo gaajo kudilay. waxay dad badani iswaydiin jireen arxandarada shaqsigan iyo sida uu dadka u laayo waxaanse la iswaydiin waa ayo sawirka uu matalaayo ama shaadhka uu xidhanyahay shaqsigan daciifka ahi? maleeyahayse awood intaas leeg oo uu wuxuudoono kusamaynkaro?

    sidalawada ogsoonyahay waxaa magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka kuyaal xabsiyo badan oo tobaneeyo ah Jeel ogaadeena waa mid kamida xabsiyadan, cabdi badana wuxuu kamidyahay shaqsiyaadkii haystay xabsigan balse maxaa kaduwayn xabsiyada kale yaase awooda buuxda usiiyay inuu falalka noocan oo kale ah kukaco. waa takoobaade jeelkan ayaa ah mid loosamaystay bahdilka bulshawaynta ogaadeen sida magaciisa kucadayd, cidii larabo intalaabo lagaqaato amaba lakhaarajiyana iyadoo loosoomaraayo nidaamka eedaynta ee ahaa kulifaaqida taageerada ONLF ayaa lagaynjiray xabsigaas iyadoo intabadan xabsiyada kale lagasoowareejiyo cida loobaahanyahay.

    Hadaan u soonoqdo su’aasha ahayd cabdi bade yaasiiyay awooda intaas leeg, waxaan filayaa inaysan jawaab u baahnayn waayo wadanka 2 shaqsi ayaa sida ay doonaan u rogroganaayay waxya doonaan kasamaynaayay waxayna kala ahaayeen daa’uud Axmaar iyo Cabdi ilay oo markaas hogaan ahaa, wakhtigaasna kalagaabiyay umadii. Cabdi ilay oo isagaba laga dharagsanyahay falalkii foosha xumaa ee uu gacmihiisa kusamaynaayay sida dilkii, jidhdilkii iyo waliba gabdhihii uu oo caagadaha basbaaska ah makaanka kaga afuufay ee isku qudhmay ee maalmo kadibna u dhintay. waxaad ogsoonaataan inuusan cabdi bade dilin hal shaqsi oo uusan ansixinin Cabdi Ilay waa xaqiiq dhab ah awoodna inuu kaligii fuliyo umalahayn waa cidii rabta xaqiiqda dhabta ah.

    Waxaa kale oo mudan in laxasuusto in sababtii xilka looga qaaday cabdi bade iyo xadhigiisaba uu ahaa mid uu cabdi ilay ugaga maydhanaayay dambiyadii uu isagu galay iyo isagoo kabaqay in wax fashilmaan. waxaa kale oo xasuusin mudan in saraakiil sarsare oo ciidamada liyuuga booliska kamid ahaa oo uu kamid ahaa WAYDHALAALI uu madaxwaynuhu u adeegsanjiray faldambiyeedyada noocan ah isla markaana markii uu fashlmay dhamaan xidh xidhay xubnahaas isagoo ku eedeeyay tacadiyo noocaas ah iyo inay qorshaynayeen afgambi. waxaase layaab noqotay mudo dhawr bilood lagajoogo mar ay xaalada madaxwaynuhu khalkhalgashay lanadamcay xilka laga qaado uu isna ooda kaqaaday saraakiishaas isagoo waliba gudoomiyayaal iyo meelo kale umagacaabay isagoo kacabsiqabay in hadii xilkalaga qaado inay suurogaltahay inay fashiliyaan sirtii kuduugnayd balse uu uga dhigay arinkan af-waxcunay xidhood isagoo aaminsanaa hadii uu meelo u magacaabo inaysan fashilindoonin lacala hadii xilka laga qaado.

    Waxaan wax lalayaabo ahayn in markale cabdi bade loomagacaabo xabsigaas waayo isagu wuxuu ahaa la adeegsade kaliya balse seefta waxjaraysay wuxuu ahaa cabdi ilay. danbigii uu hore ugalay cabdi badena waa mid aan isaga ku koobnayne waa mid uu lawadaagaayay cabdi ilay, isagaana kadambi badnaa sida aan aaminsanahay

    xogogaal
    June 13, 2013 at 12:07 pm

  7. Taariikhdu waxay ina bartay in ummad walba masiirkeeda iyo aayaheeda iyadu gacant ku qabsan karto. Haddii ummaddaas degaankaasu dulinimadaas iyo xasuuqaas joogtada ah aaney iyadu iska xoreyn, dee weligeedba sidaas ayey ku jiri, haddii maskaxdooda, muruqooda, maalkooda iyo diintoodaba intay adeegsadan oo mideeyaan reeryadaas dulinimada iska tuuraanna waa mid ay awood u leeyihiin. Marka labadaas ha kala doortaan !!

    faraax cabdi
    June 13, 2013 at 10:37 am

  8. Only in the Somali-Ethiopian State (Kilil 5) can a convict who was just out of the prison can be appointed as the Prison Warden/Commissioner. What a joke? I’m so disgusted with this type of governing-style where street thugs, criminals, murderers (… I have to stop here) can be trusted to the public service.

    Civil Servant job is an honor for those who are in good standing in the society (clean record) with an outstanding integrity to be appointed to serve their people with dignity. I suppose serving people has different meaning to different authority so it may mean… brutalizing their own people—so scariest would have the honor to be appointed as UN-civil servant position. This is why I’m not going to be one of those fool diaspora who’re too naive to believe that things are better.

    Better Days Ahead!

    Anonymous
    June 13, 2013 at 1:47 am

  9. faallo.waa wax lala yaabo laakiin ninba waxa uu yaqaano lamakaro.c/badena lamaxidin uune waa lacadaabay waana wixii uu umada ka mudnaa.hada miyaa waa
    waali in masuul looga digo maxaabiista iyada oo aan dambiyadii hore ee uu gaystay maxkamad lagu soo taagin.

    ganale
    June 12, 2013 at 8:33 pm