Anshax Xumo Baahsan oo Ka Socota Jaamacadda Jigjiga

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 05-11-2013

Anshax Xumo Baahsan oo Ka Socota Jaamacadda Jigjiga

Jaamacada Jigjiga ayaa ah jaamacada kaliya ee ka jirta deegaankeena ee tooska looga maamulo heer federal isla markaana ay ku xeraysan yihiin arday ka badan 15kun oo iskugu jirta qawmiyadaha deegaanada itoobiya oo dhan.

JJU_jigjiga_university_anshax_xumo

Jaamacadan ayaa ka mid ah jaamacadihiin cusbaa ee halmar laga aasaasay deegaano badan oo itoobiya ka mid ah halkasoo uu deegaankeenu xabadan nasiibka u helay isla markaana ku dhaqaaqday si xawli ah kadib markii la furay sanadii 2006.

Jaamacadan ayaa intii la aasaasay lagasoo sheegayaa anshax xumo ay kusoo biirisay deegaankeena gaar ahaan ardayda lagusoo qoro tasoo casimada kusoo kordhisay anshax xumo ka baxsan diinta islaamka iyo dhaqankla suuban ee somalidu leedahay.

Hadii aad jaamacada habeenkii ama fiidkii booqato waxaad arkaysaa wiilal iyo gabdho u badan qawmiyadaha kale oo isla taagan gidaarada iyo xaafadaha caasimada jigjiga kuwaasoo samaynaya waxyaabo ka baxsan anshaxa iyo dhaqankeena

Waxaa sidoo kale jaamacadan u ugaadhsi taga rag lagusheegay inay ka mid yihiin masuuliyiinta ka shaqeeyan xafiisyada dawlada kuwasoo gabdhaha ku qaata gawaadhi isla markaana la taga guryo lagu qayilo  oo lagu baashaalo halkaana lacago lagag furto masuuliyiintaasi.

Waxaa kale oo ay ardayda jaamacadan lagusoo qoraa ay soo kordhiyeen iyaga oo labiska ay xidhaani uu khilaafsanyahay kan dhaqanka somalida taasoo aad arkayso gabdho axmaaro ah oo xidhan goonooyin iyo saraawill ku dhagan isla markaana cawradoodu banaanka taalo taasoo ay dumarkeena asturi aad ula yabaan isla markaana caruuraha somalidu ay marmar dhagax ku tuuraan iyagoo caayaya.

Dhaqanada lala yaabo ee ay jaamacadu soo kordhisay waxaa ka mid ah iyadoo ay ardayda somalida  ee jaamacada ku jiraa ay barteen dhaqankii ay inoo keeneen ardayda axmaaradu kuwaasoo aad arkayso arday Somali ah oo saaxiib la ah ardayad axmaaro ah oo kolba dhinac u wata. sidoo kale ardayda gabdhaha somalida ayaa la mid ah oo axmaaradu roorsato balse xaaladahan ayaa naadir ah ama ku yar jamacada.

Hadaba maxaad kula talin lahayd jaamacaddan iyo masuuliyiihnta deeganaks si wax looga qabto arimahan iyo dhaqamadan foosha xun ee kusoo kordhay caasimadda?

Bahda Faallo.com

3 Responses to Anshax Xumo Baahsan oo Ka Socota Jaamacadda Jigjiga

  1. Asc waxan kamid ahay ardada dhigata jigjiga university runtii waa wax jira waxaase aad looga naxaa mararka qaarkood dad laleeyahay way gaaloobeen oo soomali ah wana wax laga naxo

    Cabdulahi
    February 14, 2016 at 10:51 am

  2. Haddii Jaamacada uu leeyahay deegaanku sida marwalba laga sheego idaacadaha maxay u gali waayeen inta badan ardayda kazoo baxda deegaanka, gobolkasta wuxuu leeyahay jaamacado ku yaalla gudihiisa, markaa muhiim maaha in dad aan u dhalan meeshatan la keeno ee waxay ahayd in meelhooda lagu qoro, haddii kale waxaa u macnaysanaynaa inuu gumaysi si kale loo dhigay meesha jiro

    Tolmooge
    November 10, 2013 at 3:28 pm

  3. Walee waa yaab ninba maalin umbuu baraarugaa biyahana waxaa la iska moosaa intaysa ku soo gaadhin waxa aad hada sheegtayna waa tan ugu yar dhibaatada gumay siga

    Sayid
    November 6, 2013 at 10:03 am