Fadlan Ku Darso Saxeex Petition Loo Dirayo Barrack Obama oo Ku Saabsan Nabad Ogaden/DDS.

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 09-07-2017

Please Read in English and Sign HERE:

ethiopia_itoobiya_map_ogadenWalaalaha Soomaaliyeed waxaa laga codsanayaa inay ka qayb qaataan saxeex ururin ku aaddan petition ama codsi loo dirayo madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo booqasho ku imaanaya dalka Itoobiya dabayaaqada bishan Luuliyo.

Waxaan madaxweynaha ka codsanaynaa inuu wadahadalka Itooobiya iyo ONLF culays ku saaro laba dhinacba inay nabad qaataan oo wax shacabka dan u ah ku heshiiyaan.

Walaalayaal waxaad ogtihiin in adduunka la isku dhaafay waxa loo yaqaan “lobby” oo qofkaan isagu is muujin cidina uma dooddo. Waad aragteen in maanta lasoo daayay wariyeyaal ku xidhnaa Addis Ababa oo horay loogu eedeeyay inay argagixiso yihiin. Waxaa u hadlay dadkooda. Walaalayaal ha la bakhaylina saxeexiina aad ku taageeraysaan codsigan/petition-kan.

Waari mayside war ha kaa hadho walaal. Oo ogow arrinkani ma aha mid qolo gaar ah dan u ah. Kulligeen Soomaalida ku nood Deegaanka oo dhan ayuu dan u yahay.

Codsiga waxaad ka helaysaan halkan hoose:

https://www.change.org/p/barack-obama-press-ethiopia-and-onlf-to-reach-a-sustainable-peace-deal-on-ogaden-conflict-4612050b-8d9d-4eaf-aef9-1d60a98b6978

 

Bahda Faallo.com.

2 Responses to Fadlan Ku Darso Saxeex Petition Loo Dirayo Barrack Obama oo Ku Saabsan Nabad Ogaden/DDS.

  1. Waxan kuborinaya bulshawayinta somalida ogadeiya yanladalin

    Asad
    January 16, 2016 at 8:57 pm

  2. Wa asad waxan tager sanahayi ogadeniya fir w fiir kumajir toogorgortan

    Asad
    January 16, 2016 at 8:53 pm