SAWIRO: Fursadaha Kililku Dayacay: Dhaqaalahii Naloogu Tala Galay oo Dad Kale Ka Faa’iidaysteen

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga): 02-12-2015

Waxaa Deegaanka Soomaalida lagu tiriyaa inuu yahay meelaha ugu muhiimsan dhanka Istiraatiijiyadda ee dhulka xukuumadda Itoobiya gacanteeda ku jira. Waa mare waxaa ka buuxa khayraad uu ka mid yahay Gaaska dabiiciga ah, iyo kuwo kale oo badan oo aan badankiis wali la sahmin si dhammaystiran; waa marka kalee waxaa Deegaanka lagu tilmaamaa inuu xuddun iyo asal u yahay dagganaanshaha Geeska Afrika, iyadoo la ogyahay in Halyeeyo badan oo gumaystaha cad iyo kan madowba isugu jira la dagaallamay ay ka soo jeedaan Deegaanka. Waxaa tusaale kuugu filan Axmad Guray iyo Sayyid Maxammad Cabdille Xassan. Sidoo kale waxaa ka dhashay Deegaankan rag badan oo xornimada Soomaaliya qaybta 1960 calanka qaadatay ka dambeeyay. Sidaas darteed kolba ciddii Deegaankan gacanta ku haysa waxay ka turjumaysaa awoodda Geeska Afrika ay ku leedahay!!! Waxaa intaas dheer in Dhulkan Soomaaliyeed uu xuduud la leeyahay Dalal ay ka mid tahay Kenya, Somaliya, Djibouti oo intaba ay Soomaali ku noolyihiin. Guud ahaan Geeska Afrika oo dhan ayaa istaraatiiji ah, waxaana taas caddayn u ah sida ay Maraykanku saldhigga kaliya ee ay Afrika ku leeyihiin uga samaysteen Djibouti, iyadoo dhawaantanna ay China heshiis la saxeexatay isla Djibouti si ay saldhig ciidan halkaas uga samaysato.

Deegaanka ayaa muhiimadahaas iyo arrino kale oo fara badan waxaa u dheer in uu baaxad ahaan ku fadhiyo dhul aad u ballaadhan oo haddii uu Itoobiya ka go’o, ay iska caddahay in Itoobiya dambe aysan jirayn!

Haddaba waxaa sannadihii u dambeeyay ay Itoobiya iyadoo kaashanaysa gacanyarayaasheeda Jigjiga fadhiya u suurto gashay inay inagu suuq tagto, iyadoo qaadday olole ballaadhan oo caalamka ay dhaqaale kaga raadsanayso, ololahaas oo dhan walba ay isku dayday inay Deegaanka Soomaalida ka dhigato wax ay ku shir tagto. Tusaale ahaan, markii laga hadlo arrimaha argagixisada ood dareemi kartaan culayska ay maalmahan leedahay, Itoobiya waxay ku shir tagtaa in iyadu illaa waligeedba ay argagixiso dagaal kula soo jirtay, haddana ay Deegaanka Soomaalida, iyo Somalia gudaheedaba kula dagaallanto; dhanka kale, waxay samaysay xeryo qaxooti oo fara badan oo ku yaalla meelo ka mid ah Deegaanka Soomaalida: waxaan soo xaqiijinnay dadka ugu badan ee xeryahaas ku xaraysan waa xoola dhaqato Deegaanka u dhalatay oo abaaro iyo colaadaha ka jira Deegaanka ka barakacay (yacni ay xukuumadda Itoobiya barakicisay)! walow dadka qaar ay rajo ay ka qabaan in dalalka gharbiga loo qaado awgeed ay isu diwaan galiyeen inay yihiin qaxooti. Arrimaha qaxootiga lacag aad u badan ayay Itoobiya kaga heshaa deeq bixiyayaasha iyo gaar ahaan hay’adda UNHCR.

Waxyaabaha caddaynaya in Deegaanka Soomaalida uu noqday meel lagu suuq tago waxaa ka mid ah sida bilihii lasoo dhaafay ay Itoobiya u billowday inay reer-galbeedka qaar ka mid ah madaxdooda ku casuunto inay soo booqdaan Deegaanka Soomaalida, iyadoo sida sawirrada hoos ka muuqda aad ka aragtaan ay saddexdii bilood ee la soo dhaafay gudahooda ay yimaaddeen ugu yaraan madax ka socota illaa saddex dal oo kala ah Switzerland, Belgium iyo Norway.

norwegian_ambassador_ethiopia_jigjigaHaddaba qormadeenna maanta waxaan ciwaanka aad aragtaan u soo qaaddanay oo nagu kallifay waxaa 7-aadkan  tagay meelo ka mid ah Deegaanka Safiirka u fadhiya Norway Addis Ababa; safarkan ayaa wuxuu ku soo beegmay waqti xasaasi ah laba sababood awgood: waa marka koobaade waa waqti Deegaanka meelo ka mid ah ay abaaro ba’an oo la qiray inay yihiin kuwii ugu darnaa muddo 30 sano ah ku dhufteen; waa marka labaade wuxuu socdaalkani ku soo beegmay iyadoo shirka cimilada COP21 uu ka furmay Paris, shirkaas oo lacago fara badan loogu yaboohay meelaha ay is-baddalka cimiladu saamaysay sida Deegaankeenna. Haddaba Norway waxay ka mid tahay dalalka ku yaboohay in ay dalalka soo koraya ka caawiyaan soo kabashada iyo la tacaalidda masiibooyinka lala xidhiidhiyo cimilada. Ma jirto caawimada Norway siiso Itoobiya iyo tay ballan qaadday intaba cid naga mudan; waxaana intaas inoo dheer inaan safiirkii dhammaa uu Deegaankeenna ku suganyahay. Haddaba maxaa dhacay?

Waxaa dhacay in halkii ay fursaddaas dahabiga ah ka faa’iidaysan lahaayeen ay sidii lagu yaqiin “madaxdeenna” ay waxa ugu wayn ee ay isku mashquulliyaan uu noqday siday safiirka sawirro ay borobogaandho u adeegsadaan ula gali lahaayeen. Taasi waxay keentay in safiirkii markuu wax si caqli ah ula xaajooda waayay uu maaliyaddii uu ugu tala galay Deegaanka Soomaalida u weeciyo dhankaa iyo gobollo kale oo kala ah Tigree iyo Koonfurta. Lacagta ay Soomaalidu ka faa’iidaysan kari waayeen ee la weeciyay waxaa ka mid ah 22 malyan oo Krone-ka Norwegian ka ah oo loo kala qaybiyay xarumo ku kala yaalla Tigree iyo Koonfurta. Waxaa xusid mudan in labadan Deegaan midna aysan saamaynta cimiladu dhibaato ka gaysan sannadkan!

Waxaa intaa dheer in halka lacagta gobolladan la siiyay la mariyay xafiisyo xukuumadda hoos taga, in safiirku go’aansaday in Deegaanka Soomaalida la siiyo waxoogaa “symbolic” ah oon macno saas ah lahayn laguna magacaabay waxa loo yaqaan “WASH” oo runtii ah wax aan shacabka waxba usoo kordhin lagu kharash gareeyo, iyadoo waliba lacagtana aan la marinayn Deegaanka ee la marin doono hay’ado caalami ah maaddaama la quursaday maamulkii Soomaalida oo iyagu ku qanacsan sawirrada ay la galeen safiirka, sida ay hadda ka horba ula galeen kuwii isaga ka horreeyay!

norwegian_ambassador_ethiopia_jigjiga2

Sidoo kale halkan ka eeg sawiradii madaxdii hore lala galay ee dacayadda loo adeegsaday!

mathilde_boqoradda_belgium_ddsswitzerland_ogaden2_iley_simonneta