DAAWO: Sawiro ka muhiimsan erayo! Mee Horumarkii Lagu Wardinayay???

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 02-12-2015

Intiinnii la socotay waxaan horay usoo bandhignay qoraallo aan ku iftiiminayno ujeeddooyinka socdaallada “madaxda” Deegaanka Soomaalida ay ku maraan meelo ka mid ah Deegaanka, waxaana ugu dambeeyay qoraalkan aan ku dul joogsannay socdaalka uu Cabdi Iley iyo xubnaha tageerayaashiisa ay ku marayaan meelo ka mid ah gobollada Qoraxay iyo Doollo. Halkan ka eeg qoraal ka mid ah kuwii hore.

Haddaba taageerayaasha Cabdi Iley ayaa waxaa meelaha ay tageen ka mid ah tuulada Caleen, oo dhacda meel ku beegan Shilaabo iyo Wardheer dhexdooda. Tuulada Caleen waa tuullo qaddiimi ah waxayna ku taallaa dhul istaraatiiji ah oo la tuhunsanyahay inuu shidaal badan ceegaago, waxaana hadda ka hor sahmin kooban ka sameeyay gumaystihii Talyaaniga. Waxaa xusid mudan inay u dhowdahay Jeexdin oo ah halka indha-yarta calooshood-u-shaqaystayaasha ah ku howlan yihiin sidii ay Gaaska ah hantida Soomaalida ay ugu soo saari lahaayeen xukuumadda Itoobiya.

Haddaba sida ka muuqata sawirrada hoose, tuuladan ayaa iska dhaaf horumare waxaa iska cad inay dibumar (dibugurasho) samaysay, markay ugu wanaagsanaatana ay taagantahay halkii ay taagnayd kolkii Dhargigii dalka haystay! Tusaale ahaan waxaan caddayn karnaa in makhaayadda meesha ka muuqata ee “madaxdu”¬†fadhido ay dhisme ahaan sidaas ahayd 1991/1992. Waxaa makhaayaddan loo soo qaadan karaa astaan ka turjumaysa horumarka tuulada 25 sano kaddib markii laga adkaaday Axmaaradii Dhargiga ahayd. Haddii goobtii xuddunta u ahayd tuulada uu isbaddalkeedu sidaas yahay, maxaad u malayn meelaha kale ee tuulada gudaheeda ah ama ku hareeraysan? Jawaabta aqristayaasha ayaan u daynaynaa. In badan ayaan isku daynay inaan bulshada uga digno in lagu hodo sawiro laga soo qaaday jid laami ah oo laga dhisay magaalada Jigjiga (kaasoo fulintiisa ay leeyihiin cid aan ahayn cidda sheegata!) iyo guryo dad shacab ah ka dhisteen magaalada in kaamarado lagu soo celceliyay lagu qabto! Xataa haddii aan aqbalno in Jigjiga horumar laga sameeyay, sow gar ma aha in Deegaanku ka weynyahay Jigjiga, dadkiisuna min Mooyaale illaa Feerfeer Illaa Caleen iyo meelaga la mid ka ah xaq uma laha in laga hirgaliyo “horumarka” laga baahiyo “ESTV”.

Kasokow in Caleen halkeedii taagantahay, waxaad sawirada ka dheehan kartaan nolol-maalmeedka bulshada, sida waxa loogu yeedho “Liyuu Boolis” ay shacabka u argagax galiyaan (si fiican u dhuux sawirrada, ciddii fahmi karaysa unbaa arkaysa waxa aan ka hadlayno).

caleen_wardheer_ddscaleen_wardheer_dds3
caleen_wardheer_dds1