DAAWO: Qaraxii Masjid Anwar iyo Xukuumadda Itoobiya oo Lagu Eedeey

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan |

Faallo.com (Jigjiga) 12-12-2015

eth_muslims_beatenMasjidka lagu magacaabo Anwar Masjid ee ku yaalla Magaalada Addis Ababa, gaar ahaan Xaafadda ganacsiga ku caanka ah ee Merkaato, laguna tilmaamo inuu yahay masjidka ugu wayn Itoobiya ayaa maalintii shalay ahayd ee Jimcaha waxaa ka dhacay arrin argagax (terror) galisay Muslimiin halkaas u tagay inay kusoo tukadaan salaadda Jimcaha. Waxaa Masjidka oo kumannaan Muslimiin ah soo xaadireen lagu weeraray bambooyin, kuwaan oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 24 qof oo dhammaantood ah dadkii halkaas ku cibaadaysanayay. Wararku waxay intaas ku dareen in dadka dhaawacmay afar ka mid ah uu liito xaalkoodu.

Haddaba warar kala duwan ayaa ka soo baxay arrinkan, balse dadka aadka u fahamsan xeeladaha ururka kaligii ka taliya Itoobiya ee TPLF/EPRDF ayaa sheegaya inay tuhunsanyihiin in uu ururkani iyo xukuumaddu ka dambeeyaan arrinkan sababo badan oo jira awgood.

Waa marka koobaade weerarkan ayaa loogu dan lahaa in xukuumaddu marmarsiinyo u hesho si ay gudaah ugu gasho masjidka una xidho tiro dhallinyaro ah oo halkaas ku cibaadaysta iyadoo, isla markii weerarku dhacayba ciidan aad loo sii diyaariyay ay u daateen masjidka, halkii aay dadka waraysan lahaayeen ee caawin lahaayeen dadka dhaawacmayna waxay si toos ah u abbaareen dhallinyaradii ay ujeedkoodu ahaa, iyadoo halkaas ka kaxaystay dhallinyaradaas, lamana garanayo wali waxa ay muteen iyo halka ay ku dambaynayaan.

Dhanka kale weeraradan ayaa ku soo beegmay iyadoo “dalka” Itoobiya guud ahaan ay ka socdaan kacdoon ay samaynayaan dhallinyaro u dhashay qowmiyadda Oromada, oo ah kuwa ugu badan tiro ahaan qawmiyadaha ka jira Itoobiya. Waxaa arrinkan weheliya macaluul ba’an oo shacab malaayiin ah ku habsatay, taasoo iyana dhalisay guuxa shacab fara badan oo isa soo taraya. Labadan arrimood ayaa haddii ay faraha ka baxaan waxay halis ku noqonayaan jiritaanka xukunka EPRDF/TPLF, sidii hadda ka horba ku dhacday kuwii iyaga ka horreeyay ee Xayle-salaase iyo Mengistu Xayle Maryam, oo labaduba eeday kacdoonno asalkoodu salka ku hayay abaaro iyo dhallinyaro gadoodsan oo is biirsaday.

Haddaba xukuumadda ayaa farta lagu fiiqay inay si ula kac ah u beegsatay Masjidka iyadoo ujeeddooyin kala duwan ka leh sida inay rabto inay indhaha caalamka kaga jeediso cadaadiska ka haysta bannaan-baxyada Oromada, iyo sidoo kale sida ay ugu fashilantay abaaraha iyo saamayntooda. Sababta ay Masjidka u beegsatay ayaa lagu sheegay inay rabto inay ku xalaalaysato xidhitaanka dhallinyarada Muslimiinta ah iyo kuwa bannaanbaxyada samaynaya ee Oromada ah iyadoo caalamka uga dhigaysa inay argagixiso ka hor tagayso. Arrinkan ayaa gaar ahaan ah arrin maalmahan lagu khaldi karo dalalka caalamka sababo la xidhiidha xaaladda siyaasadeed ee caalamku hadda ku suganyahay.

Ururka Muslimiinta ee “Codkeenna Ha La Maqlo” ama ድምጻችን ይሰማ ayaa ka mid ah kuwa sida dadban farta ugu fiiwqay xukuumadda. War uu ururkani soo saaray ayuu uga digay Muslimiinta inayna ku dhicin waxa ay ugu yeedheen daandaani lagu doonayo in shacabka Muslimiinta ah ay ku kacaan falal minja xaabin kara ujeeddooyinkooda.

Xukuumadda Itoobiya ayaa muddo hadda sannado laga joogo la soo daristay faadeexad ah in la helay caddaymo muujinaya inay iyadu ka dambaysay Bam lagu tuuray Bas ka mida kuwa shacabka oo Addis Ababa ka howl gala.

Halkan kala soco wixii ka soo kordha arrimahan.

Halkan ka daawo qaraxa masjidka:

Bahda Faallo.com