Tigree oo Taladu Ku Caddahay!!!

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan |

Faallo.com (Addis Ababa) 20-12-2015

Itoobiyada casriga ah oo ah dal ka kooban in ka badan 80 qowmiyadood oo badankood xoog lagu qabsaday laguna hoos geeyay maamulkii boqortooyada Xabashida ee Melilikh (Menelik II) ayaa haatan waxaa ka taliya qowmiyadda Tigreega ah taas oo tiradeeda lagu qiyaaso 3.5 malyan una dhiganta 4% (boqolkiiba 4) tirada guud ee dadyawga hoos taga xukunka Itoobiya oo lagu qiyaaso inay gaadhayaan illaa 95 malyan.

Tigreega oo xukunka kala wareegay Axmaaradii iyaga uga horraysay ayaa waxaa xusid mudan in ay tirsanayeen tacaddiyo badan oo ka soo gaadhi jiray maamulkii Axmaarada ee ugu dambeeyay, waa kii Mangistu Xayle Maryane. Haddaba waxaa xusid mudan in 17 sano oo ay la dagaallamayeen Mangistu iyagoo waliba taageerada ugu badan ka heli jiray dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay aakhirkii ku guulaysteen inay xukunkii hantaan 1991.

Tigreega oo rajo laga qabay inay xasillooni iyo wada noolaansho ku dhisan tixgalin iyo dariswanaag u horseedaan dadyowga Geeska Afrika ayaa waxay billaabeen inay quursadaan cid alla ciddii aan iyaga ahayn, iyagoo laba tabcooyin oo is barbar socda adeegsaday kuwaasoo ahaa inay aasaasaan muumullo ku dhisan qaybi oo xukun, iyo iyagoo dhaqaalihii waddanka iyo wax kasta oo awood lagu heli karoba isku koobay. Arrinka hore ee qaybi oo xukuntu waa tan soo gaadhsiisay inay illaa maanta xukumaan Itoobiya, walow aysan sidii hore u awood badnayn.

Baroortu Orgiga Ka Wayn

Kacdoonka hadda socda waxaa lagu micnaynayaa inuu salka ku hayo Master Plan la sheegay inay dawladdu kula wareegayso dhul ka tirsan Oromia region. Xaqiiqduse waxay tahay Oromada oo u aragta in lasoo gaadhay waqtigii ay Tigreega kala wareegi lahaayeen xukunka sababahan soo socda awgood.

Waa marka koobaade tan iyo intii uu geeriyooday kali taliye Meles Zenawi waxaa sii xoogaysannay dhiiranaanshaha iyo firfircoonida xubno ka mid ah Oromada, Axmaarada, iyo Koonfurta (oo uu kasoo jeedo Raysalwasaaraha hadda talada haya) kuwaas oo ka faa’iidaystay kala qaybsanaan ku timid ururka EPRDF-ta talada haysa ugu awoodda badan ee Tigreega, TPLF. Xubnahan kasoo horjeeda awoodda xad-dhaafka ah ee TPLF ayaa sii karaar qaatay kaddib markii ay taageero ka heleen Beesha Caalamka oo ay ugu horrayso Maraykanka oo iyadu u aragtay sida kaliya ee Itoobiya lagu badbaadin karo inay tahay in Qowmiyadaha kale sida Koonfurta, Axmaarada iyo Oromada laga qaybgaliyo awoodda. Waana taas tan aakhirkii keentay inay Tigreegu ka tanaasulaan booskii Meles Zenawi ee ahaa Raysalwasaaraha.

https://youtu.be/ZQ-2NfwdzuI

Arrinka labaad ee Oromada dhiiri galiyay waxaa weeye iyadoo tashuushyo fara badan oo kale ay ku furanyihiin haatan Itoobiya: Waxaa waqooyiga Itoobiya kusoo qulqulaya maalinba maalinta kadambaysa ciidammo ka kala socda jabhado Axmaaro iyo Tigree ah kuwaas oo ku kacsan TPLF iyo xukunkooda Itoobiya. Jabhadahan waxaa ugu muhiimsan jabhadda Ginbot 7, ee uu hoggaamiyo Professor Berhanu Nega oo ah ninkii ku guulaystay Mayor-ka Addis Ababa doorashadii dhiiggu ku daatay ee ka dhacday Itoobiya 2005. Ninkan oo jaamacad Maraykanka ku taalla wax ka dhigi jiray ayaa go’aansaday inuu xidhka galo oo ka dhiidhiyo caddaalad darrada TPLF.

Waxaa kale oo jirta in Itoobiya gaar ahaan Gobollada Soomaalida iyo Cafarta iyo meelo ka tirsan Oromiya ay ku habsadeen abaarihii ugu xumaa muddo ka badan 30 sano. Tirada dadka ay arrinkani saamaysay ayaa ka badan 12 malyan oo qof! Xukuumadda Itoobiya ayaa markii hore isku dayday inay qariso, ama dafirto abaarahan, balse cadceed duhur joogta wax calaacal lagu qariyo way noqon kari wayday! Dad badan oo Oromada ka mid ah ayaa arrinkan ka dhiidhiyay!!

A 90-year old man in Shinile Zone: “In all my life I have never experienced a worse drought”

A 90-year old man in Shinile Zone: “In all my life I have never experienced a worse drought”

Waxaa iyana xusid mudan in laga soo billaabo 2011/2012-kii ay Itoobiya iyo TPLF si badheedh ah u beegsadeen Diinta Islaamka iyagoo fara galin qaawan kula dhaqaaqay xarumaha lagu xibaadaysto iyo goobaha diinta lagu barto. Arrinkan Muslimiin badan ayaa ka muddaaharaaday, waxaana xusid mudan in Muslimiinta ugu badan ee muddaaharaadayay ay ka mid ahaayeen qawmiyadda Oromada!

Sidoo kale, xidhiidhka Carabta iyo Eretrea, iyo EU iyo Eritrea ayaa meeshii ugu fiicnayd maraya marka loo eego sannadihii ugu dambeeyay. Carabta dalal ka mid ah ayaa la safan Masar oo ay Itoobiya isku hayaan biyoxidheenka Nile. Warar ayaa sheegaya in Sudan oo Itoobiya u janjeedhay lagu cadaadiyay inay ku ballan furto TPLF oo Cumar Albashiir ay xidhiidh wanaagsan leeyihiin. Axmaarada ayaa iyagu kasoo horjeestay bishii ina dhaaftay dhul ay TPLF ku wareejisay Sudan si ay ugu laaluushto.

Arrimahan oo is biirsaday iyo musuqmaasuq baahsan oo Tigreegu faraha kula jiraan taasoo keentay in nolosha dadkii caadiga ahaa ay cidhiidhi gasho iyana ay sidii boqorradii u noolaadaan ayaa keentay in hal mar si lama filaan ah u qarxo kacdoon cid walba oo aragtay ka yaabiyay! walow qofkii caqli leh uu saadaalin karay!

Xaalka Tigree marayo waxaad ka dhadhansan Calaacalka Xaaskii Meles, Azeb Mesfin:

Azeb Mesfin oo ah qiyaastayada qofka ugu musuqa badan ee kooxda TPLF ayaa barteeda Facebook waxay soo dhigtay hadal nuxurkiisu ahaa calaacal iyo hanjabaad. Waxay tidhi:

Meles wuxuu dhallinyaronimaddiisii ku waayay halgan uu ku xoraynayay Itoobiya. Meles hadduu noolaan lahaa wuu ka yaxyixi lahaa waxa maanta socda! Abaalkeenu ma sidan ayuu noqday iyo waxaan 17-sano usoo halgamaynay? Waa in qaswadayaasha iyo ciyaalasuuqa rabshadda wada tallaabo adag laga qaadaa!

Azeb Mesfin ayaa intaa waxay ku dartay oo calaacalkeeda ka mid ahaa inay hantideeda iyo maalkeeda u cabsanayso!!!

Hase yeeshee maysan qarsan waxay ay maaggantahay, iyadoo ku hanjabtay in arrinkan ay guul ku dhammayn doonaan!

Azeb_mesfin_facebook_20_12_2015

Arrinkan ayaa ku tusaya sida ay u argagaxeen kooxda TPLF, iyadoo durbaba la sheegayo inay qoysas ka mid ah madaxda ugu sarraysa Tigreegu carruurtooda kala baxeen Addis Ababa; wuxuu kaloo ku tusayaa sida ay u quursanayaan cid kasta oo ka dhiidhida wixii ay iyaguba kasoo dagaallameen, oo ahaa caddaalad darro. Waxaa xusid mudan in muddaaharaadayaashu ilaa hadda ka caageen adeegsiga wax hub ah walow ay awoodaan inay hub isticmaalaan badankood.

Wixii ka soo kordha kala soco Bahda Faallo.com