Bangiga Adduunka oo Lacago Badan Ku Bixinaya Magaalooyin ay Jigjiga ka Mid Tahay

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 26-12-2015

dawladda hoose ee Jigjiga

dawladda hoose ee Jigjiga

Bangiga adduunka ayaa shaaciyay inuu hanti lacageed oo dhan  6 bilyan oo Birr uu ku “bixinayo” barnaamij loogu magacdaray “Safety Net” oo laga hirgalinayo magaalooyin ay ka mid tahay caasimadda Deegaanka Soomalida ee Jigjiga.

Lacagtan oo dayn ah ayuu bangigu ugu yaboohay Itoobiya kaddib markii xukuumadda dhexe ay u gudbisay dukuminti sharxaya baaxadda ay le’egtahay faqriga ka jira magaalooyinka Itoobiya oo ay dawladdu sida ay sheegtay muddoba ku howlanayd sidii ay dukumintigan u diyaarin lahayd.

Dukumintigan ayaa daba socda mid uu bangiga adduunku soo saaray 2008 oo uu ku soo bandhigay saboolnimada ka jirta magaalooyinka Itoobiya maamusho oo ay Jigjigana ka mid tahay. Bangiga adduunka oo si aad ah u taageera xukuumadda Itoobiya (marka la barbar dhigo dalalka ururada kali taliska ah ka arrimiyaan) ayaa Itoobiya ku qalqaalinayay muddoba inay xoogga saarto saboolnimada magaalooyinka.

Hase yeeshee dad maamulka Kililka la shaqeeya waxna kala socda howlaha mashaariicda uu Bangiga Adduunku maalgaliyo ayaa ku eedaynaya in inta badan mashaariicda noocan ah ee Jigjiga laga fuliyo looga faa’iideeyo dad kasoo jeeda qowmiyadaha aan Soomaalida ahayn ee ku dhaqan Deegaanka Soomaalida, iyadoo hadhowna xisaab xidhka lagu xidhayo in lacagtaas caddadkaas leh la siiyay “Soomaali”. Waxaa naadir ah in arrimaha caynkan ah ay maamulka Soomalida ee uu Cabdi Iley madaxda ka yahay ka hadlaan; inkastoo kuwii isaga ka horreeyay laftoodu aysan arrimahan wax saas ah ka qaban, waxaase jirtay xilligaa in shaqsiyaadka arrimahan  u dhuun duleela ayay marar kooban ku dhiiradaan oo kala hadlaan wakiillada Bangiga iyo madaxda xukuumadda dhexe intaba, walow waagaa loogu jawaabi jiray “waxaan caawinaa uun dadka kaalmada naga soo codsada, iyo dad cusub eegga ma qaabili karno sababtoo ah xilligii qabashada arjiyada ayaa dhamaaday!”

Haatan ayaa mashruucan waxaa la qorsheeyay inay ka faa’iidaystaan in ka badan 600,000 oo sabool magaalooyinka ku nool ah, magaalooyinkaas oo kala ah Addis Ababa, Maqale, Gambella, Jigjiga, Adama, Asayta, Diridhaba, Asosa, Dhase, Harar.

Waxaa xusid mudan in shuruudaha laga rabo dadka ka faa’iidaysan kaara mashaariicdan ay ka mid yihiin inay shaqo la’aani hayso, diyaarna u yihiin inay ka qayb qaataan mashaariic shaqo abuur oo ama qofku isagu la imaanayo sida yagleelid ganacsiyada yaryar, ama muruqmaal ka qayb qaata dhismayaal la hirgalinayo. Soomaalida waxaa lagu boorrinayaa inay intii danaynaysa diyaarsadaan qoraallo mashaariic ganacsi yar yar.

Xukuumadda Cabdi Ileyna waxaa lagu boorinayaa inayna siyaasadayn mashaariicdan oo ay xukuumaddu “midgaannimada” iska dayso!!!

Bahda Faallo.com