Xaggay Kala Marayaan Shiinaha iyo Shidaalka Ogaden (Deegaanka Soomaalida)?

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga): 01-01-2016

Shirkadda Shiinaha ee POLY-GCL ee ku howlan shidaalka Jeexdin (Ogaden) ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay maanta wuxuu muujinayaa sida uusan shidaalka Jeexdin kow u joogin!

Abdi Iley oo Jeexdin isku soo Sawiray

Suu isu qodhobiyo day!!! Abdi Iley oo Jeexdin isku soo Sawiray

Shidaalka Ogaden (Deegaanka Soomaalida) ayaad mooddaa inuu Itoobiya ku noqday Mashruucii Faanoole ee Soomaaliya oo kale: mashruuca Faanoole oo ahaa mid xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya aad ugu hanwaynayd ayaa sida taariikhdu xusayso noqday mid aan loo aayin, iyadoo waxa ugu muhiimsan ee mashruucaas laga dhaxlay ay noqotay maahmaahda “Faanoole fari kama qodna”. Marka maahmaahdaas loo turjumo shidaalka Ogaden iyo Itoobiya waxay noqon kartaa “Jeexdin kow ma joogto!”

Shidaalkan oo Itoobiya cududdeedda iyo caqligeedaba igu gaysay sidii ay u soo saari lahayd, ayaa waxaa isu daba maray shirkado shisheeye oo fara badan kuwaas oo kulligood aan wax guul ah ka gaadhin. Shirkadahaas kuwooda ugu muhiimsan waxaa ka mid ahaa shirkadda Malaysia laga leeyahay ee Petronas, taasoo la is lahaa aakhirkii way soo saari doontaa shidaalka Deegaanka Soomaalida. Hase yeeshee shirkadda Petronas ayaa sidii kuwii ka horreeyay ka shiraacatay Ogaden iyadoon guul ka gaadhin ujeeddooyinkii ay Itoobiya kula heshiisay.

Haddaba sannadkii 2015 ee shalay ku ekaa billowgiisii ayay Itoobiya ku wareejisay maamulka dhulka gaaska dabiiciga ah uu ceegaago ee aagga Shilaabo oo ka tirsan gobolka Qoraxay shirkad lagu magacaabo POLY-GCL oo laga leeyahay dalka Shiinaha (China).

Shirkaddan ayaa sidii kuwii ka horeeyay sheegtay markii lagu wareejinayay heshiiska waxsoosaarka shidaalka Ogaden inay sida ugu dhaqsaha badan u soo saari doonto shidaal dibadda loo dhoofiyo. Haddaba ku dhawaad sannad kaddib oo ay shirkaddani ku howlanayd arrimaha shidaalkaas ayay maanta war saxaafadeed soo saartay, kaas ooy ku sheegayso in ay soo gabagabaysay xog ururin ku aadan shidaalka Ogaden, gaar ahaan labo ceel oo ka mid ah.

Jeexdini koow ma joogto!!!

Shirkadda ayaa horay u sheegtay inay gaaska Ogaden soo saari karto 2016, balse war saxaafadeedkii maanta waxaa ku cad inay ugu horrayn shidaal la dhoofin karo soo saarayso 2018! Ma mooddaa in xaalku yahay:

Jeexdini koow ma joogto!!!

Shirkaddani POLY-GCL oo ah shirkad ka dhexaysa shirkadda dowladda Shiinuhu leedahay ee China POLY Group Corporation iyo shiradda gaarka loo leeyahay ee ka diwaangashan Hong Kong ee loo yaqaanno Golden Concord Group ayaa sheegtay inay sahminta iyo soo saarista shidaalkan ku kacayso lacag dhan 4 bilyan oo doollar, iyadoo qorshaynaysa in qiimahan kharashkan uu dabooli doono gaaska la shito ee dabiiciga ah (LNG) ee laga soo saarayo Ogaden, kaas oo ay shirkaddu sheegtay in laga billaabo 2018 la iibgayn doono sannadkiiba 3 malyan oo tan billowga hore, iyadoo kolka dambena la gaadhsiin doono 10 malyan oo tan sannadkiiba xaddiga la iib gayn doono.

ogaden_gas_kalubLama oga inay shirkadda POLY-GCL kaga dhabayn karto hammigeedan, hase yeeshee mid ayaa iska cad: “Jeexdini kow ma joogto”.

Xataa haddii lasoo saaro gaaska Jeexdin ma cadda halka la marin iyo sida loo iibgayn karo toonna, sababtoo ah waxaa wali ka jira Deegaanka jabhad ka soo horjeedda dhoofinta khayraadka shacabka Soomaaliyeed iyadoon shacabka afti laga qaadin, walow jabhaddani aysan awood ciidan oo saas ah haatan ku lahayn Deegaanka, waa jabhad wali siyaasad ahaan dhisan oo miisaankeeda leh. Waxaa intaa dheer in halka ay kaydka haamaha shidaalka ay Itoobiya ka dhisatay ee ah Awash (Gobolka Cafarta oo u dhow Addis Ababa) ay ka fogtahay Shilaabo, taasoo keenaysa in shidaalka intaan dibadba lagayn (waa haddii la soo saaree) ay caqabo kala kulmi karaan daabulkiisa gudaha ee illaa Awash.

Bahda Faallo.com