Itoobiya: 15 Diblamaasi Cusub oo Hal Mid ah oo Soomaali ahi Ku jirin!

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 04-01-2016

Siday ku dhacday in Deegaanka oo tiro ahaan ah kan 3-aad ee dhulka Itoobiya ka taliso uusan waxba ka helin 15 Diblamaasi Cusub oo la magacaabay?

Current Prime Minister, Hailemariam Desalegn (L), is favourite to retain the post but faces competition from leading challengers Debretsion Gebremikael (C) and Tewodros Adhanom (R)

Current Prime Minister, Hailemariam Desalegn (L), is favourite to retain the post but faces competition from leading challengers Debretsion Gebremikael (C) and Tewodros Adhanom (R)

Itoobiya ayaa magacowday 15 diblamaasi oo cusub oo loo kala dirayo caalamka daafihiisa. Waxaa soo baxday in 15-kan diblamaasi ee cusub uusan ku jirin hal mid ah oo kasoo jeeda Deegaanka Soomaalida. Waxaad wada ogtihiin in Deegaanka Soomaalidu yahay juqraafi ahaan baxaddiisu kan labaad ee dhulka Itoobiya maamusho, tirada dadka ku noolna ku jiraan kaalinta 3-aad, oo ay ka badanyihiin kaliya Oromada iyo Axmaarada.

Haddaba waxaan arrinkan ka hadli karin shacabka Deegaanka oo dil iyo cabudhis in badan kasoo jiray Deegaanka uu baday in ay gacan-ku-gabad noqdaan.

Diblamaasiyiintan oo xaflad sagootin ah loogu sameeyay Addis Ababa ayaa waxaa la dardaarmay madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome iyo wasiirka arrimaha dibadda Tedros Adhanom.

Xukuumadda ayaa sheegtay in ujeeddada rasmiga ah ee loo diray diblomaasiyiintan ku sheegtay in ay tahay inay suuq usoo raadiyaan waxsoosaarka Itoobiya, inay maalgashi caalami ah usoo helaan Itoobiya; hase yeeshee dad Addis Ababa ku sugan oon la hadalnay ayaa tuhunsan in ujeeddada dhabta ahi ay tahay inay soo jaajuusaan bulshada Qurbajoogta ee ku kacsan maamulka Itoobiya.

Bahda Faallo.com

 

One Response to Itoobiya: 15 Diblamaasi Cusub oo Hal Mid ah oo Soomaali ahi Ku jirin!

  1. sababta aysan u helin hal kursi ama diblumaasi aan kuu sheego soomalida degan degaanka itoobiya ayaga heshiis ma ahan oo wahey u kala go gosan yihiin qabiil qabiil taas ayaa kow ka ah dhibka Jira mana baqi leheen hadey isku hiran yihiin oo ay ogyihin in ay is higaan qabiil kasto ka mid ah kuwa meesha dega wahow u hadlaa un qabiilkisa taas aa keentey itoobiya in ay haweysato in ay la wareegto soomali oo dhan ileen wahey baratey kuwa dhulkaas degan o qabiil qabiil u kala daadsan dhulka somalida itoobiya ma ogaaden keliya dega adigaba is weydii sow somaali dhan ma wada degto ogaadenka meesha dega hadaa dhahdo yaa dega dhulkaas wahow ku leeyahay dhulka ogaadeniya wahow haqirsanyahay kan walaalkisa ah oo la degan dhulkaas itoobiyankana kuligooda marka la isku daro ayey haqirsan yihiin sidaa ogaaw wsc

    kuriiko
    January 14, 2016 at 12:10 am