Dahabo Cismaan Kaahin, Xaaskii Abwaan Maxamad Cumar Dage, oo Maanta Xijaabatay

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga): 04-01-2015

Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun

tacsiWaxaa maanta magaalada Qabridahar ee caasimadda gobolka Qoraxay ku geeriyootay hooyo Dahabo Cismaan Kaahin. Waxaan Allah S.W. uga baryaynaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, ehelkii iyo qaraabadii ay ka tagtayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Dahabo Cismaan Kaahin waxay u dhaxday Gabyaagii caanka ahaa ee gayiga Soomaalida aadka looga yaqaannay Abwaan Maxamed Cumar Dage, oo gabayo badan oo la xasuusto ka tagay, balse si gaar ah loogu xasuusto inuu sabab u ahaa soo afjariddii gabayga Silsiladda Soomaalida dhexdeeda caanka ka noqotay ee uu billaabay Abwaan Cali Dhuux aw Aadan, ee la magac baxday Guba.

Mar kale waxaan leenahay Alle ha u naxariisto marxuumadda intii ay ka baxday oo dhanna samir ha ka siiyo.

Bahda Faallo.com

 

One Response to Dahabo Cismaan Kaahin, Xaaskii Abwaan Maxamad Cumar Dage, oo Maanta Xijaabatay

  1. Aamiin yaarabi. Hooyo dahabo. Alaha u naxariisto

    Mohamed
    January 5, 2016 at 10:09 am