Sawir: Oromada oo Warshad iyo Hotel Tigreegu Leeyihiin Gubtay

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Addis Ababa) 05-01-2016

Wararka aan ka helayno magaalada lagu magacaabo AlemGena ee ka tirsan Deegaanka Oromada ayaa sheegaya in warshad uu lahaa nin ka mida Tigreega halkaas ku nool dambaska laga dhigay.

warshad_tigree_la_gubay_OromiaWarshaddan oo lagu samaysan jiray qalab fara badan oo kiimiko ah oo laga sameeyo waxyaabo guryaha la dhigto sida Furaashta ayaa kadib dabka gabi ahaanba isku basbeeshay.

Waxaa warku intaa ku darayaa in mulkiilaha warshadda oo magaciisa lagu sheegay Gabre Woldemikael uu ka soo jeedo qowmiyadda laga tirada badanyahay ee Tigree, balse iyadu awoodda Itoobiya gacanta ku haysa.

Sidoo kale isla aaggaas waxaa la soo sheegayaa in huteel ay isna lahaayeen Tigreegu dab la qabadsiiyay. Huteelka iyo warshadda labadaba ma jiraan wax dad ah oo wax ku noqday waxaase ku baaba’ay halkaas hanti aad u fara badan oo Tigreegu lahaayeen.

Waxaa xusid mudan in Tigreegu tan iyo intii ay Itoobiya taladeeda la wareegeen ay aad u maalgashadeen Deegaanno ka baxsan kooda (Tigree Kilil), iyadoo ragga maalgashigaas ku magacaaban badankoodu yihiin saraakiil ciidan, ama horay xubno uga soo ahaa jabhadda Tigreega ee TPLF.

Meelaha ay ganacsiga xoogga badan ku leeyihiin waxaa ka mid ah Deegaankeenna Soomaali Galbeed iyo waliba Magaalda Diridhaba.