Sawiro: Bal Daawo Jabka Haysta Ardayda iyo Jaamacadaha Itoobiya Xidhmay!

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Addis Ababa) 05-2015

Tan iyo intii uu bilowday kacdoonka Oromada waxaa isa soo taraya dhibaatada loo gaysanayo shacabka Itoobiya, gaar ahaan dhallinyarada oo iyaga si gaar ah loo bar tilmaameedsanayo maaddaama ay ahaayeen kuwa ugu badan ee muujiyay sida ay uga soo horjeedaan xukuumadda Itoobiya.

university_students_ethiopiaHaddaba dhalinyarada jaamacadaha ayaa ka mid ah kuwa dhibka ugu badan lagu hayo. Jaamacadaha oo ahaa goobo waxbarasho, ayaa isu baddalay furin dagaal kaddib markii ay xukuumadda Itoobiya ka arrimisa ay ciidamo aad u hubaysan ku daabuleen gudaha jaamacado badan oo Itoobiya ka jira, siiba kuwa ay Oromadu ku badanyihiin.

university_students_ethiopia4Ciidankan ayaa xeryo ka samaystay jaamacadaha, iyadoo waliba ay fasalada wax lagu dhigayo ku jiraan iyagoo hub culus wata. Arrinkan waxaa barbar socday xidhay, garaac iyo handdaad lagula kacay arday fara badan oo ka mid ah ardayda jaamacadaha. Qaarna iyagoo la dilay ayaa la arkay sidaan halkanba kusoo tabinnay, taasoo farta lagu fiiqay ciidamadan. Waxaa intaa dheer iyadoo Jaamacadda Dilla ay ku dhinteen labo arday kaddib markii bam-gacmeed lagu tuuray, halka ay tobaneeyo kale ku dhaawacmeen.

Arrimahan oo is biirsday ayaa waxay kalliftay in arday badan ay iskaga cararaan goobihii ay wax ka baranayeen iyagoo ka alaab uruursaday jaamacadihii una qaanshaystay inay guryo-noqdaan.

Haddaba xukuumadda oo arrinkan lama filaan ku noqotay ayaa ciidammadeedu waxay isku dayeen inay qasab ku joojiyaan ardayda, balse markay ka tan badisay ayay amar dul dhigeen gaadiidlayda inaysan qaadi karin qof arday ah oo raba inuu u safro qoyskooda.

university_students_ethiopia3Amarkan ayaa ku qasbay dhallinyaradii go’aansaday inay jaamacadaha iyaga iyo ciidanku wada joogin inay dalbadaan in ciidamadu banneeyaan jaamacadaha, dalabkan ooy dawladdu ku gacansaydhay. Intaa kaddib ayay arday badan door bideen inay si “TAHRIIB” ah oo dhuumaalaysi ah ugu safraan dhankaa iyo goobihii ay qoysaskoodu dagganaayeen. Taasoo ka dhignayd inay lugaynayaa masaafo aad u dheer sida ka muuqata saqirada hoose. Meelaha illaa hadda waxbarashadu istaagtay waxaa ka mid ah Ambo University, Haromaya University, Awaday, Dilla University, Adama University iyo waliba qaybo ka mid ah Jimma.

Bahda Faallo.com


university_students_ethiopia2

university_students_ethiopia1