Waa Maxay Ujeeddada Safarka Afey iyo Xaaji ee Jigjiga?

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 06-01-2015

Maxay tahay ujjeedada safarka Afey iyo Xaaji ee Jigjiga? Faalladan wada aqri si aad u fahanto silsiladda dhacdooyinka.

iley_yuusuf_xaaji_afey_wadahadalWaxaa magaalada Jigjiga gaadhay wafdi ka socda Soomaalida ku hoos nool Kenya oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin Geeska Afrika laga yaqaanno ayaa waxaa hoggaaminayay xubnaha kala ah Maxamad Cabdi Afey oo horay usoo qabtay jagada wasiirka Arrimo dibadeedka Kenya, haatanna ah Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya, iyo Yuusuf Xaaji Aadan oo isagu horay usoo qabtay jagada Wasiirka Difaaca ee Kenya.

falanqayntaHaddaba inkastoo aysan warbaahinta Cabdi Iley hoos tagta toos u sheegin ujeeddada masuuliyiintan ayaa warar lagu kalsoonaan karo waxay cadeeyeen in imaanshiiyahoodu uu ku qotomo dhexdhexaadintii ay xukuumadda Kenya ka wadday jabhadda hubaysan ee Soomaaliyeed ee dagaalka kula jirta Itoobiya, ONLF, iyo dawladda Itoobiya.

(Halkan ka aqriso/daawo qoraaladii/muuqaalladii hore een ka diyaarinay wadahadalkii ONLF iyo Itoobiya ee Kenya)

Waxaad wada xusuusataan in ugu yaraan labo jeer ay wadaxaajood heer sare ah ku dhex mareen gudaha dalka Kenya ONLF iyo ergo kasocotay Itoobiya kuwaas oo wareeggii labaad uu hoggaaminayay ergada Itoobiya wasiirkii Difaaca ee Siraj Fergesa. Wadahadalladaas uu ku yimid codsi ay Itoobiya soo dirsatay ayay ONLF sheegtay inay waligeedba diyaar u ahayd wada hadal.

Haddaba tan iyo billowgii sannadkii hore waxaa hakad galay wadahadalladaas oo caqabadaha la soo darsay ay ka mid ahaayeen xubno awood ku leh siyaasadda Itoobiya oo iyagu u arkayay inaysan dani ugu jirin wadahadalkaas ayaa aad isugu taxallujiyay inay jallaafeeyaan wadahadalkaas. Xubnahaas waxaa ugu muhiimsanaa Jeneraalka qaybta Harar iyo wixii xaggaa ka ah haysta iyo xulafo uu ku dhex lahaa TPLF. Dabcan Jeneraalkani cidda uu adeegsanayo mar walba waxay ahayd mr. Cabdi M Cumar (Iley) oo ay wada shaqayn aad u wayni ka dhaxayso.

Waatii la afduubay xubno ka mid ah ONLF oo qayb ka ahaa ergadii ONLF ee wadaxaajoodka ka midka ahayd. Arrinkaas iyo arrimo kale ayaa keenay in wadahadalkii hakad galo.

Dadaal badan oo la sheegay inuu si shaqsi ah u sameeyay Yuusuf Xaadi ayaa aakhirkii sababtay inay Itoobiya xoriyaddooda dib u siiso xubnihii Jabhadda ONLF.

Wixii intaa ka dambeeyay waxaa si daaha gadaashiisa ah u socday dadaalka la isugu soo dhawaynayo Itoobiya iyo ONLF. Haddaba waxaa dad aan ku kalsoonnahay noo sheegeen in arrinkan ay kusoo biireen rag ay labada dhinacba isku fiicanyihiin. Raggaas waxaa hormuud u ah Hoggaamiyaha Jubbaland, Axmad Islaan Madoobe, iyo Maxamad Cabdi Afey.

Iyadoo halkaa ay marayso ayaa waxaa taas barbar socday Itoobiya oo ay la soo daristay kacdoonka Oromada oo Tigreega maamulka haya halis galin kara. Arrimahan iyo siyaasadda Soomaaliya oo ay u arkaan inay muhiimm u tahay iyaga inay faraha kula jiraan, iyo iyadoo la sheegay inay yaqiinsadeen inay ku fashilmayaan siyaadda Soomaaliya haddii aysan helin taageera qabiilka lagu tuhmayo inay ONLF inta badan taageeraan ayaa soo dadajisay inay boodhka ka jafaan wadahadalkii ONLF iyo iyaga (Itoobiya).

Waxaa la sheegayaa inay ONLF iyo Itoobiya kulankoodii labaad ee dhacay sannadkii hore billowgiisii aysan waxba isku diiddanayn inata badanna la is af gartay, ee waxa hadhay tahay waxa laga yeeli Cabdi Iley!

Haddaba safarka Yuusuf Xaaji iyo Maxamad Cabdi Afey ayaa laga soo wariyay inuu la xidhiidho sidii Abdi Iley iyo xulafadiisa loo qancin lahaa.

Wixii ka soo kordha halkan kala soco.

Bahda Faallo.com