Ganacsiga: Warshad Samaysa Furaashyada oo Jigjiga Laga Dhisay

Filed under: Ganacsiga,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga): 09-01-2015

Waxaa xadhiga laga jaray warshad soo saari doonta furaashyada iyo isbuunyooyinka laga sameeyo qalabka kala duwan. Warshaddan ayaa waxaa maalgaliyay shaqsiyaad shuraako ah oo u dhashay Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo Deegaanka iyo Qurbaha ku kala sugan.

Warshadda_Furaashyada_KaaraamardhaSida uu sheegay maareeyaha warshaddan oo lagu magacaabo Cismaan Gaafuun waxaa hirgalinta warshaddan ku baxday kharash gaadhaya 60 malyan oo lacagta Itoobiya ah (60,000,000 Birr).

Maareeyaha ayaa wuxuu xafladda furitaanka ka sheegay in warshaddan oo loogu magacdaray buurta KaaraaMardha ay maalinkii awood u leedahay inay soo saarto in kabadan 1000 xabbo oo furaasho iyo isboonji kala duwan ah.

Sidoo kale wuxuu maareeyuhu sheegay in warshaddan ay ka heleen shaqaale gaadhaya 400 oo qof fursad shaqo oo isugu jirta shaqo joogta ah, iyo shaqo qaab ku meel gaadh ah intaba isugu jirta.

Xafiiska maalgalinta xukuumadda Itoobiya u qaabilsan arrimaha maalgashiga ayaa sheegay in Deegaanka Soomaalida ay afartii sano ee ugu dambaysay ay 481 hantiile oo u dhashay Deegaanka ay maalgashi ku samaysteen Deegaanka, maalgashigaas oo wadartiisu gaadhayso in ka badan 6 bilyan oo Birr, iyadoo hantiilayaashaas ay fursad shaqo u abuureen dad tiradoodu gaadhayso in ka badan 16,000 oo qof.

Tirakoobkan xukuumaddu sheegtay iyo waaqica ka jira Deegaankase markaad is barbardhigto, yacni baahsanaanta baagamuuddanimada iyo dayrada ay taaganyihiin kumanaanka dhallinyarada ah ee shaqo la’aantu ku hasyo magaalooyinka Deegaanka, ayaa waxaa kuu muuqanaya in xukuumadda ama iyadu wax buunbuuninayso, ama lambar khaldan loo gudbiyo, ama dadka laga hadlaya ee tirakoobka lagu dabakhay aysanba ahayn kuwa u dhashay Deegaanka.

Si kastooy ahaatoba waxaan aad u bogaadinaynaa hantiilayaasha Soomaaliyeed ee kaalintii maamulku gabay iyagu isku dayaya inay inta karaankooda ah buuxiyaan.

Bahda Faallo.com