Maxay ka qortay Saxaafadda Itoobiya Somaliland?

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan |

Faallo.com (Addis Ababa): 10-01-2016

Sida ay baahiyeen jaraa’id kala duwan oo ka soo baxaya dalkan Itoobiya ayaa waxaa qaar badan oo jaraa’idkaas ka mid ah maanta ciwaan looga dhigay dhacdo shalay ka dhacday Somaliland.

somaliland_puntland_jubaland_galmudug_gumaysi

Copyright: Amin Amir

Warka dhacdadan oo sidoo kale ay baahiyeen saxaafadda Soomaalidu ayaa dulucdiisu ahayd in Somaliland ay qabatay tahriibayaal ka soo jeeda Itoobiya oo gaadhaya 80 qof kuwaas rabay inay ka tahriibaan xeebaha Somaliland.

Haddaba waxaa xiiso lahaa in warbaahinta Itoobiya, tan dawladda iyo tan sida gaarka ah loo leeyahay labaduba, markay ka hadlayeen Somaliland ay adeegsadeen magacyada:

“Ismaamul-goboleedka Somaliland ee ka jira Waqooyiga Soomaaliya”

iyo

“Ras-gazka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya”.

Waxaa xusid mudan in Itoobiya ay ka mid tahay dalalka xidhiidhka ugu fiican la leh Somaliland, hase yeeshee xidhiidhkan ayaa lagu tilmaamaa in Itoobiya ayna ka ahayd jacayl ay u qabto Somaliland, balse ay ka turjumayso Istaraatiijiyaddeeda Siyaasadeed ee la gu qeexay dukumintiga haga arrimaheeda siyaasadda dibadda, kaas oo ay ku caddahay in Itoobiya ay mar walba ka shaqayso sidii looga hor tagi lahaa Soomaali mid ah oo awood u yeelata inay Geeska Afrika saamayn siyaasadeed iyo mid dhaqan-dhaqaale intaba ku leedahay. Taa waxaa caddayn u ah in Itoobiya haddii ay dhab ka tahay inay Somaliland ka jeceshahay Soomaalida inteeda kale ay mar hore aqoonsi siin kari lahayd.

Bahda Faallo.com