Saxaafadda Caalamka oo Waxay Aamustaba Aakhirkii Itoobiya Tooshka Ku Ifisay!

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan |

Faallo.com (Addis Ababa): 10-01-2016

Falanqayn ku saabsan saxaafadda caalamka iyo waxa ay ka qortay kacdoonka Oromada

media_coverage_pressItoobiya waxaa ka socday walina ka sii socda kacdoon ay wadaan qawmiyadda Oromada, kacdoonkan oo markii hore ku bilaabmay diidmo ay Oromadu diiddanyihiin dhul-ballaadhsi ay xukuumadda Itoobiya ka samaynaysay Deegaanka Oromiya, oo ay xukuumaddu rabtay in dhul Deegaankan ka mid ah ay ku darto caasimadda Federaalka ee Ardasababa, ayaa isu baddalay kacdoon guud oo lagu diiddanyahay maamulka kaligii-taliska ah ee Tigreega.

Saxaafadda Caalamka (sidoo kale loo yaqaan saxaafadda reer-Galbeedka) ayaa tan iyo intii uu billaabmay kacdoonkani indhaha iyo dhagahaba ka furaysatay, iyadoo kuwooda soo hadal-qaadayna ay wax u qoreen qaab lagu taageerayo xukuumadda hadda jirta.

Haddaba xukuumadda oo luuqadda ay aadka u taqaanno ay tahay awood-sheegad iyo muquunin ayaa si ka baxsan bani’aadannimada ula dhaqantay dadkii Oromada ahaa ee bannaanbaxa nabad-galyada ah waday. Waxay hadh cad iyo habayn madowba isku si u gumaadday shacab aad u fara badan, oo isugu jira caruur, dhallinyaro, ciroole iyo waliba biri-magaydo kale oo ay ka dhigeen waxay laayaan iyo waxay jidh-dilaan iyo waliba kuwo ay xidhaan. Dhimashadu waa boqolaal, xidhayguna wuxuu dhaafay kumannaan.

oromo_protests_media_coverage

Oromo bannaanbaxaysa

Saxaafadda reer-galbeedka oo lagu eedeeyo inay kolba wixii iyaga dano khaas ah ugu jiraan uun inay buunbuuniyaan ayaa, waxay garowsatay inaan arrimo dhowr ah kuwaas oo aakhirkii gayaysiiyay inay iyana soo gudbiyaan wararka aysan ku faraxsanayn ee kasoo yeedhaya Itoobiya. Waxyaabaha kallifay inay hadda afka furtaan waxaa ka mid ah iyadoo saxaafaddu tartan adag kula jirta baraha bulshada (Social media). Shacabka ayaa noqday kuwo aan u joojin cidna, ee iyagu mobile-adooda kusoo sawira maalin kasta iyo goor kasta tacaddiyada ay xukuumadda Itoobiya ka waddo Oromiya. Caddaymahan ayaa waxaa sidoo kale adeegsaday hay’ado awood ku leh siyaasadda caalamka oo ah kuwo sheegta inay u doodaan xuquuqda dadka. Hay’adahan oo ay hormood u yihiin Human Rights Watch iyo Amnesty International ayaa soo bandhigay caddaymo muujinaya tacaddiyada ay TPLF u gaysatay dad shacab ah oo aan hubaysnayn.

Waxaa intaa dheer waxay saxaafaddani arkeen in kacdoonkani uu ka duwanyahay kuwii hore oo uu si isdaba joog ah usii socdo ayna suurto gal tahay in Tigreega iyo taageerayaashooda kaarka loo rogo oo karkaarka la waydaariyo!

Haddaba waa kuwan qaar ka mid ah saxaafadda arrinkan

Dambeeye ma gaadho, doqoni calaf ma leh

ugu soo biiray ee wax ka qoray. Si aad qoraalladooda u aqrisato tuuji linkiga magaca saxaafadda:

The Washington Post

Forbes

Voice of America

Yahoo News

BBC

iyo

VICE