Jaamacadda Diridhaba oo Ciidamo Badan Lagu Daadgureeyay iyo Arday Waxyeello Soo Gaartay

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 12-01-2016

Kacdoonkii Oromada oo wali halkii ka sii socda iyo Waxyeellada loo gaysanayo Oromada oo iyana sii kordhaysa.

Ciidan tuban Kadinka Jaamacadda Diridhaba

Ciidan tuban Kadinka Jaamacadda Diridhaba

Ciidan aad u tira badan aadna u hubaysan ayaa lagu soo daadgureeyay Jaamacadda Diridhaba (Dire Dawa University). Ciidankan oo isugu jira boolis Federaal ah iyo waliba ciidan milatari ayaa wararku waxay intaa ku darayaan inay sidoo kale weheliyaan tiro ciidan Soomaali ah oo laga soo uruuriyay Liyuu Boolis.

Haddaba arrimahan ayaa imaanaya iyadoo wali ay socdaan kacdoonkii ay wadeen bannaanbaxayaasha Oromada.

Ciiwankan lagu soo daadgureeyay jaamacadda ayaa handadaad iyo cagajuglayn ku haya ardaydii la arko iyagoo si wadar ah u wada socda.

Magaalada Diridhaba ayaa sideeda kale xasilloon, oo aysan ka dhicin bannaanbaxyo la mi ah kuwa meelo u dhow iyada ka socda, sida magaalada Jaadka Soomaaliya looga dhoofiyo ee Awadaay iyo ta kale ee Jaamacadda Haromaya ay ku taallo.

Waxaa warar kale ee aan ka helayno jaamacado ay ka mid tahay Ambo University iyo Jimma University ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho iyo dhaawac soo gaadhay arday ka mid ah Oromada iyadoo falalka arimahan lagu eedaynayo ciidamada hubaysan ee xukuumaddu soo dhoobtay jaamacadaha iyo meelaha kale ee ay is leeyihiin waxaa ku xooggan dadka kacdoonka wada.

Bahda Faallo.com