Sawiro Argagax Leh: Ninka Ubadkiisii Sidaa U Galay Miyaad Arxan Ka Sugaysaan?

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan |

Faallo.com (Jigjiga): 13-01-2016

Soomaaliyeey, haddaba, sow dow ma aha inaan bal is waydiino kuwa aan maalin iyo habayn waa walaalaheen leenahay, mar hadday kuwii inaga xigay ee ay qaar isku diinta ahaayeen sidaa u galeen, inaannu ka filno inay noo asxaan sameeyaan sow inagu ceeb maaha? Fikirkaaga kaga qayb qaado doodda.

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaysa khasaaraha ka dhalanaya awoodda ay xukuumadda Itoobiya u adeegsato shacabka qaybo ka mid ah, gaar ahaan qawmiyadda Oromada oo iyagu kacdoonkii ay billaabeen bishii November ee sannadkii tagay wali halkii ka sii wada, iyagoo sii xoojiyay dalabkoodi hore.

Haddaba awoodaha ay xukuumadda Itoobiya adeegsanayso oo ay fulinayaan ciidan gaar ah oo ka kala socda milatariga iyo maleeshiyaad hoos taga Federaalka ayaa midba midda kale ay kasii culustahay.

Dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee argagaxa lahaa waxaa ka mid ah ilmo saqiir ah oo dhaawac halis ah uu kasoo gaadhay rasaas nool oo ay si loo aabo-yeelin loogu furay dad isugu soo baxay aaska nin isna Oromo ah oo u dhintay jidh-dil loogu gaystay xabsiga Maekelawi ee Addis Ababa. Ninkan aaskiisa uu socday ayaa isaga lagu magacaabi jiray¬†Abdata Olansa, waxaana la xidhay sannadkii 2014, markaas oo kacdoonka eegga socda wajigiisii koobaad uu soo billowday. Inkastoo markii hore lasii daayay ninkan ayaa haddana waxaa lasoo xidhay kaddib soo laba-kaclaynta kacdoonka ee November, 2015, iyadoo su’aalo lagu weydiinayay xabsiga Addis Ababa; kaddibna uu jidh-dil arrimahaas la xidhiidha uu dhaawc culus soo gaadhay taasoo keentay in isagoo mayd-noole ah loo qaado dhaqtar isla magaaladaas ku yaalla. Haddaba ninkan¬†Abdata Olansa oo isla dhaawacaas ugu geeriyooday dhaqtarkaas, ayaa maydkiisa loo soo qaaday magaalada Ambo si lagu aaso. Waana halkaas halka dadkii aaska isugu soo baxay oo qaarkood ilmo yaryar wata rasaas oodda looga qaaday sida idinkuba aad sawirrada ka aragtaan.

Waxaan shaki ku jirin in dadka la gumaadayo ee bannaanbaxa wada iyo Soomaalida marka la is barbar dhigo ay sababo badan awgood kuwa talada Itoobiya haya iyagu inaga xigaan kuwa ay laynayaan. Waxaa tusaale kuugu filan in dadka la laynayo ama si kale dhibaatada loogu gaysanayo in badan oo ka mid ah ay kuwa awoodda haytsa isku DIIN yihiin, sidoo kalena arrimo badan oo kale oo dhaqan-dhaqaale wadaagaan; sidaas ooy tahayna ay iska dhaaf wax kale inay uga tudhaane ay carruurtoodii RASAAS madaxa kala dhaceen.

Soomaaliyeey, haddaba, sow dow ma aha inaan bal is waydiino kuwa aan maalin iyo habayn waa walaalaheen leenahay, mar hadday kuwii inaga xigay ee ay qaar isku diinta ahaayeen sidaa u galeen, inaannu ka filno inay noo asxaan sameeyaan sow inagu ceeb maaha? Fikirkaaga kaga qayb qaado doodda.

Sawirada dhibbanayaasha halkan hoose ka daawo:

child_victims_of_ethiopian_terrorism child_victims_of_ethiopian_terrorism2