Sawiro: Sideed U Aragtaa Shirka Dhallinyarada; DHIIBO FIKIRKAAGA

Filed under: Faallo,Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 13-01-2016

dood_furanSidaan dhowr jeer oo hore u falanqaynayba waxaa Deegaanka Soomaalida ka jira shaqo la’aan aad u baahsan oo ku habsatay dhallinyarada; shaqo la’aanta qaar waxaa lagu dhallii karaa meelo kale. Hase yeeshee eedda inteeda badan waxaa iska leh shaqsiyaadka maamula siyaadda iyo dhaqaalaha Deegaanka oo uu hormuud u yahay Cabdi M. Cumar. Ujeeddadeenu hadda ma aha inaan ka faalloono sababaha eedda inteeda badan maamulka dusha looga saarayo, oo taas horay baan idiin ka haqab tirnay.

Ujeeddadeennu waa inaan fursad idiin siino inaad aragtidiinna ka dhiibataan sababta hadda ku so beegantay in dhallinyaro badan oo jaamacadaha ka soo baxay oo Deegaanka ku shaqo la la shiriyo oo loo ballan qaado in la shaqaalaysiin doono?

Ma ka daacad baa maamulka arrinkan? Ma jid lagu cuni miisaaniyadda laga helayo Bangiga Adduunka ee loogu tala galay yaraynta baagomuuddannimada een horay halkan ugu shaacinnay miyaa? mise waxaa lagaga hortagayaa inay kacdoonka Oromada mid la mid ah sameeyaan? Fadlan fikirkaaga oo aan af lagaado wadan halkan ka dhiibo.

Arday_shaqo_la'aan_jigjiga4

Arday_shaqo_la'aan_jigjiga2Arday_shaqo_la'aan_jigjiga3