Maxkamad Caalami ah Oo Go’aan Ka Gaadhay Muran Shidaalka Soomaalida (Ogaden)

Filed under: Wararka oo Dhan,Warka Deegaanka |

Faallo.com (Jigjiga) 25-01-2016

oilMaxkamad ku taallada Dalka Swisarlaan ayaa ridday go’aan maxkamadeed oo ku aaddan muran ku saabsanaa shidaalka Ogaden.

Murankan oo u dhexeeyay Wasaaradda Macdanta ee Itoobiya oo iyadu maamusha dhulka Soomaaliyeed ee shidaalkani laga helay, gaar ahaan aagga Jeexdin ee ka tirsan gobolka Qoraxay, iyo shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha oo horay heshiis kula gashay Itoobiya inay soo saarto shidaalkaas.

Haddaba shirkaddan Shiinaha laga leeyahay oo lagu magacaabo PetroTrans kana diwaan gashan ismaamulka Hong-Kong ayaa iyadu shaqadii shidaal baadhista joojisay sannadkii 2012.

Wixii intaa ka dambeeyayna waxaa billowday dacwad soo jiitantay oo ay shirkaddu ku andacoonaysay in Itoobiya heshiiskii ay kala saxeexdeen ay ku xadgudubtay, sidaa darteedna ay tahay in mag-dhow laga siiyo xadgudubkaas. Shirkadda PetroTrans ayaa ku doodaysay in loo xukumo lacag dhan 1,4 bilyan oo Doollarka Maraykanka ah, taas oo ay ku doodaysay inay xaq ugu leedahay xukuumadda Itoobiya.

Itoobiya ayaa dhankeeda ku doodday inay shirkaddu iyadu burisay heshiisyo lala galay, sidaasna ay ku waayayso magdhow kasta oo ay dalbato.

Isku soo duuboo waxaa maxkamadda caalamiga ah ee ku taalla Iswiisarland go’aamisay in shirkaddu khaladaad ay samaysay darteed iyo caddaymo ku filan ooysan keenin awgeed aysan wax gar ah ugu lahayn Itoobiya inay magdhow siiso.

Haddaba waxaa go’aankan soo dhaweeyay wasaaradda macdanta Itoobiya iyadoo sheegtay in go’aankani digniin u yahay shirkadaha mustaqbalka isku daya inay dalbadaan magdhow aysan xaq u lahayn, waa siday hadalka u dhigeene.

Arrinkan ayaa imanaya iyadoo dhawaantan ay shirkad kale oo isla Shiinaha laga leeyahay magaceeduna yahay POLY-GCL, oo shidaalka Ogaden gacanta ku haysa ay sheegtay inay soo saari doonto shidaalka Jeexdin ugu dambayn sannadka 2018.